Friday, March 31, 2017

GUDOOMIYAHA HAYADDA SOCDAALKA IYO QOXOOTIGA OO MAANTA KA HADASHAY HAWSHA WASAARADDA IYO XOGO KU SAABSAN MAGANGALYO DOONAYAASHA

Gudoomiyaha  Hay.adda qoxootiga iyo sodaalka Jutta Cordt
BERLIN-gudoomiyaha hayadda qoxootiga iyo socdaalka dalkan ee BAMF Jutta Cordt ayaa maanta saxaafadda waraysi ay siisay kaga jawaabtay suaalo dhawra oo lagu waydiiyey xafiiskeeda suaalahaas oo u dhignaa sidan.
1-intee in leeg bay sugayaan in go,aan laga gaadho dadka cusub ee wadankan soo galay ama soo galayaa?
*jawaab-mar la eego codsiga dadka hadda soo galaya diiwaan galinta ilaa jawaabtoodu waxay isku qaadan doontaa muddo 3 bilood ah,yoolkayagu waa inaanu codsiyadda cusub oo dhan ku gabagabayno muddo 3 bilood ah xataa mustaqbalka waqtiga soo galitaanka ilaa waqtiga codsiga ,marka aanu wadan ka helno dad magangalyo doonana way kasii gaabantahay hadana waxay qaadataa 16 maalmood.
2- waa maxay sababta nidaamka magangalyo doonku u qaato waqti dheer halkuuu waqti yar qaadan lahaa ?
*jawaab-tan waxa sabab u ah codsiyadii hore kuwaasoo qaatay bilo waxaanu haynaa hadda  435,000 oo fayl kuwaasoo ku saabsan codsiyadii sanadihii hore taana yoolkaygu waa waxanu isku dayeynaa ama dadkan arintooda inaanu dhamayno dhamaadka gu,gan si kastoy ahaato haday joogayaan iyo hadii kaleba,tani waa inaanu yarayno fayalalka noo kaydsan ee sanadihii hore kuwaasoo xajmi badan ilamaayo 100,000 oo fayl halkan hadda waxaanu ku taaganahay dariiq sax kiiska oo aanu gabogabaynaana wuxuu saamayn ku leeyahay mudadda habka magangalyadda  iyo mudadda habka tirikoobka tani waa hadii aanu dhamays tiri lahayn faylaal ama hab sandkii 2015tt ah waxay qaadanaysaa muddo 20 bilood ah .markasta oonu  kiisas qaadanaya waqti  aanu gabgabayno waa markastoo tirakabooka guud  kiisaska oo dhami dheeraado.
3-Haya,adaadu waxay noqotay meel si fiican u shaqayso iyadoo loo sababynaayo culays xaga dhibaatadii qoxootiga kaga timi ah balse hadda waxa lagu tuhmaa in aanay dad badani taas dhagaysan ?
*jawaab-asxaabtaydu waxay aad u ogyihiin yihiin masluuliyadda ay qaadeen waxaanay ogyihiin inay si taxadar leh wax u dhagaysantaan sidoo kalena wax u go,aamiyaan
4-Dadka goaanka gaadhaa  si shakhsiyana ma u yaqnaan dadka saamayntu ku timibear. ?
*jawaab-2dii sano ee ugu dambeeyey waxa jirtay 2 talaabo oo dadka intaryuuga qaada ama dhagaysta iyo cida go,aanka gaadha lagu kala saaray sababtoo ah waxaanu waajahnay muhiimad wayn taasoo ah sababta keentay inay dadku sugaan go,aanka muddo dheer [suaashan hadaan sii  faaleeyo micnaheedu waa markii hore qof kaliyaata ayaa dhagaysiga iyo goaanka qaadi jiray taasoo sababtay inay muddo dheer jawaabtu qaadato].
suaashan sidoo kale waxa i  waydiiyey hayaddahha aan dwliga ahayn sida ama qoxootiga caawiya sidda pro asylum iyo kiniisadaha  waligayana umaanu qaadan inay tahay tani dhamaadkii isla maraka ururkaasi ogolaado waxaanu dub u eegi habkaas magangalyadda,mustaqbalkana waxay ahaan doontaa mid dadka goaanka gaadhaya iyo magangalyo doonayaashu si shakhsiya isu gartaan hadana waxaanu bilownay inaanu qiimayno shaqaale dhagaysiga ah balse gaadhida go,aanku wuxuu ku jiraa gacan qudha
5-Ma dhabaa inuu si wayn kor ugu kacay dacwadaha lagag cabanaayo BAMF ?
*Jawaab-hadii kiisas badan la goaamiyo waxa  kaloo jiraya cabashooyin badan,si kastoy ahaataba sanadkii hore  kor umay kicin lamanayn sinayn sandhiii hore sandkii hore cabshadu waxay ahayd 25 boqolkiiba halka sandkii 2015ka ambiiladda ama cabshdu ahayd 16 boqolkiiba  halka sanadhii kasii horeeyey cabashadu ahayd 40 boqolkiiba  iyo in ka badan.
6-waa maxay sababta faraha qoxootiga laga qaado 3 meeloodow meel ahaani aanay u shaqayn ?
*Jawaab-faraha aanu ka qaadno qoxootiga  isku mid maaha mana ah mid bilaa faaido ah waxaanu doonaynaa inaanu is garab dhigno  waxayaalaha kale sida waaxaha amaanka iyo inay cadahay in qofka magangalyo doonka ahi isticmaalay wajiyo kala duwan iyo in uu ka cadayahay ama la mid yahay kuwa ay hayaan waaxaha amaanku 10 farood oo laga qaaday qof magangalyo doona waxay noqon karataa mid faaido leh marka xaalad la eego ,haduu qofku dambi ku galo meeluun oo goobta dambigu ka dhacay laga helo raadka suulkiisa oo kali ah way adkaanaysaa in la helo  qofkaas sabab la xidhiidha suulkaas kali ah ee la helay
7-Hadda imisa  fayl oo cusub ayaad diiwaan galiseen ?
*Jawaab-bilowgii bisha maarso waxaanu diiwaan galinay 34,000 oo codsi  oo sanadkan soo galay  
sanadku haduu sii socdana tiradu ma waxay gaadhaysaa20,000 oo codsi ?
*Jawaab- saadaasha ma bixin karo  hadii wali xaaladda wadamadda qaar qoxootigu ka yimaadaan jilicsantahay ama nugushahay.
8-ma rajaynaysaa in dadka  goaanka siyaadsadda gaadhaa inay sii wanaajin doonaan xaaladaha   shaqadda ?
*jawaab-inta badan codsiyadii sanadkii hore waa la fuliyey midaynta shabakadda xogta ,maamulidda qoxootiga is dhexgalka sameeyey kaliyaata maaha xidhiidhka ka dhexeeyey fadaraalka iyo goboladda ee waxaanu eegaynaa waxa ka suuro agal ah sidaanu uga wayn ee aanu uga  saacidi lahayn dadka go,aanka gaadha shaqadooda  tusaale ahaan mashruuca sharciga ah ee lays waydiinayo  sidii inaanu baadhno dadka magangalyo doonka ah telfoonkooda .
9-markaa maxaad samayn doontaan ?
*jawaab-inaanu baadhno ama akhrino telfoonka qofka magangalyo doonka  in aanu ogaano shakhsiyadda iyo asalka qofka bilaa baasaaboorka ah ,anagoo eegayna xogtan telfoonka taasi waxay fudaydin doontaa in qofkani magangalyo doon yahay  ,taasina waxay taageeraysaa ama fududaynaysaa shaqadayadda


