|
goobta ay ku dhinteen labadda sarkaal ee booliska ahi
|
24 jarmala oo kasoo jeeda gobolka Brandenburg ayaa ayeydii ku dilay gurigeeda oo ku yaalamagaaladda Müllrose ,boolisku waxay guriga ka heleen islaantan waayeela oo 79 jir ah taasoo mayd ah ah islamarkaana cunaha uu kaga yaalo nabadar furan ,dad goob jooga ayaa arkayey wiilkan 24jirka ah oo doonaya inuu ka baxsado guriga uu dilka ku gaystay isagoo isticmaalaya gaadhiga islaanta dhimatay ,islamarkay boolisku gurigan dilku ka dhacay soo gaadheen waxay baadhid ku bilaabeen guriga iyo hareerihiisa iyagoo isticmaalaya halikobtar ,jaarku waxay booliska u sheegeen in ninkan dilaaga ahi uu saaxiibad ku leeyahay gobolka Bvaria islamarkaana laga yaabo inuu xagaas u baxsado halkaasoo boolisku amar siiyey ciidamadda wadooyinka [aoutobahan polizei] si loo qabto ama loo joojiyo ninkan dilka gaystay ,sidda ay sheegeeyaan dad goob joog ahaa ninkani intii uu jidka kusii jiray markuu baxsadka ahaa wuxuu sii galay 3 shil oo xaga jidka magaaladda Beeskow balse laba sarkaal oo boolis ah oo isku dayey inay joojiyaan meel u dhexaysa magalooyinka Oegeln iyo Beeskow ayuu ninkani gaadhiga jiidhsiiyey labadii askariba halkaasoo labadii sarkaal ku dhinteen.,islamarkiibana wuxuu ninkani ka booday gaadhiga si uu lug ugu baxsado balse umay suuro galin halkaasoo bilaysku gacanta ku dhigeen loona qaaday hosbitalka si looga daweeyo dhaawacyo soo gaadhay intuu baxsadka ku jiray ,sidda ay boolisku sheegayaan ninkani wuxuu ahaa nin aad u isticmaala maandooriyayaasha islamarakaana gaystay damabiyo badan oo hore ,boolisku waxay diideen inay wax faahfaahin oo dheeraada ka bixiyaan arintan islamarkaana wxay bartooda twitter ku qoreen inay aad uga xun yihiin dhimashadda labadda sarakaal ee booliska ah.
|
Guriga uu wiilku ku dilay ayaydii magaaladda Müllrose photo Dpa |
Dpa
Tgaespeigel
No comments:
Post a Comment