Thursday, March 30, 2017

MUXUU YAHAY QORSHAHA CUSUB EE SIYAASIYIIN KA TIRSAN XISBIGA C.D.U WADAAN INAY MASAAJIDADA DALKAN KUSOO KORDHIYAAN

photo Dpa /picture alliance o.Berg
Berlin-siyaasi sare oo  ka tirsan xisbiga Angela merkel ee CDU  qaybta fulinta oo lagu magacacaabo  Jens Spahn, ayaa sheegay in wadankan jaramalku u baahanyahay sharci xaga islaamka kaasoo la rabo in la ogaado ama lagu muujiyo khudbadaha masaajidada laga jeediyo,siyaasigani wuxuu sheegay mar uu la hadalaayey saxaafadda maanta in dawladdu ogaato waxa masaajidada gudohooda ka socda  khudbadaha afka jaramalka lagu jeediyaana ay sii kordhinayaan nacaybka isagoo hadalkiisa sii wata  Jens Spahn, ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in iimaamadda masaajidadu u baahanyihiin in laga qaado imtixaan xaga luuqadda ah maadama iimaamo badan oo dalkan jooga laga keenay dalka dibadiisa luuqadda jaramalkana aanay ku hadal islmarkaana dawlade kale lacagtooda bixiyaan ,kuwaasoo sababay inay kala faquuqaan bulshadii waa sida uu hadalka u dhiagaye waxa uu hadalkiisa sii raaciyey khudbadda kiniisadda kaatoliga cid walba way fahantaa laakiin maaha sidda kuwan turkiga iyo caribidda oo kale .

Diiwaangalinta masaajidadda
 masuulkan ka tirsan xisbiga CDU  ayaa sheegay ama ku baaqay in la diiwaan galiyo masaajididda dalkan oo dhan maadama aan la garanayn tiradda saxda ah ee masaajido dalkan ku taala cidda maalgalisa iyo meelahay ku kala yaalanba ,mushkiladuna ay tahay iyadoonay jirin urur ama cid gaara oo matasha muslimiinta dalkan kuwaasoo lagala xidhiiidho macluumaadka,siyaassigani wuxuu sheegay in markii hore ay xidhiidh dawladda jaramlku la lahyd koox  la yidhaahdo midowga kooxaha islaamka siyasiga ah ,kuwaasoo uu siyaasigani sheegay inay mar kasta ka hadli jireen dadka laga tiradda badanyahay ee dalkan muslimka ahaayeena qaar difaac ku jira ama diinta ku adag waa sida hadalka uu u dhigaye iyagoo ahaa xulafo khaladan .

maal galin xaga diinta ah  

 Jens Spahn oo ah sidoo kale wasiir ku xigeenka maaliyadda dalkan ayaa sheegay in loo furi doono tobabaro iimaamadda masaajidada,macalimiinta diinta,iyo la taliyaayaasha,iyadoo la isticmaalayo lacagta cashuurta
''taasi waxay noqon doontaa dood adag balse tan waanu maal galinaynaa halkay lacagtu ka iman lahayd turkiga ama sucuudiga taasoo macquul ka dhigi karta in dadka muslimka ah lagu soo rogo cashuurta kiniisada ,haday dadka muslimka ahi doonayaan xeerka cashuurtana taa waa in  aanu ka hadalnaa'' sidaa waxa yidhi''  Jens Spahn.
hadaba jaramlka iyo wadamo kale oo yuruba waxa ka jira wax loo yaqaano [churchTax] oo nidaam ama hab ay dajiyeen kiniisaduhu kuwaasoo cashuur looga jaro dadka shaqeeya balse siyaasiin badan oo jaraml ahi  dhaliilaan kuna sheegaan inaanay ahayn qaar wax cambaareeya iyagoo u jeeda islaamka ama leh islaamka ma cambaareeyaan kiiniisaduhu. si kastaba ha ahaatee siyaasiga Jens stephen ayaa kusoo gabagabeeyey in iimaamadda dalkan lagu tobabari doono jaamacadaha islamarakaana aan diimaha oo dhan sharcigooda aanay u baahanayn ee iyaga ay khusayso oo ay gaar u tahay .
wadankan jaramalka ayaa hadda waxa ku nool muslim gaadhaya  4.5 milyan taasoo ka dhigan boqolkiiba 5 bulshadda jaramlka

qoraalka -Muuse Duco



Source DW
Dpa



No comments:

Post a Comment