Monday, March 6, 2017

DRESDEN NAASIYIIN QOXOOTI WEERARAY OO MAXKAMAD LA HOR KEENAYO





Guriga ay weerareen naasiyiintu Dpa

7 nin oo naasiyiin ah ayaa maxkamad lagu saari doonaa baritoole Magaaladda Dresden ee gobolka sechsen kadib markii lagusoo adeeyey inay ka dambeeyeen qarax ama banbaano daaqadda madbakha lagaga tuuray guri ay qoxooti deganaayeen oo ku yaala Freital isla gobolka Sachsen bishii September ee sanadkii 2015 ,xiliga ay kooxdani bamka ku tuureen gurigan qoxootigu daganaayeen oo ahayd waqti dambe oo aanay aanay cidi ku jirin madbakha ayaa keentay in aanay cidi wax ku noqon weerarka,nimankan weerarka gaystay ayaa qaarkood loo haystaa dambiyo kale oo ah inay weerareen siyaasiyiin ka tirsan garabka bidixda ee jarmalka kuwaas oo ay waxyeelo u gaysteen gawaadhidooda.
naasiyiintan weeraradda qaaday ayaa qirtay in weerardda ay qaadeen ahaayeen mid dadka ay u gaysteen weerarka dhimisho ku keeni lahaa ,nimankani waxay ka wada xidhiidhi jireen page ay ku lahaayeen barta facebook oo ay ugu magac dareen [Join in, Freital] islamarkaana waxay isticmaali jireen erayo nacayb xambaarsan kuwaasoo ay isku yeedhi jireen ''waxaanu nahay naasiyiin'',iyagoo qoxootiga ku tilmaamaya dad ka hooseeya dhiig ahaan iyo dhaqan ahaanba dadka kale iyo tilmaamo kale oo ay ka mid yihiin-doofaaro,dulin iyo erayo kaloo la mid waxaanay ku baaqi jireen in dadka noocan ah waa qoxootigee la wada daldalo ,mid kamida nimankan ayaa facebooga ku qoray hadaanu xukunka maanta hayn lahayn soo galaytiga oo dhan noloshaanu ku gubi lahayn ha ahaadaan caruur ama dumare.
nimankan ayaa marakay shirqooladda wadaan waxay u isticmaali jireen fariimahooda erayo ay isku afgartaan iyagoo isticmaali jiray sidda magacyadda qudaarta sidda waxaynu u baahanahay laba xaboo waawayn oo tufaaxa iyo laba caadiya markay weerarka qaadayaana kalamadda ay isku afgaran jireen waxay ahayd waxaynu u baahanahay cunto kadibna sidaas ay weerarka ku fulin jireen iyadoon cidina ogayn.
booliska oo baadhid ku sameeyey guryaha nimankani deganyihiin ayaa kasoo saaray 300 oo waxayaalaha qarxa ah ,baritoolana waxay maxkamadoodu ka bilaabmaysaa magaaladda Dresden ee gobolka sachsen halkaasoo maxakamadda ay soo xaadiri doonaan 9 markhaati oo dambigooda ku marag fura.
By -Muuse Duco
Focus
Dpa

No comments:

Post a Comment