Wednesday, November 30, 2016

BOOLISKA MAGAALADDA DRESDEN OO SAAKA BAADHID AY SAMEEYEEN KUSOO XIDHAY 6 KAMIDDA DADKA LOOGA SHAKISANYAHAY INAY YIHIIN NAASIYIINTA CUSB


booliska oo hawlgalka ku jira Dresden  photo Dpa
Dresden booliska magaaladda dresden ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen 19 goobood oo kuwa ay leeyihiin kooxaha xag jirka ah ee garabka fog ay kusoo xidhxidheen 6 qof oo kamidda kooxda looyaqaanoFreKameradschaft Dresden" group. oo ah koox magaaladaas dresden ka dhisan islmarkaana u taagan mar kasta inay weeraraan qoxootiga,kooxdan waxa loo haystaa inay gaysteen 14 weerar oo iskugu jira guryo qoxooti oo ay weerareen qaraxyo iyo hanti ay burburiyeen.
sidda uu sheegayo xeer ilaaliyaha sare ee magaaladda Dresden nimankani waxay weerar u gaysteen siyaasiin iyo gryo ay qoxootigu daganaayeen.
lixdan qof ee la xidhay waxay hor imanyeen maantoo arbaca ah qaadiga magaaladaas intaan la xidhin ka hor sidda maamulka magaaldu sheegayana kooxdan waxa ku socotay baadhitaan ilaa sanadkii2015kii ,kooxduna waxay ka koobantahay 15 nin iyo laba gabdhood oo da,doodu u dhaxayso 16-30jiro ,gobolka bari ee sechsen ayaa badanka waxa ka dhaca weeraro loo gaysto qoxootiga islamarkaana bishii ina dhaaftay waxa jiray masaajid lagu weerary banbaano ta gacanta laga tuuro ,gobolkan waxa ku yaala magaaladda Dresden oo ay daganyihiin kooxda qoxooti iyo islam nacaybka ku caan baxaday ee PAGEIDA kuwaasoo maalin kasta oo isniina ka dhiga mudaharad magaaladda Dresden badhtameheeda.


DAAWO TAARIIKHDA GIDAARKII BERLIN IYO DHIBTA DADKA KASOO GAADHI JIRTAY

DAAWO TAARIIKHDA GIDAARKII BERLIN

CASHARO QOXOOTIGA KA CAAWIN DOONA SIDII AY LAMAANE JARMALA U HELI LAHAAYEEN OO MAGAALADDA DORTMUND LAGA BILAABAY


Magaaladda Doturmund ayaa maanata laga

bilaabay duruus cusub oo xaga isdhexgalka ah kuwaasoo ujeedadeedu tahay sidii qoxootigu u dhex gali lahaayeen haweenka jarmalka ah islamarakaana u baran lahaayeen qaabka ay ku heli karaan inay helaan lamaane jarmal ah. duruustan oo loogu deeqay qoxootiga magaaladaas qaar ka midda ayaa waxa dhigaya khabiir ku takhasusay arimaha xidhiidhka ragga haweenka iyo qoyska, qaar ka midda qoxootiga oo wax laga waydiiyey arintan ayaa sheegay inay jiraan dumar cunsuriyiina islamarkaana qoxootiga noloshooda ka haysta sawir qaldan , mid kamidda qoxootiga suuriya kasoo jeeda oo duruustan ka qayb qaadanya ayaa sheegay inay diintu ka dabrayso inay guursadaan haweenka jarmalka ah ,dhanka kale haween jarmala oo ku nool magaaladaasi Doturmund oo arintan wax laga waydiiyey ayaa aad usoo dhaweeyey ,sheegayna qofku ha ahaado jarmal ama qoxootiye inay biniaadanimadu kow tahay qofka bini aadamka ahna ay tahay sidaad isku fahantaanuun .

duruusta noocan ah oo noqonaysa kuwii ugu horeeyey ee wadankan qoxootiga loo dhigo ayaa noqon doonta mid la eego midho dhalkiisa iyo sidda ay labadda bulsho ee qoxootiga iyo jarmalku isku dhex galaan .

