Wednesday, January 4, 2017

GOBOLKA BRANDENBURG OO LAGA YAABO INAANU MASAAFURIN QOXOOTIGA WEERAR CUNSURIYAD AH LOOGU GAYSTAY GOBOLKAAS

photo Dpa
Maamulka gobolka Brandenburg ee bariga jarmalka ayaa meel mariyey sharci dhigaaya inaana la masaafurin qoxootiga codsigooda magangalyo la diiday balse loo gaystay weerar ka dhan ah iyaga islamarkaana  jinsi nacaynbka ah ,sharcigan oo uu saaray saaray baarlamaan goboleedka brandenburg bishii 4raad ee sanadkii 2016 ayaa qeexaya in qofka qoxootiga ah hadii la diiday codsigiisa magangalyo islamarkaana uu la kulmay hagardaamooyinka ay kamid ka yihiin guri lagu weeraray,faraxumayn ,tuugo,jidh dil,afduubid ,isku day dil  iyo sharftiisa oo meel looga dhacay aan la masaafurin karin ,arintan ayaa maamulka gobolka Brandenburg uu rajaynayaa inay hoos u dhigi doonto kor u kaca ururadda garabka fog ee xagjirka .
bariga jarmalka ayaa ah badanka goob ay ku badanyihiin ururadda garabka fog ee midigta ee qoxootiga aad uga soo horjeeda kuwaasoo badanka kula kaca qoxootiga ku nool goboladaas weeraro iyo isir nacayb

jaantus muujinaaya weeraradda lagula kacay qoxootiga sanadkii 2016





 mb/cmk (AP, dpa)

No comments:

Post a Comment