Sunday, January 1, 2017

DAMBIYADDA MUHAAJIRIINTU DALKAN KA GALAAN OO HOOS U DHACAY SOOMALIDDU SE XADI INTEE LEEG OO DAMBIYO AHBAY GALEEN

Berlin warbixin cusub oo ay soo saartay laanta dambiyadda wadanakan ee[Bundeskriminalamts] BKA ayaa ay ku sheegeen in dambiyadda muhaajiriintu galaan hoos u dhacday sanadkan ,waxaanay haayadda ku shuqul leh  dambiyaddu sheegtay in muhaajiriinta qaar ay dambiyadda, kaga badanyihiin kuwa kale , warbixintu waxa ay sheegaysaa in boqolkiiba 23 ay dambiayadaasi muhaajiruunta ku galaan wadankan ay hoos u dhacaday, sidaa warbixintu sheegaysana dadka sharciga lasiiyey iyo kuwa wadankan aan sharciga ku lahayn lama kalaqaadin, ee si guudbaa tirakoobka loosameeyey,,dambiyadda dhacay ama ay diiwaan galiyeen hayadda dambiyada wadankan   waxay noqonayaan 214 600 dambi  iyadoo  waliba sanadkan wadankani qaatay  ama qaabilay 213 000 oo qoxootiya ,,warbixintu waxay sheegaysaa in 17 boqolkiiba dambiayadani ahaayeen qaar laga galay gaadiidka dadwaynuhu isticmaalaan ama tigidho la,aan iyo fooljari loo isticnaalay gaadiidkaas ,,afarmeeloodow meel ahaan dambiyadani waxay ahaayeen tuugo ,iyo dhaawacyo dad loo gaystay ,badaanaana dhaawacayadda jidh ahaaneed waxa isku gaysta qoxootiga gudohooda ,waxa hoos u dhacaday iyana samaynta fooljariga iyo tuugadda  waxayaabaha ugu yaryar ee ay muhaajiriintu  gaystana waxa kamida faraxumaynta jinsiga ah .

Hadaba waa kuwee wadamadda ugu dambyidda badanaa xaga qoxootiga 

waxa laga yaabaa inay maskaxadaada kusoo dhacdo wadankan waxa ugu badan carab iyo afgaanistaan iyagaana dambiyadda qoxootigu galaana ugu badan laakiin warbixintu sidaas way ka yara duwantahay afganistanta iyo carabta ,suuriyaanka,iyo ciraaqiyiinta waa dadka ugu badan magangalyo doonayaasha dalkan ku nool waxaanay tiro ahaan noqonayaan 3 meeloodow 2 meelood marka la eego muhaajiriinta wadankan dambiayadda wadankan ka dhaca hadana waxay ka noqdeen 3 meeloodow meel ahaan ahaan taasoo aad uga yar tiradooda ay ku joogaan wadankan iyo dambiyada ay galeen ,halka muhaajiriinta ka yimaada yurubta bari ay tiri ahaan wadankan yihiin11 boqolkiiba dambiyadda ay galaana ay yihiin 19 boqolkiiba wadamadda waqooyiga afrika ayaa iyaguna tiradda muhaajiriinta wadankan ka noqonaaaya2 boqolkiiba halka dambiyadda ay galaan noqodeen 22 boqolkiiba. muhaajiriinta kasoo jeeda wadanka   joorjiya [Georgia] tiro ahaan waa 0.6 xadiga ay muhaajiriinta dalkan ka yihiin  dambiyadda ay galeena waa 5 boqolkiiba , halka wadamadda soomaaliya nayjeeriya iyo gaambiya markalaysku geeyo ay galeen dambiyo xadigoodu yahay 3ilaa 8 boqolkiiba  tiradda dhabta ah ee soomalidu wadankan qoxootiga ka yihiin war bixinta laguma daabacin kaliyaata waxa lagu daabacay xadaiga dambi ee ay galeen .

source BKA


No comments:

Post a Comment