SHIRKADDA GAADIIDKA DADWEYNAHA BERLIN OO WADA BAADHITAN KADIB MARKII GABDH SUURIYAANA DARAWL TAREEN KU AMRAY INAY KA DEGTO TAREENKA

magaaladda berlin waa magaalo ay ku noolyihiin 4 milyan oo qof kuwaasoo iskugu jira jinsiyad kasta oo ka timi aduunka daafihiisa waxaanay caan magaaladani ku tahay inay magaaladani tahay magaalada heer ka gaadhay is dhexgalka iyo is qadarinta ,hadaba maanta waxa dhacaday in nin darawal ka ah mid kamida ah tareenadda yar yar ee loo yaqaano trumka ay gabdh suuriyaana oo14 jir ah ku uu ku yidhi tareenka ka dag waayo waxay dadnayd madaxa ama waxay xidhnayd masar taasoo gabdhan darwalka ahi ay kala hadashay sameecadda tareenka una sheegtay gabdha yar ee suuriyaanka ah inaanay tareenka ay wado soo korin qof madax dadan, sidda ay sheegayso shirkadda gaadiidka dadwaynaha ee magaaladda berlin waxa baadhitaan lagu samayn doonaa muuqaalka ay duubtay kamaradda tareenku kaasoo lasoo gabagabayn doono maalinta bari ah ee khamissta . shirkadda ka masuulka ah gaadiidka dadwanuhu raacaan ee magaaladda berlin Berlin Transport Company[BVG] ayaa bogga ay ku leeyihiin barta you tube ku fidiyey dhawaan muuqaal ka hadalaaya waxayaabaha ay ogolyihiin iyo waxayaabaha aanay ogolayn

SHIRKADDA GAADIIDKA DADWEYNAHA BERLIN OO WADA BAADHITAN KADIB MARKII GABDH SUURIYAANA DARAWL TAREEN KU AMRAY INAY KA DEGTO TAREENKA

https://www.youtube.com/watch?v=ob0l82NNS28
magaaladda berlin waa magaalo ay ku noolyihiin 4 milyan oo qof kuwaasoo iskugu jira jinsiyad kasta oo ka timi aduunka daafihiisa waxaanay caan magaaladani ku tahay inay magaaladani tahay magaalada heer ka gaadhay is dhexgalka iyo is qadarinta ,hadaba maanta waxa dhacaday in nin darawal  ka ah mid kamida ah  tareenadda yar yar ee loo yaqaano trumka ay gabdh suuriyaana oo14 jir ah ku uu ku yidhi  tareenka ka dag waayo waxay dadnayd madaxa ama waxay xidhnayd masar taasoo gabdhan darwalka ahi ay kala hadashay sameecadda tareenka una sheegtay gabdha yar ee suuriyaanka ah inaanay tareenka ay wado soo korin qof madax dadan, sidda ay sheegayso shirkadda gaadiidka dadwaynaha ee magaaladda berlin waxa baadhitaan lagu samayn doonaa muuqaalka ay duubtay kamaradda tareenku kaasoo lasoo gabagabayn doono maalinta bari ah ee khamissta .
shirkadda ka masuulka ah gaadiidka dadwanuhu raacaan ee magaaladda berlin Berlin Transport Company[BVG] ayaa bogga ay ku leeyihiin barta you tube ku fidiyey dhawaan  muuqaal ka hadalaaya waxayaabaha ay ogolyihiin iyo waxayaabaha aanay ogolayn .