-Written By-Muuse Duco
-BAMF

Dortmund QARAX XOOGAN OO KA DHACAY GURI LA DAGANAA




Qarax xoogan ayaa ka dhacay   guri  ku yaala magaaladda Dortmund kaasoo sababay dhaawaca 2 qof halka qof kalena la la,ayahay ,booliska magaaladaasi Dortmund ayaa isticmaalaya ayda si ay uriyaan iyo kamaradaha lagu baadho waxayaabaha qarsoon bal in qofka la.layahay kuhoos jiro burburka guriga . xooga dabdamiska magaaladda Dortmund ayaa  isku dayaayey inay baneeyaan burburka guriga balse waxa laga cabsi qabay inuu gurigu gabi ahaanba dumo oo uu isku fadhiisto sababtoo ah wuxuu qaraxu gaadhay dhismaha qaybtiisa sare oo dhan oo uu si xun u burburiyey,burburkuna wuxuu soo gaadhay ilaa wadada balse ma jirto cid wax ku noqotay oo wadada maraysay ,waxse jira 2 qof oo arintan qarax arkaayey oo ilaa hadda shoogsan .
ninka guriga daganaa ayaa la sheegayaa inuu ku sugnaa markii hore xaalad nafsiyan ah ,booliska magaaladda Dortmund-na way ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan arintan islamarakaana waxa socota baadhid ku saabsan shilkan naxdinta badan.

