photo Dpa |
COLOGNE -booliska magaaladda koln ee dalkan jarmalka ayaa diyaariyey hab cusub oo lagag hor tagaayo damabiyadda iyo faraxumaynta loo gaysto dumarka marka ay socoto xafladda dabaal daga sanadka cusb ee fooda inagu soo haya.
boolisku waxay sheegeen inay ku xidheen kaamrado goobta ay xafladu ka dhici doonto oo ah barxadda istaanka /boosteejadda wayn ee magaaladaasi koln ,sidoo kale boolisku magaaladaasi wuxuu sheegayaa inay isticmaali doonaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka kuwaasoo ay sheeda ama dusha ka ilaalin doonaan hab sami u socodka dabaal daga xafladda sanadka cusub.
dabaaldagii sanadkan 2016 waxa waxyeelo tuugo,iyo faraxumayna loo gaystay dumar gaadhaya 1,000 kun haweena sidda ay sheegayso laanta dambiyadda wadankan ee BKA ,dadka haweenkaas dhibaatadda u gaystay oo asalkoodu ka soo jeeday wadamadda waqooyiga afrika gaar ahaan algeeriyaan ,marookiyaan waxa soo raaca ciraaqiyiin iayaguna falkaas qayb ka ahaa .
booliska magaaladaasi waxa kale oo ay diyaariyeen saaraakiil dadka ku dhex jirta kuwaasoo ku takhasusay ka hortaga faraxumaynta iyo diiwaan galinta habka ay waxay u dheceen .
xafladihii loogu dabaaldagayey curashada sanadankan 2016 waxa dhacay dhibaatooyin badan oo ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Cologne, Düsseldorf, Hamburg, Frankfurt iyo Stuttgart,dambiyadaas oo sidda ay sheegayso laanta damabiyadda wadankan ee BKA tiradoodu ay ahaayee 881 dambi oo ka dhacay goobaha dadwaynugu ku dabaal dagayeen islamarkaan ay dhibi soo gaadhay 1,231 haweena oo faraxumayn loo gaystay da,dooduna ay u dhaxaysay 18-24 jir.
No comments:
Post a Comment