ANGELA MARKEL OO SHEEGTAY INUU RUUSHKU WEERAR XAGA INTERNETKA AH KU HAYO JARMALKA

Dpa
raysalwasaare angela markel ayaa sheegtay in ay dadka jarmalka ahi inay waajahaan weerar xaga internetka ah oo kaga imanaysa dalka ruusha taasina ay noqotay nolol maalmeedka caadiga ah ee wadankan,maalintii axadii ayaa dhamaanba shirkadda intarnatka ee wadankan ugu wayn Deutsche Telkom aya hawadda ka baxday taasoo ahayd tuugo ama weerar  xaga intarnatka lagaga soo qaaday ,angela markel waxay sheegtay inaanay si cad u garanayn cidda ka dambaysay falkaas balse uu wadanka ruuskhku badanaa isticmaalo falalkaas ,raysal wasaaruhu waxay warfidiyeenadda u sheegtay inay meesha wax jiraan islmarkaana ay tahay  in lala noolaado  lana ogaado.
angela markel waxay sheegtay inuu ruushku wado faro galin islmarkaana xaaldaha weerarka intarnatka ee ruushku soo qaadaa ay saamayn taban ku yeelan karto doorshadda soo socota ee wadankan ka dhacaysa sanadka 2017.
doorshadii sanadkan ka dhacday maraykanka oo uu ruushku fara galin xaga  internetka ah ku sameeyey iyadoo ay jirtay ayaa hadana wadanka ruushku wuxuu fariimo iimaylo ah u diray ururo siyaasadeed oo ka tirsan gaashaan buurta NATO fariimahaas oo xambaarsanaa lingaxyo ama linkiyo ay ku hoos jiraan shabakado basaasid ah marka la furana sirta  sidaas lagu heli karo si kastaba ha ahaatee waxa jira warwar wayn oo ay angelamarkel iyo siyaasiin badanoo dalkani ka qabaan inuu ruushku faro galin xaga internetka ah ku sameeyo doorshadda soo socota sidii uu tii maraykankaba u faro galiyey.

DURUUS QOXOOTIGA KA CAAWINAYSA SIDII AY U HELI LAHAAYEEN LAMAANE JARMALA OO LAGA BILAABAY MAGAALADDA DOTURMUN


Magaaladda Doturmund ayaa maanata laga bilaabay duruus cusub oo xaga isdhexgalka ah kuwaasoo ujeedadeedu tahay sidii qoxootigu u dhex gali lahaayeen haweenka jarmalka ah islamarakaana u baran lahaayeen qaabka ay ku heli karaan inay helaan lamaane jarmal ah. duruustan oo loogu deeqay qoxootiga magaaladaas qaar ka midda ayaa waxa dhigaya khabiir ku takhasusay arimaha xidhiidhka ragga  haweenka iyo qoyska, qaar ka midda qoxootiga oo wax laga waydiiyey arintan ayaa sheegay inay jiraan dumar cunsuriyiina islamarkaana qoxootiga noloshooda ka haysta sawir qaldan , mid kamidda qoxootiga suuriya kasoo jeeda oo duruustan ka qayb qaadanya ayaa sheegay inay diintu ka dabrayso inay guursadaan haweenka jarmalka ah ,dhanka kale haween jarmala oo ku nool magaaladaasi Doturmund oo  arintan wax laga waydiiyey ayaa  aad usoo dhaweeyey ,sheegayna qofku ha ahaado jarmal ama qoxootiye inay biniaadanimadu kow tahay qofka bini aadamka ahna ay tahay sidaad isku fahantaanuun .
duruusta noocan ah oo noqonaysa kuwii ugu horeeyey ee wadankan qoxootiga loo dhigo ayaa noqon doonta mid la eego midho dhalkiisa iyo sidda ay labadda bulsho ee qoxootiga iyo jarmalku isku dhex galaan .

Tuesday, November 29, 2016

http://www.bundesliga.com/en/

boga ciyaaraha wadankan



http://www.bundesliga.com/en/

http://www.bundesliga.com/en/

http://www.bundesliga.com/en/

MUXUU LA KULMAY WASIIRKII SHEEGAYEY IN QOXOOTIGA LA MASAAFURIN DOONO


photo Dpa
Thomas Strobl's oo ah wasiir goboleedka arimaha gudaha gobolka Baden-Württemberg, ayaa todobaadkan horaantiisii sheegay inay masaafurin doonaan dad uu sheegay in codsigooda magan galyo la diiday xataa dadka xanuunsan eeiyagoo buka wadankan soo galay arintan ayaa sababtay maanta in xubno ka tirsan xisbiga CDU iyo SPD ay ku dhaliilaan wasiirka arintan .