Thursday, March 30, 2017

MUXUU YAHAY QORSHAHA CUSUB EE SIYAASIYIIN KA TIRSAN XISBIGA C.D.U WADAAN INAY MASAAJIDADA DALKAN KUSOO KORDHIYAAN

photo Dpa /picture alliance o.Berg
Berlin-siyaasi sare oo  ka tirsan xisbiga Angela merkel ee CDU  qaybta fulinta oo lagu magacacaabo  Jens Spahn, ayaa sheegay in wadankan jaramalku u baahanyahay sharci xaga islaamka kaasoo la rabo in la ogaado ama lagu muujiyo khudbadaha masaajidada laga jeediyo,siyaasigani wuxuu sheegay mar uu la hadalaayey saxaafadda maanta in dawladdu ogaato waxa masaajidada gudohooda ka socda  khudbadaha afka jaramalka lagu jeediyaana ay sii kordhinayaan nacaybka isagoo hadalkiisa sii wata  Jens Spahn, ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in iimaamadda masaajidadu u baahanyihiin in laga qaado imtixaan xaga luuqadda ah maadama iimaamo badan oo dalkan jooga laga keenay dalka dibadiisa luuqadda jaramalkana aanay ku hadal islmarkaana dawlade kale lacagtooda bixiyaan ,kuwaasoo sababay inay kala faquuqaan bulshadii waa sida uu hadalka u dhiagaye waxa uu hadalkiisa sii raaciyey khudbadda kiniisadda kaatoliga cid walba way fahantaa laakiin maaha sidda kuwan turkiga iyo caribidda oo kale .

Diiwaangalinta masaajidadda
 masuulkan ka tirsan xisbiga CDU  ayaa sheegay ama ku baaqay in la diiwaan galiyo masaajididda dalkan oo dhan maadama aan la garanayn tiradda saxda ah ee masaajido dalkan ku taala cidda maalgalisa iyo meelahay ku kala yaalanba ,mushkiladuna ay tahay iyadoonay jirin urur ama cid gaara oo matasha muslimiinta dalkan kuwaasoo lagala xidhiiidho macluumaadka,siyaassigani wuxuu sheegay in markii hore ay xidhiidh dawladda jaramlku la lahyd koox  la yidhaahdo midowga kooxaha islaamka siyasiga ah ,kuwaasoo uu siyaasigani sheegay inay mar kasta ka hadli jireen dadka laga tiradda badanyahay ee dalkan muslimka ahaayeena qaar difaac ku jira ama diinta ku adag waa sida hadalka uu u dhigaye iyagoo ahaa xulafo khaladan .

maal galin xaga diinta ah  

 Jens Spahn oo ah sidoo kale wasiir ku xigeenka maaliyadda dalkan ayaa sheegay in loo furi doono tobabaro iimaamadda masaajidada,macalimiinta diinta,iyo la taliyaayaasha,iyadoo la isticmaalayo lacagta cashuurta
''taasi waxay noqon doontaa dood adag balse tan waanu maal galinaynaa halkay lacagtu ka iman lahayd turkiga ama sucuudiga taasoo macquul ka dhigi karta in dadka muslimka ah lagu soo rogo cashuurta kiniisada ,haday dadka muslimka ahi doonayaan xeerka cashuurtana taa waa in  aanu ka hadalnaa'' sidaa waxa yidhi''  Jens Spahn.
hadaba jaramlka iyo wadamo kale oo yuruba waxa ka jira wax loo yaqaano [churchTax] oo nidaam ama hab ay dajiyeen kiniisaduhu kuwaasoo cashuur looga jaro dadka shaqeeya balse siyaasiin badan oo jaraml ahi  dhaliilaan kuna sheegaan inaanay ahayn qaar wax cambaareeya iyagoo u jeeda islaamka ama leh islaamka ma cambaareeyaan kiiniisaduhu. si kastaba ha ahaatee siyaasiga Jens stephen ayaa kusoo gabagabeeyey in iimaamadda dalkan lagu tobabari doono jaamacadaha islamarakaana aan diimaha oo dhan sharcigooda aanay u baahanayn ee iyaga ay khusayso oo ay gaar u tahay .
wadankan jaramalka ayaa hadda waxa ku nool muslim gaadhaya  4.5 milyan taasoo ka dhigan boqolkiiba 5 bulshadda jaramlka

