magaaladda Augsburg gobolka Bavaria ayaa maxakamadda magaaladaasi ku xukuntay wiil soomaliya ah oo 27 jir xabsi dhan sanad iyo 3 bilood kadib markii uu kasoo horjeesataa inay inaadeertii ka shaqayso shaqadda sukuuratiga ama waardiyaha, khilaaf iyo muran dhex maray kadib wiilkani wuxuuu gabdha ka qaaday telfoonkeeda gacanta si aanay booliska u wicin isagoo alabaabka guriga la eegtay talfoonka isla markaana kala jabiyey telfonkii ,wuxuuna soo qaatay mindi isagoo gabadha ugu hanjabaaya inuu dili doono, markii ay doontay cabsi darteed inay dibadda u orodo iyada iyo ilmo ay dhashay wuxuu wajiga kaga dhuftay feedh, balse gabdha waxa usuuro gashay inay guriga dibadda ugasoo cararto iyadoo garagaar bidaysa ama waydiisatay nin 31 jarmala oo jaarkaada ah kaasoo isku dayey inuu bilayska ka garaaco telfoonkiisa gacanta balse islamarkiiba wiilkan soomaliga ah ee weerarka gaystay ayaa u sheegay ninkan jarmalka inaanu booliska wici karin waxanu wajiga kaga dhuftay 3 feedh oo darandooriya halkaasoo 31 jirkii jarmalka ahaa dibintu qaraxday islamarkaana waxa u suura gashay inuu booliskii waco ,,islamarkii uu boolisku goobta soo gaadhay ayuu wiilkan soomaliga ahi wuxuu doonay inuu laad la dhaco asakarigii booliska ahaa ee goobta yimi .
,gabdhan soomaliyadda ah ee inaadeerkeed weereray ayaa booliska u sheegtay inuu inaadeerkeed aaminsanayahay inay dumarku kaliyaata madbakha ka shaqeeyaan waxaanay tidhi waa sababta ugu badan ee markasta muranka keenta,dhanka kale wiilkan soomaliga ah ayaa ku dooday markii maxakamadda la keenay salaasadii inaanu caadi ahayn markuu falkan sameynaanyey waxbana ka xasuusan arinta raaligalina ka bixiyey islamarkaana sheegay xataa markay gabdhu shaqadda ku maqantahay inuu ilmaha yar xanaaneeyo
Ausburger allgimane
No comments:
Post a Comment