Thursday, January 5, 2017

QOXOOTI BADAN OO SANADKAN LA RAJAYNAAYO INAY HAY;ADDA QOXOOTIGA MAXKAMADA LA TIIGSADAAN

Sidda ay sheegayaan  dad khabiiro ah sanadkan waxa la filayaa inay laban laabanto dacwadda qoxootigu ku furaan ama kusoo oogaan haya.adda qoxootiga iyo socdaalka dalakan (BAMF) ha u badnaadaan suuriyaan aan ka cabsi qabin in wadankoodii lagu celizo laakiin raba in qoysaskooda wadankii jooga loosoo qaado ,gobolka North Rhine-Westphalia  oo kaliyaata waxa maxkamadda ka furnaa sanadkii galbaday 47,300 qadayadood oo qoxootigu furteen halka sanadkii ka horeeyey ee 2015 ay tiradda kiisaska qoxootigu maxkamadda geeyeen ay ahayd 21,300 taasoo laban labanlaabantay sanadkii ka dambeeyey ee 2016.
qoxootiga qaarkood waxay BAMF ku maxkamadaynayaan raagitaanka ay kala raagtay jawaabaha maadama oo wadankan badanka aan qofka qoxootiga ah loo ogolayn shaqo toosa izo duruusta luuqadda a hor intaanu jawaab ka helin haayadda socdaalka iyo qoxootiga wadankan .
daka ugu badan ee dawladda jarmalka kiisaska maxkamadda kaga furay waxay u badanyihiin suuriyaan maadama dawladda jarmalku waxay bishii march 3raad ee sanadkii hore meel marisay sharci  ah in dadka wadanka suuriya kasoo cararay la siiyo sharciga qaabiladda sedexaad ee loo yaqaano subsidiär kaasoo ah in qofku aanu wadankiisa uga soo cararin arin isaga u gaara ama fikirkiisa siyaasadeed oo lagu cabudhiyey balse ay kasoo carareen dagaal guud oo wadankooda ka socda islamarkaana aanay qoxootinimo xaq u lahayn  islmarkaana aan loosoo qaadi doonin qoysaskooda wadankii jooga muddo 2 sano ah ,gudoomiyaha ururka u dooda xuquuqda qoxootiga ee Pro asyl Bernd Mesovic ayaa cambaareeyey go,aankan Bernd Mesovic wuxuu sheegay in dadkani u baahanzihiin inay qoysaskooda la midoobaan hadii aynu xaaladoodoo kale ku jiri lahayna sidaynu samayn lahayn .dawladda jarmalku waxay horaantii sanadkii 2016 bixisay 50,000 oo dal ku gal kaasoo la siiyey qoysas doonaya inay la midoobaan dadkooda wadankan jooga .................

No comments:

Post a Comment