qoraalka -Muuse Duco



Source DW
Dpa



Wednesday, March 15, 2017

MAXAAD KA TAQAANAA BOQORKA IS MAGACAABAY EE JARMALKA OO MAANTA XABSIGA LOO TAXAABAY

Boqorka ismagacaabay  kadib markii maxakamadda la keenay maanta  photo---- Dpa
maxakamadda magaaladda Wittenberg ee dalka jaramalka ayaa maanta ku xukuntay xadhig 3 sano iyo 8 bilooda mr Peter Fitzek oo ku dhawaaqay inuu yahay boqor dalkan jaramlka ah kaasoo boqortooyadiisa ku dhawaaqay sanadkii 2012 ka islamarkanaana xarun uga dhigay hosbitaal qadiimiya oo ku yaala magaaladda wittenberg .
boqorka is caleemo saaray ayey dawladda jaramalku kusoo eedaysay inuu furtay bangi u gaara oo uu isagu sheegay inay boqortooyadiisu maamusho ,bangigaas oo uu dhigtay lacag gaadhaysa 1.3 milyan oo lacagta yuuradda ah,sidoo kale waxa bangigan lacagta dhigtay iyaguna dad badan oo aaminsan boqortooyadiisa inay tahay sharci.
mr.Peter Fitzek ayaan isagu aaminsanayn gabi ahaanba jiritaanka xukuumadda jaramlka iyo shuruucdeeda waxaanu hore boolisku ugu qabteen wadooyinka magaaladaasi wittenberg isagoo gaadhigiisa ku wata bilaa ruqsad ,markay boolisku qabteena waxa uu tusay liisan uu sheegay inay boqortooyadiisu bixiso ,dhanka kale Peter Fitzek waxa uu sameeyey hab ku saabsan caymiska caafimaadka oo iyana ku sheegay inay boqortooyadiisu jidaysay ,waxayaabaha kale ee ninkan boqorka sheegatay uu soo saaray ayaa waxa ka mid ah lambar/taariko kuwa gaadiidka ah,baasaaboor ,iyo waxayaale kale oo badan oo baal marsan sharciga jaramlka islamarkaana uu ku diidanyahay nidaamka dawladda jaramlka. wixii macluumaada ee ku saabsan arinta ninkan boqorka isku magacaabay waxaad ka heli kartaa barta uu ku leeyahay shabakadda intarnatka ee
 koenigreichdeutschland.org

By-Muuse Duco

BUDHCAD BADEEDII SOMALIDDA OO SOO LAABATAY

budhcad badeed soomali ah ayaa loo shakisanyahay inay afduubeen markab magaciisa loo yaqaanay The Aris 13 oo maraayey gacanka cadmeed ee xeebaha somalia ,markabkan oo uu ka lushay calanka dalka dalka siri-lanka balse ay leedahay shirkadda Panama islamarkaana ay maamusho AuroraShip Management oo ah shirkad laga leeyahay   dalka isku taga imaaraadka carabta, markabkan  ayaa siday shidaal .aad u badan oo qadarkiisu ahaa 1,800 oo tan ,masuuliyiin ka tirsan ciidamadda badda ee wadanka ingriiska iyo ururka ilaaliya maraakiibta ganacsiga ee iskaga gooshaya badda cas iyo gacanka cadmeed ee (UKMTO), ayaa sheegay in markabku markii ugu damabaysay u kacay xaga magaaladda ku caanka ku  ah budhcad badeeda ee caluula, sidda ay wakaaladda wararka ee Reuters kasoo xiganayso ciidamadda badda ingriiska ee jooga badda cas, markabkan ayaa waxa dulhaadaayey diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca kuwaasoo doonayey inay ogaadaan waxa gudaha markabka ka dhacaaya , balse shalay fiidnimadii ayaa  waxa loo diray laba laash oo nooca dheeraya ah kuwaasoo ay ciidanku leeyihiin nasiib daro se waxay sheegeen in uu markabku ka qarsoomay muuqiisana ay waayeen ,,dhanka kale shaqaalaha markabka saaranaa ayaa loo malaynayaa inay tiro ahaan ahaayeen 8 halka tiradda budhcadbadeeda lagu sheegay 15 qof  .
waa markii ugu horaysay ee tan iyo sanadkii 2012 ay dhacdo in budhacad badeed soomali ahi qafaalato markab ganacsi kadib markii dagaal ba,an ay reer galbeedku la galeen budhcad badeeda islamarkaana maraakiib dagaal la keenay biyaha somalia iyo gacanka cadmeedba taasoo hoos u dhigtay weerarka ay qaadaan budhcad badeeda soomaliddu ,budhcad badeeda soomalidda ayaa qaaday inka badan 237 oo weerar oo ay ku qaadeen maraakiibta iskaga gooshaya biyaha badda cas ilaa badwaynta hindiya weerardaas ayaa maaliyad ahaan ku kacday ama lacagta madax furasho ee budhacad badeedu hore u qaadatay ayaa ahaa 7 milayan oo doolarka maraykanka,budhcad badeeda ayaa iyaguna ku dooda dhankooda in badanka ay ilaaliyaan xeebaha soomalidda maadama oonu jirin ciidan ilaaladda badda ah oo xoogan kuwaasoo oo yaalaba  ka cawda  in badaha soomaliya lagu shubo qashin kasoo hadha warshadaha nukriyeerka iyo waxayaabo kale oo kiimiko ah oo wax yeeli kara badda shabaagta kaluunkana ay had iyo goor ka jarjaraan

