Thursday, January 5, 2017

QOXOOTI BADAN OO SANADKAN LA RAJAYNAAYO INAY HAY;ADDA QOXOOTIGA MAXKAMADA LA TIIGSADAAN

Sidda ay sheegayaan  dad khabiiro ah sanadkan waxa la filayaa inay laban laabanto dacwadda qoxootigu ku furaan ama kusoo oogaan haya.adda qoxootiga iyo socdaalka dalakan (BAMF) ha u badnaadaan suuriyaan aan ka cabsi qabin in wadankoodii lagu celizo laakiin raba in qoysaskooda wadankii jooga loosoo qaado ,gobolka North Rhine-Westphalia  oo kaliyaata waxa maxkamadda ka furnaa sanadkii galbaday 47,300 qadayadood oo qoxootigu furteen halka sanadkii ka horeeyey ee 2015 ay tiradda kiisaska qoxootigu maxkamadda geeyeen ay ahayd 21,300 taasoo laban labanlaabantay sanadkii ka dambeeyey ee 2016.
qoxootiga qaarkood waxay BAMF ku maxkamadaynayaan raagitaanka ay kala raagtay jawaabaha maadama oo wadankan badanka aan qofka qoxootiga ah loo ogolayn shaqo toosa izo duruusta luuqadda a hor intaanu jawaab ka helin haayadda socdaalka iyo qoxootiga wadankan .
daka ugu badan ee dawladda jarmalka kiisaska maxkamadda kaga furay waxay u badanyihiin suuriyaan maadama dawladda jarmalku waxay bishii march 3raad ee sanadkii hore meel marisay sharci  ah in dadka wadanka suuriya kasoo cararay la siiyo sharciga qaabiladda sedexaad ee loo yaqaano subsidiär kaasoo ah in qofku aanu wadankiisa uga soo cararin arin isaga u gaara ama fikirkiisa siyaasadeed oo lagu cabudhiyey balse ay kasoo carareen dagaal guud oo wadankooda ka socda islamarkaana aanay qoxootinimo xaq u lahayn  islmarkaana aan loosoo qaadi doonin qoysaskooda wadankii jooga muddo 2 sano ah ,gudoomiyaha ururka u dooda xuquuqda qoxootiga ee Pro asyl Bernd Mesovic ayaa cambaareeyey go,aankan Bernd Mesovic wuxuu sheegay in dadkani u baahanzihiin inay qoysaskooda la midoobaan hadii aynu xaaladoodoo kale ku jiri lahayna sidaynu samayn lahayn .dawladda jarmalku waxay horaantii sanadkii 2016 bixisay 50,000 oo dal ku gal kaasoo la siiyey qoysas doonaya inay la midoobaan dadkooda wadankan jooga .................

MASUULIYIIN KA TIRSAN DAWLDDA IYO XISBIYADDA QAAR OO ISKU KHILAAFSAN HABKII LOO MAAMULI LAHAA SIRDOONKA

gudoomiyaha xisbiga CSU seehofer photo Dpa 
Gudoomiyaha xisbiga CSU ee gobolka bavaria Horst Seehofer  ayaa kasoo horjeestay hadal uu maalintii salaasadii wasiirka arimaha gudaha dalkani thomas ku sheegay in awooda xaaladda amaan ee dalkan layskugu keeno magaaladda berlin taasoo ay ujeedadeedu ahayd in xaaladda  adkaynta amaanka wadankan kadib weerarkii berlin ee 19kii bishii ina dhaaftay dadka lagu laayey. ,gudoomiyaha xisbiga CSU bavaria mr seehofer wuxuu sheegay inuu wadankani yahay fadaraal gobol kastaana uu sidiisa isku maamulo islamarkaana awooda lagu qaybiyo goboladda oo aanay berlin oo kaliyaati aanay ahayn inay awooda nabad galyo ama sirdoonka wadankan maamusho  .
mushkiladda ugu wazn ee hadda laysku khilaafsanyahay ayaa ah sidii 16 ka gobol ee dalkani mid walabaaba arimaha la xidhiidha xaga sirdoonka sidiisa u wadan lahaa halka wasiirka arimaha guduhu soo jeediyey in berlin awooda layskugu keeno  laakiin arintani ay ka dagi wayday gudoomiyaha xisbigaas koonfurta wadankan ee CSU mr seehofer oo aalaaba isagu aad uga soo hor jeeda arintan horana khilaaf izo cambaarayn ugala horyimi qorshaha angela markel ee qoxootiga 