XISBIGA GRUNE IYO MASUULIYIIN KALE OO ARINTAN KA HORYIMI
xisbiga grune eeBaden-Württemberg oo ay xulufo  ku yihiin gobolkaas yihiin xisbiga CDU ayaa sheegay in aanay warqadda uu wasiirku soo saaray matalin xisbiyadda wadaaga ah fikirkooda waa CDU iyo Grune .
waxa kaloo kaloo arintan dhaleeceeyey Katarina Barley  oo ah xoghaynta guud ee   xisbiga SPD oo ku sheegtay in  fikirka wasiirku  la mid yahay sidda  siyaasadda garabka midigta ee fog iyo fikiradda xisbiga bavaria ee CSU  ,waxa jira xafiiltan ka dhexeeya xisbiyadda CSU iyo CDU taasoo ay katarina waxay sheegtay in marhoreba xisbiyadda wadaaga ah ee wadanka maamulaa ay qaateen go,aan ah in cidii aan wadanka inay joogaan xaq u lahayni si dhakhso ah u baxaan taasoo katarina waa xoghaynta SPD ye ay wasiirka arintan ku waanisay ama u sheegtay .
sidda u carabaabay gudoomiyaha wasiir goboleedyadda arimaha gudaha dalkani mr Klaus Bouillon in arintani ku koobnaan doonto wasiirkan sheegay in dadka qaabkaas loo masaafurinaayowaxa uu hadalkiisa sii raaciyey inaan warqadda uu wasiirku wato ee ku saabsan masaafurinta dadka aan lagag doodi doonin shirka xisbiga ee soo socda.
sidoo kale arintan waxa ka hadlaymasuul kamidda wasaaradda arimaha gudaha ee gobolka saarland kaasoo sheegay in mar horeba la sameey sharciga magandoonayaasha si kastaba ha ahaatee arintan uu wasiirka arimaha gudaha gobolka Baden-Württemberg, ku dooday  in lamasaafuriyo qooxootiga ayey arintu kusoo ururtay in dawladdu sharci ay arintaas u samaysay arintan uu shaaciyeyna ay isaga ku koobantahay.

diyaarintii  muuse duco somali news in Germany


QORAALO AY IGA QOREEN WARGAYSYADDA MAGAALADDA AAN DAGANAHAY KASOO BAXA

cunsuriyaddu waa cudur
socdaal dheer oo nabadda ah

maxaa ku farxad galiya 

Monday, November 28, 2016

MID KA MIDA SHAQAALHII HITLER OO XUKUN LAGU RIDAY

                                    NAASIYIINTU WAXAY LAAYEEN DAD BADAN

photo Dpa
Oskar Gröning, waa 95 ka shaqayn jiray  islmarkaana xog hayn kaahaa jeelashashii dadka lagu hayn jiray intaan la layn dagaalkii labaad ee aduunka xili uu kaligii taliyihii hitler qabsaday wadanka poland ninkani wuxuu ururin jiray lacagta laga qaado dadka la laynaayo ama kuwa sidda adoomaha loola dhaqmo lacagtaas oo uu magaaladda berlin usoo diri jiray..maxakamadda heer fadaraala ee magaaladda Lüneburg ayaa ku xukuntay 4 sanoo xadhig ah kadib markii uu ku sanadkii hore rafcaan uu ka qaatay eedaynta loosoo jeediyey ay maxakamaddu diiday, Oskar waxa loo haystaa inuu ku lug lahaa dilka dad gaadhaya 300,000 oo kamid ahaa dadkii uu xasuuqay maamulkii naasiga ahaa ee wadankan ka talin jiray dagaalkii labaad ee dunidda.wadankan jarmalka waxa jira sharci lagu ugaasado dadkii kasoo shaqeeyey dawladii naasiga ahayd ee hitler islamarkaana lagu rido xukuno adag lagu rido qofkay ku cadaato inuu la shaqyn jiray dawladaas naasiga ahayd ee xasuuqa ba,an ka gaysatay dalkan