By-Muuse Duco
Reuters afp
the independent

Thursday, March 9, 2017

XISBIGA GARABKA FOG EE AFD OO SAAKA SHAACIYEY OLOLIHIISA DOORSHADDA EE KA DHANKA AH QOXOOTIGA IYO MUSLIMKA


Berlin-Xisbiga garabka fog ee AFD ayaa saaka soo saaray qoraalo iyo go,aano ku saabsan ololihiisa doorashadda  taasoo uu hoosta ka xariiqay in haday sanadkan doorshadda baaralamaanka ku guulaystaan ay joojin doonaana in dumarka muslimka ah ay dugsiyada iyo goobaha shaqadda aadaan iyagoo madax dadan ,sidoo kale xisbigani waxay daboolka ka qaadeen inay masaafurin doonaana dadka soo galaytiga ah ee dambiyo galay haba ahaadaan qaar qoxootinimo la siiyeye, AFD waxay qoraalkooda ku sheegeen inay dawladda jaramlku joojiso duruusta islaamiga ah ee lagu dhigto dugsiyadda dalkan taasoo ay dawladda jaramlku maalgaliso ,xisbigani waxay ku xuseen qoraalkooda inaanu wadankan jaramalku dhaqankiisa lumin doonin iyadoo lagu gabanaayo nidaamka caawinta ama saacidaada ,dhanka kale waxay qoraalkooda ku xuseen inay doonayaan oo ay qorshooda uga jirto inay hor istaagaan in qoxootiga wadankan ku nooli soo qaataan ama dib ula midoobaan qoysaskooda ,waxayaabaha ay kaga hadaleen xaga dadka jaramlka ah ayaa waxa kamid ahaa in qofku markuu hawl gab noqdo aanu heli doonin lacagta hawlgabka ilaa muddo sanado ah kadib mooyee .
xisbigan AFD oo ah xisbi ku dhawaaqay inuu u taaganyahay dalka jaramlka ama dadka jaramalka sida magaciisa ka muuqata ayaa lagu dhawaaqay ama dhidibadda loo taagay sanadkii 2013 balse uu ku guul daraystay inuu kuraas ka helo baaralamaanka fadaraalka dalkan jarmalka,balse uu guulo kasoo hooyey meelo badan oo dalkan ka mida kadib doorsho goboleedyadii sanadkii hore ka dhacaday wadankan jaramlka guulahaas oo ay sabab u ahayd kadib markii dalkan ay soo galeen qoxooti badan oo hal milyan ku dhaw taasoo xisbgan AFD uu ka dhigtay mid uu dadwayanaha jaramlka uga dhaahdiciyo inay wax ka qabanayaan qulqulka qoxootiga wadankan soo galaaya ,si kastaba ha ahaatee doorashadda baaralanka ee dalkan jaramlka ayaa waxay qabsoomi doontaa bisha 9laad ee sanadakan aynu ku jirno taasoo aana la garanayn sidda ay noqoto ama cidda kusoo bixi doonta

