photo copy right Dpa |
sanadkii ugu horeeyey ee dib daabacay buugan waxa lasoo saaray 85,000 oo buug kaasoo islamarkiiba la iibsaday hadana waxa la daabacayaa markii lixaad ama raacii lixaad ee la daabaco.
maxay tahay sababta loo daabacay ?
sababta ugu wayn ee buugan loo daabacay waxay ahayd in aanay jarmalka mar dambe ka dhicin waxyaabihii ka dhacay waqtigii dagaalkii labaad ka horeeyey ee ahaa midab kala sooca,isir nacaybka iyo nidaamka faashiyadda ama naasigu taasoo la rabay in siyaasiyiinta hadda jooga iyo dhalinyartu waayo aragnimo ka qaataan si wax loogu qaato kutirikuteenka uu isticmaali jiray hitler
waa ay dadka ugu badan ee akhriyaa buugan ?
waxa laga cabsi qabay markii buugani ifka usoo baxay ama lasoo daabacay in dadka naasiyiinta ah iyo kuwa taageera siyaasadda garabka fog ee midigtu ay akhriyi doonaan islamarkaana u isticmaali doonaan dhiiri galin si ay usoo nooleeyaan fikradihii hitler iyo mabda,a naasiyadda balse may dhicin ,iyadoo waliba ay kooxaha garabka fog ee midigu guulo ka gaadheen siyaasadda dalkan doorshooyinkii ugu dambeeyey ee goboladda ,basle buugan waxaa ugu badanaa oo akhriyey dad caadiya oon taageerin xisbiga garabka fog ee midigta iyo siyaasadda xag jirka ah ,dhanka kale waxa aad u dhaliilay dib u daabicidda buugan yuhuuda ku nool dalkan oo sheegay inaanay haboonanay in si caama loo qaybiyo waxyaabo ay ku qoranyihiin yuhuud nacayb.
No comments:
Post a Comment