Friday, March 31, 2017

GUDOOMIYAHA HAYADDA SOCDAALKA IYO QOXOOTIGA OO MAANTA KA HADASHAY HAWSHA WASAARADDA IYO XOGO KU SAABSAN MAGANGALYO DOONAYAASHA

Gudoomiyaha  Hay.adda qoxootiga iyo sodaalka Jutta Cordt
BERLIN-gudoomiyaha hayadda qoxootiga iyo socdaalka dalkan ee BAMF Jutta Cordt ayaa maanta saxaafadda waraysi ay siisay kaga jawaabtay suaalo dhawra oo lagu waydiiyey xafiiskeeda suaalahaas oo u dhignaa sidan.
1-intee in leeg bay sugayaan in go,aan laga gaadho dadka cusub ee wadankan soo galay ama soo galayaa?
*jawaab-mar la eego codsiga dadka hadda soo galaya diiwaan galinta ilaa jawaabtoodu waxay isku qaadan doontaa muddo 3 bilood ah,yoolkayagu waa inaanu codsiyadda cusub oo dhan ku gabagabayno muddo 3 bilood ah xataa mustaqbalka waqtiga soo galitaanka ilaa waqtiga codsiga ,marka aanu wadan ka helno dad magangalyo doonana way kasii gaabantahay hadana waxay qaadataa 16 maalmood.
2- waa maxay sababta nidaamka magangalyo doonku u qaato waqti dheer halkuuu waqti yar qaadan lahaa ?
*jawaab-tan waxa sabab u ah codsiyadii hore kuwaasoo qaatay bilo waxaanu haynaa hadda  435,000 oo fayl kuwaasoo ku saabsan codsiyadii sanadihii hore taana yoolkaygu waa waxanu isku dayeynaa ama dadkan arintooda inaanu dhamayno dhamaadka gu,gan si kastoy ahaato haday joogayaan iyo hadii kaleba,tani waa inaanu yarayno fayalalka noo kaydsan ee sanadihii hore kuwaasoo xajmi badan ilamaayo 100,000 oo fayl halkan hadda waxaanu ku taaganahay dariiq sax kiiska oo aanu gabogabaynaana wuxuu saamayn ku leeyahay mudadda habka magangalyadda  iyo mudadda habka tirikoobka tani waa hadii aanu dhamays tiri lahayn faylaal ama hab sandkii 2015tt ah waxay qaadanaysaa muddo 20 bilood ah .markasta oonu  kiisas qaadanaya waqti  aanu gabgabayno waa markastoo tirakabooka guud  kiisaska oo dhami dheeraado.
3-Haya,adaadu waxay noqotay meel si fiican u shaqayso iyadoo loo sababynaayo culays xaga dhibaatadii qoxootiga kaga timi ah balse hadda waxa lagu tuhmaa in aanay dad badani taas dhagaysan ?
*jawaab-asxaabtaydu waxay aad u ogyihiin yihiin masluuliyadda ay qaadeen waxaanay ogyihiin inay si taxadar leh wax u dhagaysantaan sidoo kalena wax u go,aamiyaan
4-Dadka goaanka gaadhaa  si shakhsiyana ma u yaqnaan dadka saamayntu ku timibear. ?
*jawaab-2dii sano ee ugu dambeeyey waxa jirtay 2 talaabo oo dadka intaryuuga qaada ama dhagaysta iyo cida go,aanka gaadha lagu kala saaray sababtoo ah waxaanu waajahnay muhiimad wayn taasoo ah sababta keentay inay dadku sugaan go,aanka muddo dheer [suaashan hadaan sii  faaleeyo micnaheedu waa markii hore qof kaliyaata ayaa dhagaysiga iyo goaanka qaadi jiray taasoo sababtay inay muddo dheer jawaabtu qaadato].