Geschrieben und bearbeitet von Muuse Duco

Monday, March 6, 2017

DRESDEN NAASIYIIN QOXOOTI WEERARAY OO MAXKAMAD LA HOR KEENAYO





Guriga ay weerareen naasiyiintu Dpa

7 nin oo naasiyiin ah ayaa maxkamad lagu saari doonaa baritoole Magaaladda Dresden ee gobolka sechsen kadib markii lagusoo adeeyey inay ka dambeeyeen qarax ama banbaano daaqadda madbakha lagaga tuuray guri ay qoxooti deganaayeen oo ku yaala Freital isla gobolka Sachsen bishii September ee sanadkii 2015 ,xiliga ay kooxdani bamka ku tuureen gurigan qoxootigu daganaayeen oo ahayd waqti dambe oo aanay aanay cidi ku jirin madbakha ayaa keentay in aanay cidi wax ku noqon weerarka,nimankan weerarka gaystay ayaa qaarkood loo haystaa dambiyo kale oo ah inay weerareen siyaasiyiin ka tirsan garabka bidixda ee jarmalka kuwaas oo ay waxyeelo u gaysteen gawaadhidooda.
naasiyiintan weeraradda qaaday ayaa qirtay in weerardda ay qaadeen ahaayeen mid dadka ay u gaysteen weerarka dhimisho ku keeni lahaa ,nimankani waxay ka wada xidhiidhi jireen page ay ku lahaayeen barta facebook oo ay ugu magac dareen [Join in, Freital] islamarkaana waxay isticmaali jireen erayo nacayb xambaarsan kuwaasoo ay isku yeedhi jireen ''waxaanu nahay naasiyiin'',iyagoo qoxootiga ku tilmaamaya dad ka hooseeya dhiig ahaan iyo dhaqan ahaanba dadka kale iyo tilmaamo kale oo ay ka mid yihiin-doofaaro,dulin iyo erayo kaloo la mid waxaanay ku baaqi jireen in dadka noocan ah waa qoxootigee la wada daldalo ,mid kamida nimankan ayaa facebooga ku qoray hadaanu xukunka maanta hayn lahayn soo galaytiga oo dhan noloshaanu ku gubi lahayn ha ahaadaan caruur ama dumare.
nimankan ayaa marakay shirqooladda wadaan waxay u isticmaali jireen fariimahooda erayo ay isku afgartaan iyagoo isticmaali jiray sidda magacyadda qudaarta sidda waxaynu u baahanahay laba xaboo waawayn oo tufaaxa iyo laba caadiya markay weerarka qaadayaana kalamadda ay isku afgaran jireen waxay ahayd waxaynu u baahanahay cunto kadibna sidaas ay weerarka ku fulin jireen iyadoon cidina ogayn.
booliska oo baadhid ku sameeyey guryaha nimankani deganyihiin ayaa kasoo saaray 300 oo waxayaalaha qarxa ah ,baritoolana waxay maxkamadoodu ka bilaabmaysaa magaaladda Dresden ee gobolka sachsen halkaasoo maxakamadda ay soo xaadiri doonaan 9 markhaati oo dambigooda ku marag fura.
By -Muuse Duco
Focus
Dpa

Thursday, March 2, 2017

DAWLADDA JARMALKA OO LAGU CADAADIYEY INAYQOXOOTI KALE QAABISHO

Ururadda qoxootiga u ddoda ayaa Angela markel maalintii arabacadii kula dooday inay qadiriso heshiiska midowga yurub ee qoxootiga islamarkaana qoxootiga ku xaniban giriiga iyo talyaaniga wadankan jarmalku soo qaado Günter Burkhardt oo ah ninka u qaabilsan mashruuca dib u dajinta qoxootiga ururka qoxootiga u dooda ee Pro Asyl.ayaa sheegay inay banaan yihiin meelo badan oo qoxootiga lagusoo dhawwya wadankan jaramalka balse aanay jirin doonis siyaasadeed ,iyadoo jaramalku qaatay in ka badan 1 milayan oo qoxootiya labadii sano ee aynu soo dhaafnay ayaa hadana waxa jira mashruuca dib u dajinta qoxootiga marka la eego xeerka midowga yurub kaasoo uu jarmalku ogolaaday bishii 9laad ee sanadkii hore inuu giriiga iyo talyaaniga kasoo qaato qoxooti dhan 27,500 balse kaliyaata uun uu soo qaaday jarmalku 2,042 .
Florian Westphal,oo ah madax dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee wadankan jarmalka ayaa dawladiisa jarmalka iyo midowga yurub ugu baaqay inay si dhakhso ah u furaan dib u dajnta qoxootiga islamarkaana ay fuliyaan balamohoodii ahaa in qoxootiga dib u dajin loo sameeyo.
bishii 9laad ee sandkii 2015 ayey ahayd markii dhamaan 28ka dal ee ku jira midowga yurub ay ku heshiiyeen inay dib u dajin u sameeyaan 160,000 oo qoxootiya kuwaasoo kasoo badabaaday safarka halista badan ee badda kuwaasoo soo gaadhay xeebaha giriiga iyo talyaaniga ,heshiisankan oo ahaa in kaalmo loo fidiyo wadamadda yurub lagasoo galo islamarkaana lala wadaago qoxootiga soo gala ayaa wadanka faransiisku qaatay kaliyaata 2,445 qof oo qoxootiya halka ay ka gaabiyeen heshiiskan wadamo kale oo markii hore saxeexay sidda dalalka Austria, Hungary iyo Denmark oo iayagu aan qaadan wax qoxootiya marka la eego heshiiskan,mr Burkhardt oo ku hadalaayey magaca haayadda Pro-Asyl ayaa sheegay in jarmalku aanu qaadan karin 27,000 oo qoxootiya.
waxa la sameeyey saxeex lagu ururinaayo taageeradda la doonayo in lagu cadaadiyo in dawlada jarmalku qaadato qoxoti kale saxeexyadaas oo gaadhay 50,000 oo saxeex loona gudbinaayo wasiirka arimaha gudaha dalkani jarmalka,waxaana qayb ka noqon doona saxeexyadan dooda loogu doodayo dadka qoyasaskoodu joogaan dalka giriiga ee in mudo ahba sugaayey sidii ay ugu biiri lahaayen qoysaskooda jooga jarmalka.
hadaba iyadoo ururadda qaar ay ku doodayaan ama dawlada ku cadaadinayaan inay qaadato qoxooti cusub ayaa waxa inagusoo fool leh doorashadii madaxtinimada dalkan oo sanadkan dhici doonta taasoo muhiimadda ama musharax kastaaba ujeedada uu doonayo inuu codbixiyayaasha ku kasbadaa ay tahay sidii loo dhimi lahaa tiradda qoxootiga wadankan soo gasha si kastaba ha ahaatee arintani waxay noqon doontaa mid u taala dawladda angela markel ay hogaamiso sidii ay u waajihi lahayd alaba daran mid dooro 
 By-Muuse  Duco 
Dpa
Th.l.G