Wednesday, January 4, 2017

GOBOLKA BRANDENBURG OO LAGA YAABO INAANU MASAAFURIN QOXOOTIGA WEERAR CUNSURIYAD AH LOOGU GAYSTAY GOBOLKAAS

photo Dpa
Maamulka gobolka Brandenburg ee bariga jarmalka ayaa meel mariyey sharci dhigaaya inaana la masaafurin qoxootiga codsigooda magangalyo la diiday balse loo gaystay weerar ka dhan ah iyaga islamarkaana  jinsi nacaynbka ah ,sharcigan oo uu saaray saaray baarlamaan goboleedka brandenburg bishii 4raad ee sanadkii 2016 ayaa qeexaya in qofka qoxootiga ah hadii la diiday codsigiisa magangalyo islamarkaana uu la kulmay hagardaamooyinka ay kamid ka yihiin guri lagu weeraray,faraxumayn ,tuugo,jidh dil,afduubid ,isku day dil  iyo sharftiisa oo meel looga dhacay aan la masaafurin karin ,arintan ayaa maamulka gobolka Brandenburg uu rajaynayaa inay hoos u dhigi doonto kor u kaca ururadda garabka fog ee xagjirka .
bariga jarmalka ayaa ah badanka goob ay ku badanyihiin ururadda garabka fog ee midigta ee qoxootiga aad uga soo horjeeda kuwaasoo badanka kula kaca qoxootiga ku nool goboladaas weeraro iyo isir nacayb

jaantus muujinaaya weeraradda lagula kacay qoxootiga sanadkii 2016





 mb/cmk (AP, dpa)