suaashan sidoo kale waxa i  waydiiyey hayaddahha aan dwliga ahayn sida ama qoxootiga caawiya sidda pro asylum iyo kiniisadaha  waligayana umaanu qaadan inay tahay tani dhamaadkii isla maraka ururkaasi ogolaado waxaanu dub u eegi habkaas magangalyadda,mustaqbalkana waxay ahaan doontaa mid dadka goaanka gaadhaya iyo magangalyo doonayaashu si shakhsiya isu gartaan hadana waxaanu bilownay inaanu qiimayno shaqaale dhagaysiga ah balse gaadhida go,aanku wuxuu ku jiraa gacan qudha
5-Ma dhabaa inuu si wayn kor ugu kacay dacwadaha lagag cabanaayo BAMF ?
*Jawaab-hadii kiisas badan la goaamiyo waxa  kaloo jiraya cabashooyin badan,si kastoy ahaataba sanadkii hore  kor umay kicin lamanayn sinayn sandhiii hore sandkii hore cabshadu waxay ahayd 25 boqolkiiba halka sandkii 2015ka ambiiladda ama cabshdu ahayd 16 boqolkiiba  halka sanadhii kasii horeeyey cabashadu ahayd 40 boqolkiiba  iyo in ka badan.
6-waa maxay sababta faraha qoxootiga laga qaado 3 meeloodow meel ahaani aanay u shaqayn ?
*Jawaab-faraha aanu ka qaadno qoxootiga  isku mid maaha mana ah mid bilaa faaido ah waxaanu doonaynaa inaanu is garab dhigno  waxayaalaha kale sida waaxaha amaanka iyo inay cadahay in qofka magangalyo doonka ahi isticmaalay wajiyo kala duwan iyo in uu ka cadayahay ama la mid yahay kuwa ay hayaan waaxaha amaanku 10 farood oo laga qaaday qof magangalyo doona waxay noqon karataa mid faaido leh marka xaalad la eego ,haduu qofku dambi ku galo meeluun oo goobta dambigu ka dhacay laga helo raadka suulkiisa oo kali ah way adkaanaysaa in la helo  qofkaas sabab la xidhiidha suulkaas kali ah ee la helay
7-Hadda imisa  fayl oo cusub ayaad diiwaan galiseen ?
*Jawaab-bilowgii bisha maarso waxaanu diiwaan galinay 34,000 oo codsi  oo sanadkan soo galay  
sanadku haduu sii socdana tiradu ma waxay gaadhaysaa20,000 oo codsi ?
*Jawaab- saadaasha ma bixin karo  hadii wali xaaladda wadamadda qaar qoxootigu ka yimaadaan jilicsantahay ama nugushahay.
8-ma rajaynaysaa in dadka  goaanka siyaadsadda gaadhaa inay sii wanaajin doonaan xaaladaha   shaqadda ?
*jawaab-inta badan codsiyadii sanadkii hore waa la fuliyey midaynta shabakadda xogta ,maamulidda qoxootiga is dhexgalka sameeyey kaliyaata maaha xidhiidhka ka dhexeeyey fadaraalka iyo goboladda ee waxaanu eegaynaa waxa ka suuro agal ah sidaanu uga wayn ee aanu uga  saacidi lahayn dadka go,aanka gaadha shaqadooda  tusaale ahaan mashruuca sharciga ah ee lays waydiinayo  sidii inaanu baadhno dadka magangalyo doonka ah telfoonkooda .
9-markaa maxaad samayn doontaan ?
*jawaab-inaanu baadhno ama akhrino telfoonka qofka magangalyo doonka  in aanu ogaano shakhsiyadda iyo asalka qofka bilaa baasaaboorka ah ,anagoo eegayna xogtan telfoonka taasi waxay fudaydin doontaa in qofkani magangalyo doon yahay  ,taasina waxay taageeraysaa ama fududaynaysaa shaqadayadda


-Written By-Muuse Duco
-BAMF

No comments:

Post a Comment