Wednesday, March 15, 2017

BUDHCAD BADEEDII SOMALIDDA OO SOO LAABATAY

budhcad badeed soomali ah ayaa loo shakisanyahay inay afduubeen markab magaciisa loo yaqaanay The Aris 13 oo maraayey gacanka cadmeed ee xeebaha somalia ,markabkan oo uu ka lushay calanka dalka dalka siri-lanka balse ay leedahay shirkadda Panama islamarkaana ay maamusho AuroraShip Management oo ah shirkad laga leeyahay   dalka isku taga imaaraadka carabta, markabkan  ayaa siday shidaal .aad u badan oo qadarkiisu ahaa 1,800 oo tan ,masuuliyiin ka tirsan ciidamadda badda ee wadanka ingriiska iyo ururka ilaaliya maraakiibta ganacsiga ee iskaga gooshaya badda cas iyo gacanka cadmeed ee (UKMTO), ayaa sheegay in markabku markii ugu damabaysay u kacay xaga magaaladda ku caanka ku  ah budhcad badeeda ee caluula, sidda ay wakaaladda wararka ee Reuters kasoo xiganayso ciidamadda badda ingriiska ee jooga badda cas, markabkan ayaa waxa dulhaadaayey diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca kuwaasoo doonayey inay ogaadaan waxa gudaha markabka ka dhacaaya , balse shalay fiidnimadii ayaa  waxa loo diray laba laash oo nooca dheeraya ah kuwaasoo ay ciidanku leeyihiin nasiib daro se waxay sheegeen in uu markabku ka qarsoomay muuqiisana ay waayeen ,,dhanka kale shaqaalaha markabka saaranaa ayaa loo malaynayaa inay tiro ahaan ahaayeen 8 halka tiradda budhcadbadeeda lagu sheegay 15 qof  .
waa markii ugu horaysay ee tan iyo sanadkii 2012 ay dhacdo in budhacad badeed soomali ahi qafaalato markab ganacsi kadib markii dagaal ba,an ay reer galbeedku la galeen budhcad badeeda islamarkaana maraakiib dagaal la keenay biyaha somalia iyo gacanka cadmeedba taasoo hoos u dhigtay weerarka ay qaadaan budhcad badeeda soomaliddu ,budhcad badeeda soomalidda ayaa qaaday inka badan 237 oo weerar oo ay ku qaadeen maraakiibta iskaga gooshaya biyaha badda cas ilaa badwaynta hindiya weerardaas ayaa maaliyad ahaan ku kacday ama lacagta madax furasho ee budhacad badeedu hore u qaadatay ayaa ahaa 7 milayan oo doolarka maraykanka,budhcad badeeda ayaa iyaguna ku dooda dhankooda in badanka ay ilaaliyaan xeebaha soomalidda maadama oonu jirin ciidan ilaaladda badda ah oo xoogan kuwaasoo oo yaalaba  ka cawda  in badaha soomaliya lagu shubo qashin kasoo hadha warshadaha nukriyeerka iyo waxayaabo kale oo kiimiko ah oo wax yeeli kara badda shabaagta kaluunkana ay had iyo goor ka jarjaraan

By-Muuse Duco
Reuters afp
the independent

No comments:

Post a Comment