Tuesday, January 3, 2017

BUUGII HITLER QORAY OO NOQDAY BUUGA LOOGU AKHRIS BADANYAHAY DALKAN IYO NATIIJOONKA KA SOO BAXAY

photo copy right Dpa
Buugii caanka ahaa ee uu qoray kaligii tal;iyihii wadankan maamuli jiri waqtigii dagaalkii labaad ee aduunka [Hitler ] ayaa noqday buuga loogu akhriska badanyahay  sanadkan wdanka jaramalka , 70 sano kadib daabacadii buuga waxa soo saaray oo daabacay machadka magaaladda munchen ee Institute of Contemporary History,buugan oo magaiciisa la yidhaahdo [mein Kampft] ama halgankaygii oo uu qoray waqti uu ku jiray xabsi ku yaala Bavaria  sanadkii 1924 ,buugu wuxuu xambaarsanaa fikrado dhawra oo ay kamid ahaayeen ,fikradihii naasiga iyo in jinsiyadda jarmalku dadka ka sarayso , ,dagaalkii labaad ee aduunka ,sidii jarlmaku ay dhul uga heli laahyeen wadamadda jaarkooda ,iyo nacaybkii yuhuuda oo markii dambe sababtay in la xasuuqo yuhuuda dalkan. islawaqtigaas daacadiisu dibadda usoo baxdayna waxa la daabacay 1.2 mliyan oo buug ismarkaana waxa reer kastoo aroosa loo siin jiray hadyad
sanadkii ugu horeeyey ee dib  daabacay buugan waxa lasoo saaray 85,000 oo buug kaasoo islamarkiiba la iibsaday hadana waxa la daabacayaa markii lixaad ama raacii lixaad ee la daabaco.
maxay tahay sababta loo daabacay  ?
sababta ugu wayn ee buugan loo daabacay waxay ahayd in aanay jarmalka mar dambe ka dhicin waxyaabihii ka dhacay waqtigii dagaalkii labaad ka horeeyey ee ahaa midab kala sooca,isir nacaybka iyo nidaamka faashiyadda ama naasigu taasoo la rabay in siyaasiyiinta hadda jooga iyo dhalinyartu waayo aragnimo ka qaataan si wax loogu qaato kutirikuteenka uu isticmaali jiray hitler 
waa ay dadka ugu badan ee akhriyaa buugan  ?
waxa laga cabsi qabay markii buugani ifka usoo baxay ama lasoo daabacay in dadka naasiyiinta ah iyo kuwa taageera siyaasadda garabka fog ee midigtu ay akhriyi doonaan islamarkaana u isticmaali doonaan dhiiri galin si ay usoo nooleeyaan fikradihii hitler iyo mabda,a naasiyadda balse may dhicin ,iyadoo waliba ay kooxaha garabka fog ee midigu guulo ka gaadheen siyaasadda dalkan doorshooyinkii ugu dambeeyey ee goboladda ,basle buugan waxaa ugu badanaa oo akhriyey dad caadiya oon taageerin xisbiga garabka fog ee midigta iyo siyaasadda xag jirka ah ,dhanka kale waxa aad u dhaliilay dib u daabicidda buugan yuhuuda ku nool dalkan oo sheegay inaanay haboonanay in si caama loo qaybiyo waxyaabo ay ku qoranyihiin yuhuud nacayb.

Monday, January 2, 2017

SUURIYAAN 180,000 OO DOLLAR DAACISH KULASOO HESHIIYEY SI UU WEERAR ARGAGIXISO UGA FULIYO JARMALKA GUDIHIISA

guriga uu daganaa suuriyaanka argagxisadda loo haystaa magaaladda  Saarbrücken

Saarland--Saarbrücken
 Booliska gaaraka ah ee gobolka saarland ayaa xabsiga dhigay maanta nin suuriyaana oo lagu tuhunsanayahay inuu qorshaynaayey weerar ka dhan ah dadwaynaha ,sidda booliskagobolkaasi sheegayo ninkani wuxuu diyaarinaayey gawaadhi lagu guro waxayaabaha qarxa kuwaasoo la rabay in weerarka uu qorshaynaayey lagu qaado isalamarkaana wuxuu lacag ka dalbaday ururka daacish ee ka dagaalama dalka suuriya kuwaasoo usoo diraayey lacag dhan 180,000 oo doolar si uu weerarkaas ugu fuliyo wararka booliska kasoo baxayaana waxay sheegayaan in weeraradda lala damacsana wadamadda ay ka mid yihiin dalkan jarmalka,faransiiska,biljimka ,iyo holaand .
booliska ayaa  baadhid ay ku sameeyeen gurigiisa waxay ka heleen cadaymo ku saabsan falkan loo haysto.
sirdoonka jarmalkaayaa cadeeyey in ninkani xidhiidh la sameeyey  daacish  islamarkaana uu kala xidhiidhay shabakadaha baraha bulshadda  nin kamidda ururkaas oo jooga magaaladda raqqa ee dalkana suuriya kuna heshiiyeen inuu weerarka fulinaayo lacagtana looso diraayo balse arintan waxa diiday oo  qaab kale u dhigay  ninkan eedaysanaha ah isagoo sheegay inuu doonaayey inuu khiyaameeyo hawlwadeenadda ururka daacish markay lacagta usoo diraana uu kaga baxo heshiiska weerarka islmarkaana uu lacagtan uu daacish ka qaatay uu ku caawiyo qoyskiisa oo jooga suuriya .
ninkan suuriyaanka ahi wuxuu wadankan soo galay sanadkii 2014kii balse wuxuu gobolkanSaarland  ku noolaa ilaa bishii 8daad ee sanadkan ina dhaafay 2016

booliska oo baadhaya guriga uu daganaa ninkan aragagixisada loo haystaa  magaaladda Saarbrücken    Foto: Simon Mario Avenia


