Thursday, January 5, 2017

MASUULIYIIN KA TIRSAN DAWLDDA IYO XISBIYADDA QAAR OO ISKU KHILAAFSAN HABKII LOO MAAMULI LAHAA SIRDOONKA

gudoomiyaha xisbiga CSU seehofer photo Dpa 
Gudoomiyaha xisbiga CSU ee gobolka bavaria Horst Seehofer  ayaa kasoo horjeestay hadal uu maalintii salaasadii wasiirka arimaha gudaha dalkani thomas ku sheegay in awooda xaaladda amaan ee dalkan layskugu keeno magaaladda berlin taasoo ay ujeedadeedu ahayd in xaaladda  adkaynta amaanka wadankan kadib weerarkii berlin ee 19kii bishii ina dhaaftay dadka lagu laayey. ,gudoomiyaha xisbiga CSU bavaria mr seehofer wuxuu sheegay inuu wadankani yahay fadaraal gobol kastaana uu sidiisa isku maamulo islamarkaana awooda lagu qaybiyo goboladda oo aanay berlin oo kaliyaati aanay ahayn inay awooda nabad galyo ama sirdoonka wadankan maamusho  .
mushkiladda ugu wazn ee hadda laysku khilaafsanyahay ayaa ah sidii 16 ka gobol ee dalkani mid walabaaba arimaha la xidhiidha xaga sirdoonka sidiisa u wadan lahaa halka wasiirka arimaha guduhu soo jeediyey in berlin awooda layskugu keeno  laakiin arintani ay ka dagi wayday gudoomiyaha xisbigaas koonfurta wadankan ee CSU mr seehofer oo aalaaba isagu aad uga soo hor jeeda arintan horana khilaaf izo cambaarayn ugala horyimi qorshaha angela markel ee qoxootiga 

No comments:

Post a Comment