Monday, January 2, 2017

SUURIYAAN 180,000 OO DOLLAR DAACISH KASOO QAATAY SI UU WEERAR U FULIYO

guriga uu daganaa suuriyaanka argagxisadda loo haystaa magaaladda  Saarbrücken

Saarland--Saarbrücken
 Booliska gaaraka ah ee gobolka saarland ayaa xabsiga dhigay maanta nin suuriyaana oo lagu tuhunsanayahay inuu qorshaynaayey weerar ka dhan ah dadwaynaha ,sidda booliskagobolkaasi sheegayo ninkani wuxuu diyaarinaayey gawaadhi lagu guro waxayaabaha qarxa kuwaasoo la rabay in weerarka uu qorshaynaayey lagu qaado isalamarkaana wuxuu lacag ka dalbaday ururka daacish ee ka dagaalama dalka suuriya kuwaasoo usoo diraayey lacag dhan 180,000 oo doolar si uu weerarkaas ugu fuliyo wararka booliska kasoo baxayaana waxay sheegayaan in weeraradda lala damacsana wadamadda ay ka mid yihiin dalkan jarmalka,faransiiska,biljimka ,iyo holaand .
booliska ayaa  baadhid ay ku sameeyeen gurigiisa waxay ka heleen cadaymo ku saabsan falkan loo haysto.
sirdoonka jarmalkaayaa cadeeyey in ninkani xidhiidh la sameeyey  daacish  islamarkaana uu kala xidhiidhay shabakadaha baraha bulshadda  nin kamidda ururkaas oo jooga magaaladda raqqa ee dalkana suuriya kuna heshiiyeen inuu weerarka fulinaayo lacagtana looso diraayo balse arintan waxa diiday oo  qaab kale u dhigay  ninkan eedaysanaha ah isagoo sheegay inuu doonaayey inuu khiyaameeyo hawlwadeenadda ururka daacish markay lacagta usoo diraana uu kaga baxo heshiiska weerarka islmarkaana uu lacagtan uu daacish ka qaatay uu ku caawiyo qoyskiisa oo jooga suuriya .
ninkan suuriyaanka ahi wuxuu wadankan soo galay sanadkii 2014kii balse wuxuu gobolkanSaarland  ku noolaa ilaa bishii 8daad ee sanadkan ina dhaafay 2016

booliska oo baadhaya guriga uu daganaa ninkan aragagixisada loo haystaa  magaaladda Saarbrücken    Foto: Simon Mario Avenia

No comments:

Post a Comment