BOOLISKA MAGAALADA KOLN OO DIYAARIYEY QORSHE AY DABAALDAGGA SANADKA CUSUB DAMBIYADDA KAGA HOR TAGAYAAN

photo Dpa
BOOLISKU WAXAY KA HORTGAYAAN INAY FAROXUMAYN  DUMARKA LOO GAYSTAA DHACDO SIDII SADADKAN  HORAANTIISA

COLOGNE -booliska magaaladda koln ee dalkan jarmalka ayaa diyaariyey hab cusub oo lagag hor tagaayo damabiyadda iyo faraxumaynta loo gaysto dumarka marka ay socoto xafladda dabaal daga sanadka cusb ee fooda inagu soo haya.
boolisku waxay sheegeen inay ku xidheen kaamrado goobta ay xafladu ka dhici doonto oo ah barxadda  istaanka /boosteejadda wayn ee magaaladaasi koln ,sidoo kale boolisku magaaladaasi wuxuu sheegayaa inay isticmaali doonaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka kuwaasoo ay sheeda ama dusha ka ilaalin doonaan hab sami u socodka dabaal daga xafladda sanadka cusub.
dabaaldagii  sanadkan  2016 waxa waxyeelo tuugo,iyo faraxumayna loo gaystay dumar gaadhaya 1,000 kun haweena  sidda ay sheegayso laanta dambiyadda wadankan ee BKA ,dadka haweenkaas dhibaatadda u gaystay oo asalkoodu ka soo jeeday wadamadda waqooyiga afrika gaar ahaan algeeriyaan ,marookiyaan waxa soo raaca ciraaqiyiin iayaguna falkaas qayb ka ahaa .
booliska magaaladaasi waxa kale oo ay diyaariyeen saaraakiil dadka ku dhex jirta kuwaasoo ku takhasusay ka hortaga faraxumaynta iyo diiwaan galinta habka ay waxay u dheceen .
xafladihii loogu dabaaldagayey curashada sanadankan  2016 waxa dhacay dhibaatooyin badan oo ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Cologne, Düsseldorf, Hamburg, Frankfurt iyo Stuttgart,dambiyadaas oo sidda ay sheegayso laanta damabiyadda wadankan ee BKA tiradoodu ay ahaayee 881 dambi oo ka dhacay goobaha dadwaynugu ku dabaal dagayeen islamarkaan ay dhibi soo gaadhay 1,231 haweena oo faraxumayn loo gaystay da,dooduna ay u dhaxaysay 18-24 jir.

Sunday, November 27, 2016

MAXAA KULA GUDBOON HADII BALANTA INTARFIYUUGU AY KU DHAAFO

boosta bundusamt kuusoo dirto ee kusaabsan intarfiyuugaaga hadii aad ka maqantahay oo ay ku dhaafto balantaasi maxaa kula gudboon maxaa lagaaga baahanyahay? ma jirtaa se ciday ku dhacday?
waxaa dhici karta adoo ka maqan cinwaanka aad dagantahay inay kuu timaado boosta ku saabsan inaad kasoo xaadirto xafiiska BAMF ee lagaaga qaadayo intarfiyuuga aad ku dalbanayso codsigaaga magangalyo waxaana dhacda hadaad jawaab ka bixin waydo in diidmo laguusoo diro
hadaba haday ku dhaafto maxaa kula gudboon.
islamarka aad hesho warqadda ama aad timaado cinwaankaaga ee aad aragto inay dhaaftay balantaadii waxaad samaynaysaa hadii aad looyar leedahay looyarkaaga u sheeg arinta si uu warqad ugu diro xafiiska haya,adda qoxootiga ee BAMF .
sababee oo cadee sababtaad ku maqnayd hadii ay jirtay balan dhakhtar oo aad lahayd bundusamt u dir warqadda balanta ama dhakhtarka warqad kasoo qaad ku saabsan balantaadaa aad ku maqnayd .
hadii ay jirtay balan kaloo muhiima oo intarfiyuugu kugu seegay sidoo kale meesha aad balanta ku lahayd isku day inaad warqd cadayna oo sababnaysa waxaad ku maqnayd aad kasoo qaado.
hadii aaanad looyar lahayn gacantaada warqad ugu qor BAMF hayadda qoxootiga adigoo sababta ku cadaynaaya aad kaga baaqatay intarfiyuuga hadii aanad qori karin warqadda la kaasho sooshiyaalkaaga ama ururadda caawiya qoxootiga ee ka jira magaaladada si ay kaaga caawiyaan qoraalka warqdda islamarkiibana boostadda ugu dir hayadda qoxootiga ee magaaladaaadda
hadii aad dhakhso ugu diri waydo waxa dhici karta dhacdana marar badan in laguusoo diro jawaab diidmo ah waayo waxaad ka gaabisay inaad sababta aad ku maqnayd soo cadayso.