SUURIYAAN 180,000 OO DOLLAR DAACISH KASOO QAATAY SI UU WEERAR U FULIYO

guriga uu daganaa suuriyaanka argagxisadda loo haystaa magaaladda  Saarbrücken

Saarland--Saarbrücken
 Booliska gaaraka ah ee gobolka saarland ayaa xabsiga dhigay maanta nin suuriyaana oo lagu tuhunsanayahay inuu qorshaynaayey weerar ka dhan ah dadwaynaha ,sidda booliskagobolkaasi sheegayo ninkani wuxuu diyaarinaayey gawaadhi lagu guro waxayaabaha qarxa kuwaasoo la rabay in weerarka uu qorshaynaayey lagu qaado isalamarkaana wuxuu lacag ka dalbaday ururka daacish ee ka dagaalama dalka suuriya kuwaasoo usoo diraayey lacag dhan 180,000 oo doolar si uu weerarkaas ugu fuliyo wararka booliska kasoo baxayaana waxay sheegayaan in weeraradda lala damacsana wadamadda ay ka mid yihiin dalkan jarmalka,faransiiska,biljimka ,iyo holaand .
booliska ayaa  baadhid ay ku sameeyeen gurigiisa waxay ka heleen cadaymo ku saabsan falkan loo haysto.
sirdoonka jarmalkaayaa cadeeyey in ninkani xidhiidh la sameeyey  daacish  islamarkaana uu kala xidhiidhay shabakadaha baraha bulshadda  nin kamidda ururkaas oo jooga magaaladda raqqa ee dalkana suuriya kuna heshiiyeen inuu weerarka fulinaayo lacagtana looso diraayo balse arintan waxa diiday oo  qaab kale u dhigay  ninkan eedaysanaha ah isagoo sheegay inuu doonaayey inuu khiyaameeyo hawlwadeenadda ururka daacish markay lacagta usoo diraana uu kaga baxo heshiiska weerarka islmarkaana uu lacagtan uu daacish ka qaatay uu ku caawiyo qoyskiisa oo jooga suuriya .
ninkan suuriyaanka ahi wuxuu wadankan soo galay sanadkii 2014kii balse wuxuu gobolkanSaarland  ku noolaa ilaa bishii 8daad ee sanadkan ina dhaafay 2016

booliska oo baadhaya guriga uu daganaa ninkan aragagixisada loo haystaa  magaaladda Saarbrücken    Foto: Simon Mario Avenia