Wednesday, March 1, 2017

KHIAAFKA XISBIGA AFD IYO TAAGEERADII SHICIBKA OO AY LUMIYEEN + DOORASHADII OO SOO DHAW


Iyadoo todobaadkii ina dhaafay la sameeyey afti laga qaaday dadwaynaha jaramalka ayey aftidaasi cadaysay ama banaanka usoo saaratay halka uu taaganyahay xisbiga garabka fog ee qoxootiga kasoo horjeeda AFD.afdidaas oo ula jeedkeedu ahaa bal cida ay u codayn doonaan shicibka jaramalku ayaa waxa lagu ogaaday inay hoos u dhacaday taageeradda xisbiga AFD .
hadaba maxay yimiin sababha keenay inay hoos u dhacdo taageeradda xisbiga AFD oo meesha kasaartay inay cadowgooda ugu wayn ee Angela markel ka guulaystaan.
goodoomiyaha xisbigan ee gobolka Thuringen ayaa isagu bilihii ina dhaafay dhaliilay in la xuso xasuuqii uu Hitler u gaystay yuhuuda dagaalkii labaad ee dunida taasoo keenatay inay dad badani ka cadhoodaan islamarkaana khilaaf ka dhex abuurto xisbigan ,todobaadakan gudihiisa ayaa madaxda xisbigani dirtay 27,000 oo fariimood taasoo ay ugu baaqaayaan xubnaha kala duwan ee xisbiga inay midoobaan taasoo laga hortagaayo ama la doonayo in turxaan bixin laga sameeyo hadalkii uu yidhi gudoomiyaha xisbiga ee gobolka Thuringen mr Björn Höcke. ee doonayey in meesha laga saaro xuska xasuuqii jarmalku gaystay dagaalkii labaad.
dhanka kale xisbiga SPD ayaa iyagu meesha keenay musharax cusub kaasoo carqalad ku noqday xisbigan garabka fog ee AFD maadama ay dadwaynaha qaar badanoo ka mid ahi doonayeenuun isbadal xaga siyaasadda wadankan ah si wax looga qabto qoxootiga tiradda badan ee wadankan soo gala islamarkaana dadwaynuhu u janjeedhsadeen xaga xisbiga SPD oo ay u arkaan inuu jagada ugu saraysa kula tartami karo Angela markel musharaxan cusub ee xisbigan SPD wataa waa mr marthin Schulz ,e wuxuu laf hunguri gashay ku noqday xisbigan AFD. si kastaba ha ahaatee xisbigan garabka fog ee midigta AFD wuxuu waajahayaa xili adag oo uu doonayo sidii uu shacabka taageeradooda ku kasban lahaa ka hor intaanay gaadhin doorshadda bisha 9laad ee sanadkan aynu ku jirno ka qabsoomi doonta wadankan jarmalka

BERLIN NIN BAASKIIL WATA OO DUMARKA WAJIGA KAGA SHUBAYA ASIIDH/AASHITO

Berlin -siday u sheegatay
booliska  gabadh 27 jir ah oo reer Berlin ahi maalintii isniintii degmadda Friedrichshain markii uu wajiga kaga shubay nin baaskiil wata walax aanay garanayan oo ay shaqaalaha dabdamisku ku sheegeen inay walaxdaasi tahay aashito/asiidh,ninkana markii uu ku saydhay walaxdan dareeraha ah gabadha wuxuu sii watay baaskiillkiisii,gabdhana ayaa loo qaaday hosbitalka si looga daweeyo dhaawac halisa oo kasoo gaadhay indhaha waxaanay gabdhani noqonaysaa gabdhii 5naad ee weerar noocani qabsado magaalada Berlin,bishii 12naad ee sanadkii hore ayaa iyadana waxa sidanoo kale loogu weeraray gabdh reer berlin ah oo 27 jir ah asiidha baytariga baabuurta degmadda Prenzlauer Berg Berlin ,isla bishaa 12naad gudeheeda ayaa 3 dumara magaaladda Berlin wajiga loogaga shubay asiisha/ashootito loo isticmmaalo baytariga gaadhiga .
booliska magaaladda Berlin ayaa baadhaya in weeraraday ay xidhiidh leeyahiin

