Thursday, March 9, 2017

XISBIGA GARABKA FOG EE AFD OO SAAKA SHAACIYEY OLOLIHIISA DOORSHADDA EE KA DHANKA AH QOXOOTIGA IYO MUSLIMKA


Berlin-Xisbiga garabka fog ee AFD ayaa saaka soo saaray qoraalo iyo go,aano ku saabsan ololihiisa doorashadda  taasoo uu hoosta ka xariiqay in haday sanadkan doorshadda baaralamaanka ku guulaystaan ay joojin doonaana in dumarka muslimka ah ay dugsiyada iyo goobaha shaqadda aadaan iyagoo madax dadan ,sidoo kale xisbigani waxay daboolka ka qaadeen inay masaafurin doonaana dadka soo galaytiga ah ee dambiyo galay haba ahaadaan qaar qoxootinimo la siiyeye, AFD waxay qoraalkooda ku sheegeen inay dawladda jaramlku joojiso duruusta islaamiga ah ee lagu dhigto dugsiyadda dalkan taasoo ay dawladda jaramlku maalgaliso ,xisbigani waxay ku xuseen qoraalkooda inaanu wadankan jaramalku dhaqankiisa lumin doonin iyadoo lagu gabanaayo nidaamka caawinta ama saacidaada ,dhanka kale waxay qoraalkooda ku xuseen inay doonayaan oo ay qorshooda uga jirto inay hor istaagaan in qoxootiga wadankan ku nooli soo qaataan ama dib ula midoobaan qoysaskooda ,waxayaabaha ay kaga hadaleen xaga dadka jaramlka ah ayaa waxa kamid ahaa in qofku markuu hawl gab noqdo aanu heli doonin lacagta hawlgabka ilaa muddo sanado ah kadib mooyee .
xisbigan AFD oo ah xisbi ku dhawaaqay inuu u taaganyahay dalka jaramlka ama dadka jaramalka sida magaciisa ka muuqata ayaa lagu dhawaaqay ama dhidibadda loo taagay sanadkii 2013 balse uu ku guul daraystay inuu kuraas ka helo baaralamaanka fadaraalka dalkan jarmalka,balse uu guulo kasoo hooyey meelo badan oo dalkan ka mida kadib doorsho goboleedyadii sanadkii hore ka dhacaday wadankan jaramlka guulahaas oo ay sabab u ahayd kadib markii dalkan ay soo galeen qoxooti badan oo hal milyan ku dhaw taasoo xisbgan AFD uu ka dhigtay mid uu dadwayanaha jaramlka uga dhaahdiciyo inay wax ka qabanayaan qulqulka qoxootiga wadankan soo galaaya ,si kastaba ha ahaatee doorashadda baaralanka ee dalkan jaramlka ayaa waxay qabsoomi doontaa bisha 9laad ee sanadakan aynu ku jirno taasoo aana la garanayn sidda ay noqoto ama cidda kusoo bixi doonta

Geschrieben und bearbeitet von Muuse Duco

No comments:

Post a Comment