DADKA CAYDHA KA QAATA HAL MEEL IN KA BADAN OO DAWLADU BAADHID KU WADO

Magaaladda Braunschweig  ee gobolka Niedersachsen ayaa waxa baadhid ka bilaabay gudi gaara oo baadhi doona 300 oo qadiyadood oo ku saabsan khiyaano ay qoxootigu ku sameeyeen habka caydha ay uga qaataan dawladda ,arinta ugu badan ee hadda ay maamulka gudidani hadal hayaana waa nin suudaani ahi kaasoo loo haysto inuu meelo dhawra iska diiwaan galiyey islamarkaana lacagta caydha ka qaadan jiray meelahaas, lacagta uu qaatay ilaa hadda ama loo haysto ninkan sodaaniga ah ayaa gadhaysa 45,000 oo yuuro ,sidda uu sheegayo gudoomiyaha gudidan baadhaysa musuq ay qoxootigu ku sameeyaan caydha  mr Joern Memenga,    dadka qaar waxay la bexeen gadhka ,ama waxay xidheen muraayadda indhaha ama timahay gaabiyeen  ,badankana  magaca aabahay ayaa kala duwanaa.
waxaanay qoxootigu iska diiwaan galiyeen meelaha qaar dhawr jeer isla hal shaqaale sababtoo ah shaqaalaha awoodaydooda way ka baxsanaydqooxtiga oo badanaa awgeed,   waxaana jirtay in maalintii 2,000 qof is diiwaan galin jireen , sidda uu sheegayaogudoomiyaha gudidani waxay waqtigaas doonayeen kaliyaata inay dadka ka ilaaliyaan hoy la,aan, qoxootiga kaliyaata waxa lagu diiwaan galinaayey sawir laga qaadaayey farahana lagamadhigin waxaanay ahaayeen bilaa aqoonsi, .
hadda waxa dib laagu wacay ama la doonayaa in ay qoxootigii sanadkii hore soo galay qaarkamiddi kusoo noqdaan goobihii diiwaan galinta si faraha looga qaado .
badanka waxa dhacda in qoxooti badani ay isticmaalaan qaabkan inuu qofku iska dhiibo goobo faro badan ama kaamam kala duwan si uu lacag caydha oo ka badan qadarka sharci ahaan loogu talo galay u helo balse marka sharciga la eego uu qofku ku mudan karo ciqaab adag

Sunday, January 1, 2017

MAXKAMADDA MAGAALADDA AUGSBURG OO WIIL SOOMALIYA KU XUKUNTAY XABSI KADIB MARKII UU INAADEERTII SHAQO KA HOR ISTAAGAY

AUGSBURG
magaaladda Augsburg gobolka Bavaria ayaa maxakamadda magaaladaasi ku xukuntay wiil soomaliya ah oo 27 jir xabsi dhan sanad iyo 3 bilood kadib markii uu kasoo horjeesataa inay inaadeertii ka shaqayso shaqadda sukuuratiga ama waardiyaha, khilaaf iyo muran dhex maray kadib wiilkani  wuxuuu gabdha ka qaaday telfoonkeeda gacanta si aanay booliska u wicin isagoo alabaabka guriga la eegtay talfoonka isla markaana kala jabiyey telfonkii ,wuxuuna soo qaatay mindi isagoo gabadha ugu hanjabaaya inuu dili doono, markii ay doontay cabsi darteed inay dibadda u orodo iyada iyo ilmo ay dhashay wuxuu  wajiga kaga dhuftay feedh, balse  gabdha waxa usuuro gashay inay guriga dibadda ugasoo cararto iyadoo garagaar bidaysa ama waydiisatay nin 31 jarmala oo jaarkaada ah  kaasoo isku dayey inuu bilayska ka garaaco telfoonkiisa gacanta balse islamarkiiba wiilkan soomaliga ah ee weerarka gaystay ayaa u sheegay ninkan jarmalka  inaanu booliska wici karin waxanu wajiga kaga dhuftay 3 feedh oo darandooriya halkaasoo 31 jirkii jarmalka ahaa dibintu qaraxday islamarkaana waxa u suura gashay inuu booliskii waco ,,islamarkii uu boolisku goobta soo gaadhay ayuu wiilkan soomaliga ahi wuxuu doonay inuu laad la dhaco asakarigii booliska ahaa ee goobta yimi .
 ,gabdhan soomaliyadda ah ee inaadeerkeed weereray ayaa booliska u sheegtay inuu inaadeerkeed aaminsanayahay inay dumarku kaliyaata madbakha ka shaqeeyaan waxaanay tidhi waa sababta ugu badan ee markasta muranka keenta,dhanka kale wiilkan soomaliga ah ayaa ku dooday markii maxakamadda la keenay salaasadii inaanu caadi  ahayn markuu falkan sameynaanyey waxbana ka xasuusan arinta  raaligalina ka bixiyey islamarkaana sheegay xataa markay gabdhu shaqadda ku maqantahay inuu ilmaha yar xanaaneeyo 
Ausburger allgimane 