Dpa

BRANDENBURG WIIL AYAYEYDII IYO LABA BOOLISA DILAY

goobta ay ku dhinteen labadda sarkaal ee booliska ahi

24 jarmala oo kasoo jeeda gobolka Brandenburg ayaa ayeydii  ku dilay gurigeeda oo ku yaalamagaaladda Müllrose ,boolisku waxay guriga ka heleen islaantan waayeela oo 79 jir ah taasoo mayd ah ah islamarkaana cunaha uu kaga yaalo nabadar furan ,dad goob jooga ayaa arkayey wiilkan 24jirka ah oo doonaya inuu ka baxsado guriga uu dilka ku gaystay isagoo isticmaalaya gaadhiga islaanta dhimatay ,islamarkay boolisku gurigan dilku ka dhacay soo gaadheen waxay baadhid ku bilaabeen guriga iyo hareerihiisa iyagoo isticmaalaya halikobtar ,jaarku waxay booliska u sheegeen in ninkan dilaaga ahi uu saaxiibad ku leeyahay gobolka Bvaria islamarkaana laga yaabo inuu xagaas u baxsado halkaasoo boolisku amar siiyey ciidamadda wadooyinka [aoutobahan polizei] si loo qabto ama loo joojiyo ninkan dilka gaystay ,sidda ay sheegeeyaan dad goob joog ahaa ninkani intii uu jidka kusii jiray markuu baxsadka ahaa wuxuu sii galay 3 shil oo xaga jidka magaaladda  Beeskow balse laba sarkaal oo boolis ah  oo isku dayey inay  joojiyaan meel u dhexaysa magalooyinka   Oegeln iyo Beeskow  ayuu ninkani  gaadhiga jiidhsiiyey labadii askariba halkaasoo labadii sarkaal ku dhinteen.,islamarkiibana wuxuu ninkani ka booday gaadhiga si uu lug ugu baxsado balse umay suuro galin halkaasoo bilaysku gacanta ku dhigeen loona qaaday hosbitalka si looga daweeyo dhaawacyo soo gaadhay intuu baxsadka ku jiray ,sidda ay boolisku sheegayaan ninkani wuxuu ahaa nin aad u isticmaala maandooriyayaasha islamarakaana gaystay damabiyo badan oo hore ,boolisku waxay diideen inay wax faahfaahin oo dheeraada ka bixiyaan arintan islamarkaana wxay bartooda twitter ku qoreen inay aad uga xun yihiin dhimashadda labadda sarakaal ee booliska ah.
Guriga uu wiilku ku dilay ayaydii magaaladda Müllrose  photo Dpa






Dpa
Tgaespeigel

BERLIN NIN BAASKIIL WATA OO DUMARKA WAJIGA KAGA SHUBAYA ASIIDH/AASHITO

Berlin -siday u sheegataya booliska gabadh 27 jir ah oo reer Berlin ahi maalintii isniintii degmadda Friedrichshain markii uu wajiga kaga shubay nin baaskiil wata walax aanay garanayan oo ay shaqaalaha dabdamisku ku sheegeen inay walaxdaasi tahay aashito/asiidh,ninkana markii uu ku saydhay walaxdan dareeraha ah gabadha wuxuu sii watay baaskiillkiisii,gabdhana ayaa loo qaaday hosbitalka si looga daweeyo dhaawac halisa oo kasoo gaadhay indhaha waxaanay gabdhani noqonaysaa gabdhii 5naad ee weerar noocani qabsado magaalada Berlin,bishii 12naad ee sanadkii hore ayaa iyadana waxa sidanoo kale loogu weeraray gabdh reer berlin ah oo 27 jir ah asiidha baytariga baabuurta degmadda Prenzlauer Berg Berlin ,isla bishaa 12naad gudeheeda ayaa 3 dumara magaaladda Berlin wajiga loogaga shubay asiisha/ashootito loo isticmmaalo baytariga gaadhiga .
booliska magaaladda Berlin ayaa baadhaya in weeraraday ay xidhiidh leeyahiin

Dpa