Wednesday, November 30, 2016

ANGELA MARKEL OO SHEEGTAY INUU RUUSHKU WEERAR XAGA INTERNETKA AH KU HAYO JARMALKA

Dpa
raysalwasaare angela markel ayaa sheegtay in ay dadka jarmalka ahi inay waajahaan weerar xaga internetka ah oo kaga imanaysa dalka ruusha taasina ay noqotay nolol maalmeedka caadiga ah ee wadankan,maalintii axadii ayaa dhamaanba shirkadda intarnatka ee wadankan ugu wayn Deutsche Telkom aya hawadda ka baxday taasoo ahayd tuugo ama weerar  xaga intarnatka lagaga soo qaaday ,angela markel waxay sheegtay inaanay si cad u garanayn cidda ka dambaysay falkaas balse uu wadanka ruuskhku badanaa isticmaalo falalkaas ,raysal wasaaruhu waxay warfidiyeenadda u sheegtay inay meesha wax jiraan islmarkaana ay tahay  in lala noolaado  lana ogaado.
angela markel waxay sheegtay inuu ruushku wado faro galin islmarkaana xaaldaha weerarka intarnatka ee ruushku soo qaadaa ay saamayn taban ku yeelan karto doorshadda soo socota ee wadankan ka dhacaysa sanadka 2017.
doorshadii sanadkan ka dhacday maraykanka oo uu ruushku fara galin xaga  internetka ah ku sameeyey iyadoo ay jirtay ayaa hadana wadanka ruushku wuxuu fariimo iimaylo ah u diray ururo siyaasadeed oo ka tirsan gaashaan buurta NATO fariimahaas oo xambaarsanaa lingaxyo ama linkiyo ay ku hoos jiraan shabakado basaasid ah marka la furana sirta  sidaas lagu heli karo si kastaba ha ahaatee waxa jira warwar wayn oo ay angelamarkel iyo siyaasiin badanoo dalkani ka qabaan inuu ruushku faro galin xaga internetka ah ku sameeyo doorshadda soo socota sidii uu tii maraykankaba u faro galiyey.

No comments:

Post a Comment