DAMBIYADDA MUHAAJIRIINTU DALKAN KA GALAAN OO HOOS U DHACAY SOOMALIDDU SE XADI INTEE LEEG OO DAMBIYO AHBAY GALEEN

Berlin warbixin cusub oo ay soo saartay laanta dambiyadda wadanakan ee[Bundeskriminalamts] BKA ayaa ay ku sheegeen in dambiyadda muhaajiriintu galaan hoos u dhacday sanadkan ,waxaanay haayadda ku shuqul leh  dambiyaddu sheegtay in muhaajiriinta qaar ay dambiyadda, kaga badanyihiin kuwa kale , warbixintu waxa ay sheegaysaa in boqolkiiba 23 ay dambiayadaasi muhaajiruunta ku galaan wadankan ay hoos u dhacaday, sidaa warbixintu sheegaysana dadka sharciga lasiiyey iyo kuwa wadankan aan sharciga ku lahayn lama kalaqaadin, ee si guudbaa tirakoobka loosameeyey,,dambiyadda dhacay ama ay diiwaan galiyeen hayadda dambiyada wadankan   waxay noqonayaan 214 600 dambi  iyadoo  waliba sanadkan wadankani qaatay  ama qaabilay 213 000 oo qoxootiya ,,warbixintu waxay sheegaysaa in 17 boqolkiiba dambiayadani ahaayeen qaar laga galay gaadiidka dadwaynuhu isticmaalaan ama tigidho la,aan iyo fooljari loo isticnaalay gaadiidkaas ,,afarmeeloodow meel ahaan dambiyadani waxay ahaayeen tuugo ,iyo dhaawacyo dad loo gaystay ,badaanaana dhaawacayadda jidh ahaaneed waxa isku gaysta qoxootiga gudohooda ,waxa hoos u dhacaday iyana samaynta fooljariga iyo tuugadda  waxayaabaha ugu yaryar ee ay muhaajiriintu  gaystana waxa kamida faraxumaynta jinsiga ah .

Hadaba waa kuwee wadamadda ugu dambyidda badanaa xaga qoxootiga 

waxa laga yaabaa inay maskaxadaada kusoo dhacdo wadankan waxa ugu badan carab iyo afgaanistaan iyagaana dambiyadda qoxootigu galaana ugu badan laakiin warbixintu sidaas way ka yara duwantahay afganistanta iyo carabta ,suuriyaanka,iyo ciraaqiyiinta waa dadka ugu badan magangalyo doonayaasha dalkan ku nool waxaanay tiro ahaan noqonayaan 3 meeloodow 2 meelood marka la eego muhaajiriinta wadankan dambiayadda wadankan ka dhaca hadana waxay ka noqdeen 3 meeloodow meel ahaan ahaan taasoo aad uga yar tiradooda ay ku joogaan wadankan iyo dambiyada ay galeen ,halka muhaajiriinta ka yimaada yurubta bari ay tiri ahaan wadankan yihiin11 boqolkiiba dambiyadda ay galaana ay yihiin 19 boqolkiiba wadamadda waqooyiga afrika ayaa iyaguna tiradda muhaajiriinta wadankan ka noqonaaaya2 boqolkiiba halka dambiyadda ay galaan noqodeen 22 boqolkiiba. muhaajiriinta kasoo jeeda wadanka   joorjiya [Georgia] tiro ahaan waa 0.6 xadiga ay muhaajiriinta dalkan ka yihiin  dambiyadda ay galeena waa 5 boqolkiiba , halka wadamadda soomaaliya nayjeeriya iyo gaambiya markalaysku geeyo ay galeen dambiyo xadigoodu yahay 3ilaa 8 boqolkiiba  tiradda dhabta ah ee soomalidu wadankan qoxootiga ka yihiin war bixinta laguma daabacin kaliyaata waxa lagu daabacay xadaiga dambi ee ay galeen .

source BKA