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA GOBOLKABaden-Württemberg Thomas Strobl OO SHEEGAY INAY MASAAFURIN DOONAAN QOXOOTIGA BILAA SHARCIGA AH SE SOOMALIDDU MAKU JIRTAA?

WASIIRKU WUXUU CARABKA KU ADKEYEY AFGANISTANTA IYO DADKA LA DIIDAY CODSIGOODA MAGANGALYO
wasiirka arimaha gudaha gobolka Baden-Württemberg ayaa sheegay inay meel marin doonaan qorshaha masaafurinta  dadka codsigooda magangalyo la diiday sanadka 2017ka waxa jiri doona 500,000 shanboqol oo kun oo muhaajiriina oo wadankan ku joogin si sharciya taasna waa in ay wax ka qabtaan awooda qaranku sidaas waxa yidhi thomas oo ah wasiirka arimaha gudaha gobolkaasi Baden-Württemberg .
shir aya salaasadii wada qabteen wasiirka arimaha gudaha wadankan ayey ku qoreen warqad ay cinwaan uga dhigeen  qofka aan xaq u lahayn inuu joogo waa inuu tagaa ama wadanka ka baxaa  tani waxay u eegtahay inay tahay in dadka laga taageero xagga ku noqoshadda wadankooda ,gudoomiye ku xigeenka fadaraalka u qaabilsan xisbiga CDU ayaa arintan qaraar kasoo saari doona usbuuc ka dib.
wasiirku wuxuu sheegay inay qoxootigu  qariyaana ama tuuraan cadaymahooda aqoonsi taasiana ay keeni karto inay yaraato saamaxaada islamarakaana aan qofka loo ogolaan magangalyo shaqaalaysiin iyo waxayaabaha lamidka ah

DADKA XANUUNSAN IYO DADKA BOOQDA WADANKOODII
MAXAY NOQONAYASAA ARINTOODU

wasiirku wuxuu sheegay  inay sharciga laga qaadi doono cid kasta oo la ogaado inay ku noqotay ama booqtay wadankoodii hooyo halkaasoo markii hore ay sheegeen inay  uga soo carareen dhib loo gaystay dhanka kale waxa jira inuu wasiirku soo hadal qaaday in dadka xanuunsan aan la masaafurin doonin isagoo daba dhigay shuruud taasoo ah in qofkaasi uu ku xanuunsaday wadankan balse hadii uu xanuunka lahaa ama qabay markuu wadankan soo galay aanay ka baajin doonin masaafurinta .

DALKA MASAR IYO XARUN MUHAAJIRIINTA LAGU HAYN DOONO

sidda uu sheegayo gudoomiye ku xigeenka heer fadaraal ee xisbul xaakimka CDU  waxa jiri doonta xarun masar laga dhisi doono taasoo ka hor tagi doonta inay dadku ku qarqoomaan badda u dhaxaysa yurub iyo afrkidda waqooyi islamarakaana dadka magangalyadooda la diiday halkaas la gayn doono.
sidda wasiirka arimaha gudaha ee gobolkaasi  Baden-Württemberg waxay kor u qaadi doonaan masaafurinta dadka kasoo jeeda wadanka afganistaan wasiirku wuxuu carabaabay inaanay xidhiidh la smayn doonin dawladda afganistaan islamkaana ay afgaanistaanta u isticmaali doonaan inay ku masaafuriaan habka ama inay raaciyaan diyaaradaha alaabta u qaadaya milatariga jooga wadanka afganistan ee jarmalka ah .
wasiirku wuxuu sheegay in xitaa lacagta caydha la yareeyo hadii qofku xataa qoxootinimo dhaba yahay sidda uu sheegayana wuxuu yidhi * hadii aad kasoo cararatay dagaal iyo cabudhin ujeedadu maaha arin ku saabsan lacagta caydha ama kaaladda ah ee la siiyo qoxootiga*.

