Iyadoo
todobaadkii ina dhaafay la sameeyey afti laga qaaday dadwaynaha
jaramalka ayey aftidaasi cadaysay ama banaanka usoo saaratay halka uu
taaganyahay xisbiga garabka fog ee qoxootiga kasoo horjeeda AFD.afdidaas
oo ula jeedkeedu ahaa bal cida ay u codayn doonaan shicibka jaramalku
ayaa waxa lagu ogaaday inay hoos u dhacaday taageeradda xisbiga AFD .
hadaba
maxay yimiin sababha keenay inay hoos u dhacdo taageeradda xisbiga AFD
oo meesha kasaartay inay cadowgooda ugu wayn ee Angela markel ka
guulaystaan.
goodoomiyaha
xisbigan ee gobolka Thuringen ayaa isagu bilihii ina dhaafay dhaliilay
in la xuso xasuuqii uu Hitler u gaystay yuhuuda dagaalkii labaad ee
dunida taasoo keenatay inay dad badani ka cadhoodaan islamarkaana
khilaaf ka dhex abuurto xisbigan ,todobaadakan gudihiisa ayaa madaxda
xisbigani dirtay 27,000 oo fariimood taasoo ay ugu baaqaayaan xubnaha
kala duwan ee xisbiga inay midoobaan taasoo laga hortagaayo ama la
doonayo in turxaan bixin laga sameeyo hadalkii uu yidhi gudoomiyaha
xisbiga ee gobolka Thuringen mr Björn Höcke. ee doonayey in meesha laga
saaro xuska xasuuqii jarmalku gaystay dagaalkii labaad.
dhanka
kale xisbiga SPD ayaa iyagu meesha keenay musharax cusub kaasoo
carqalad ku noqday xisbigan garabka fog ee AFD maadama ay dadwaynaha
qaar badanoo ka mid ahi doonayeenuun isbadal xaga siyaasadda wadankan ah
si wax looga qabto qoxootiga tiradda badan ee wadankan soo gala
islamarkaana dadwaynuhu u janjeedhsadeen xaga xisbiga SPD oo ay u
arkaan inuu jagada ugu saraysa kula tartami karo Angela markel
musharaxan cusub ee xisbigan SPD wataa waa mr marthin Schulz ,e wuxuu
laf hunguri gashay ku noqday xisbigan AFD. si kastaba ha ahaatee
xisbigan garabka fog ee midigta AFD wuxuu waajahayaa xili adag oo uu
doonayo sidii uu shacabka taageeradooda ku kasban lahaa ka hor intaanay
gaadhin doorshadda bisha 9laad ee sanadkan aynu ku jirno ka qabsoomi
doonta wadankan jarmalka
No comments:
Post a Comment