Monday, January 2, 2017

DADKA CAYDHA KA QAATA HAL MEEL IN KA BADAN OO DAWLADU BAADHID KU WADO

Magaaladda Braunschweig  ee gobolka Niedersachsen ayaa waxa baadhid ka bilaabay gudi gaara oo baadhi doona 300 oo qadiyadood oo ku saabsan khiyaano ay qoxootigu ku sameeyeen habka caydha ay uga qaataan dawladda ,arinta ugu badan ee hadda ay maamulka gudidani hadal hayaana waa nin suudaani ahi kaasoo loo haysto inuu meelo dhawra iska diiwaan galiyey islamarkaana lacagta caydha ka qaadan jiray meelahaas, lacagta uu qaatay ilaa hadda ama loo haysto ninkan sodaaniga ah ayaa gadhaysa 45,000 oo yuuro ,sidda uu sheegayo gudoomiyaha gudidan baadhaysa musuq ay qoxootigu ku sameeyaan caydha  mr Joern Memenga,    dadka qaar waxay la bexeen gadhka ,ama waxay xidheen muraayadda indhaha ama timahay gaabiyeen  ,badankana  magaca aabahay ayaa kala duwanaa.
waxaanay qoxootigu iska diiwaan galiyeen meelaha qaar dhawr jeer isla hal shaqaale sababtoo ah shaqaalaha awoodaydooda way ka baxsanaydqooxtiga oo badanaa awgeed,   waxaana jirtay in maalintii 2,000 qof is diiwaan galin jireen , sidda uu sheegayaogudoomiyaha gudidani waxay waqtigaas doonayeen kaliyaata inay dadka ka ilaaliyaan hoy la,aan, qoxootiga kaliyaata waxa lagu diiwaan galinaayey sawir laga qaadaayey farahana lagamadhigin waxaanay ahaayeen bilaa aqoonsi, .
hadda waxa dib laagu wacay ama la doonayaa in ay qoxootigii sanadkii hore soo galay qaarkamiddi kusoo noqdaan goobihii diiwaan galinta si faraha looga qaado .
badanka waxa dhacda in qoxooti badani ay isticmaalaan qaabkan inuu qofku iska dhiibo goobo faro badan ama kaamam kala duwan si uu lacag caydha oo ka badan qadarka sharci ahaan loogu talo galay u helo balse marka sharciga la eego uu qofku ku mudan karo ciqaab adag

No comments:

Post a Comment