Friday, November 25, 2016

HARGABKA SHIMBIRAHA OO LAGA HELAY BERLIN IYO BRANDENBURG


BERLIN- baadhitaan ay sameeyeen shaybaadhadda  ugu waawayn goboladda berlin iyo brandenburg ayaa sheegay inay haragabka shimbiraha ka heleen dagmooyinka Mitte iyo Treptow-Köpenick ee caasimadda wadanka berlin,shimiraha ku noolwabiga spree ee magaaladda berlin ayaa iyagana laga helay xanuunkan hargabka shimbiraha.
sidda ay wararku sheegayaan shimiro dhintay oo laga helay agaagraka Werder ee u dhaw maaglo madaxda brandenburg Potsdam ayaa cadaynaya inay shimbirahaasi u dhintaan hargabka shimbiraha,gudiyadda caafimaadka magaaladaas ayaa xanibaad saaray meelaha lagu dhaqo digaaga iyo shimbiraha si looga hor tago khatar bulshadda soo waajahdda..
gudidda ka masuulka ah cuntadda bulshadda ayaa sheegtay in la buufiyo dhamaan meelaha lagu dhaqo digaaga islamarkaana shaqaalaha laftooda jeermis dile lagu buufiyo markay kasoo baxayaan goobaas digaaga lagu dhaqo,dhanka kale masuulinta magaaladda hamburg ayaa shaaciyey inay dadwaynuhu aydooda iyo bisaaska ku haysataan guryohooda iyadoo laga cabsi qabo inuu xanuunkaasi ku faafo xayawaanka islamarakaana dadka u gudbo
xanuunkan hargabshimiraha waa xanuun ku dhaca xayawaanka qaarkood sidda ayda ,bisadaha.shimbiraha kaasoo dadka usoo gudba sababna in qofku uu u dhinto xanuunkan.

photo Dpa

BASAASIIN TURKIYA OO LAGU TUHUNSANAYAHAY INAY JARMALKA KURDI KU DILEEN

photo Dpa

jarmalka oo noqday goob ay isku hirdiyaan kurdida iyo turkidu


Bremen. maxakamadda magaaladda Bremen ee dalkan jaramalka ayaa  bilowday dacwada lagu qaadayo laba nin oo turki aha kuwaasoo lagu eedaynaayo inay ka dambeeyeen dilka laba nin oo kurdiya islamarakaana ka tirsan ururka dawladda turkiga dagaalka kula jira ee PKK gabadh suxufiyad aha oo ku xidhnayd labadan nin ee la dilay ayaa sheegaysa inay ka wara haysay labadda basaas ee turkiga ah islamarakaana midkood uu suxufi iska dhigayey halkaasoo  laba sano sano ka ho hor uu ku waraysatay labadda nin ee ay dileen si uu macaluumaad uga helo ama u basaaso, waxaanay soo gabdhani  saaratay cadaymo ku saabsan sawiro ay leeyihiin basaasiintu,waxa kalay sheegtay gabdhani inay jiraan shirqoole ay fulliyeen laba nin oo kale oo turki ahi.
labadan nin ee basaasiinta ah ayaa marakay ogaadeen in laga war qabo naxay isla markaana loosoo diray fariimo badan oo ku saabsan in la dili doono.
dawladda turkiga ayaa bilowday inay 6,000 oo basaas usoo dirto dalka jarmalka kadib inqilaabkii dhicisoobay bishii july ee sanadkan basaasiintan oo ujeedadoodu tahay sidii ay culays u saari lahaayeen qoomiyadda kurdididda ee ku nool wadankan jarmalka islamarakaana ku foogan sidii ay markasta ula dagaalami lahaayeen dawladda turkiga .