Boqorka ismagacaabay kadib markii maxakamadda la keenay maanta photo---- Dpa |
maxakamadda magaaladda Wittenberg ee dalka jaramalka ayaa maanta ku xukuntay xadhig 3 sano iyo 8 bilooda mr Peter Fitzek oo ku dhawaaqay inuu yahay boqor dalkan jaramlka ah kaasoo boqortooyadiisa ku dhawaaqay sanadkii 2012 ka islamarkanaana xarun uga dhigay hosbitaal qadiimiya oo ku yaala magaaladda wittenberg .
boqorka is caleemo saaray ayey dawladda jaramalku kusoo eedaysay inuu furtay bangi u gaara oo uu isagu sheegay inay boqortooyadiisu maamusho ,bangigaas oo uu dhigtay lacag gaadhaysa 1.3 milyan oo lacagta yuuradda ah,sidoo kale waxa bangigan lacagta dhigtay iyaguna dad badan oo aaminsan boqortooyadiisa inay tahay sharci.
mr.Peter Fitzek ayaan isagu aaminsanayn gabi ahaanba jiritaanka xukuumadda jaramlka iyo shuruucdeeda waxaanu hore boolisku ugu qabteen wadooyinka magaaladaasi wittenberg isagoo gaadhigiisa ku wata bilaa ruqsad ,markay boolisku qabteena waxa uu tusay liisan uu sheegay inay boqortooyadiisu bixiso ,dhanka kale Peter Fitzek waxa uu sameeyey hab ku saabsan caymiska caafimaadka oo iyana ku sheegay inay boqortooyadiisu jidaysay ,waxayaabaha kale ee ninkan boqorka sheegatay uu soo saaray ayaa waxa ka mid ah lambar/taariko kuwa gaadiidka ah,baasaaboor ,iyo waxayaale kale oo badan oo baal marsan sharciga jaramlka islamarkaana uu ku diidanyahay nidaamka dawladda jaramlka. wixii macluumaada ee ku saabsan arinta ninkan boqorka isku magacaabay waxaad ka heli kartaa barta uu ku leeyahay shabakadda intarnatka ee
koenigreichdeutschland.org,
koenigreichdeutschland.org,
By-Muuse Duco
No comments:
Post a Comment