Ururadda
qoxootiga u ddoda ayaa Angela markel maalintii arabacadii kula dooday
inay qadiriso heshiiska midowga yurub ee qoxootiga islamarkaana
qoxootiga ku xaniban giriiga iyo talyaaniga wadankan jarmalku soo qaado
Günter Burkhardt oo ah ninka u qaabilsan mashruuca dib u dajinta
qoxootiga ururka qoxootiga u dooda ee Pro Asyl.ayaa sheegay inay banaan
yihiin meelo badan oo qoxootiga lagusoo dhawwya wadankan jaramalka balse
aanay jirin doonis siyaasadeed ,iyadoo jaramalku qaatay in ka badan 1
milayan oo qoxootiya labadii sano ee aynu soo dhaafnay ayaa hadana waxa
jira mashruuca dib u dajinta qoxootiga marka la eego xeerka midowga
yurub kaasoo uu jarmalku ogolaaday bishii 9laad ee sanadkii hore inuu
giriiga iyo talyaaniga kasoo qaato qoxooti dhan 27,500 balse kaliyaata
uun uu soo qaaday jarmalku 2,042 .
Florian
Westphal,oo ah madax dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee wadankan
jarmalka ayaa dawladiisa jarmalka iyo midowga yurub ugu baaqay inay si
dhakhso ah u furaan dib u dajnta qoxootiga islamarkaana ay fuliyaan
balamohoodii ahaa in qoxootiga dib u dajin loo sameeyo.
bishii
9laad ee sandkii 2015 ayey ahayd markii dhamaan 28ka dal ee ku jira
midowga yurub ay ku heshiiyeen inay dib u dajin u sameeyaan 160,000 oo
qoxootiya kuwaasoo kasoo badabaaday safarka halista badan ee badda
kuwaasoo soo gaadhay xeebaha giriiga iyo talyaaniga ,heshiisankan oo
ahaa in kaalmo loo fidiyo wadamadda yurub lagasoo galo islamarkaana lala
wadaago qoxootiga soo gala ayaa wadanka faransiisku qaatay kaliyaata
2,445 qof oo qoxootiya halka ay ka gaabiyeen heshiiskan wadamo kale oo
markii hore saxeexay sidda dalalka Austria, Hungary iyo Denmark oo
iayagu aan qaadan wax qoxootiya marka la eego heshiiskan,mr Burkhardt oo
ku hadalaayey magaca haayadda Pro-Asyl ayaa sheegay in jarmalku aanu
qaadan karin 27,000 oo qoxootiya.
waxa
la sameeyey saxeex lagu ururinaayo taageeradda la doonayo in lagu
cadaadiyo in dawlada jarmalku qaadato qoxoti kale saxeexyadaas oo
gaadhay 50,000 oo saxeex loona gudbinaayo wasiirka arimaha gudaha
dalkani jarmalka,waxaana qayb ka noqon doona saxeexyadan dooda loogu
doodayo dadka qoyasaskoodu joogaan dalka giriiga ee in mudo ahba
sugaayey sidii ay ugu biiri lahaayen qoysaskooda jooga jarmalka.
hadaba
iyadoo ururadda qaar ay ku doodayaan ama dawlada ku cadaadinayaan inay
qaadato qoxooti cusub ayaa waxa inagusoo fool leh doorashadii
madaxtinimada dalkan oo sanadkan dhici doonta taasoo muhiimadda ama
musharax kastaaba ujeedada uu doonayo inuu codbixiyayaasha ku kasbadaa
ay tahay sidii loo dhimi lahaa tiradda qoxootiga wadankan soo gasha si
kastaba ha ahaatee arintani waxay noqon doontaa mid u taala dawladda
angela markel ay hogaamiso sidii ay u waajihi lahayd alaba daran mid
dooro
By-Muuse Duco
Dpa
Th.l.G
No comments:
Post a Comment