Sunday, November 27, 2016

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA GOBOLKABaden-Württemberg Thomas Strobl OO SHEEGAY INAY MASAAFURIN DOONAAN QOXOOTIGA BILAA SHARCIGA AH SE SOOMALIDDU MAKU JIRTAA?

WASIIRKU WUXUU CARABKA KU ADKEYEY AFGANISTANTA IYO DADKA LA DIIDAY CODSIGOODA MAGANGALYO
wasiirka arimaha gudaha gobolka Baden-Württemberg ayaa sheegay inay meel marin doonaan qorshaha masaafurinta  dadka codsigooda magangalyo la diiday sanadka 2017ka waxa jiri doona 500,000 shanboqol oo kun oo muhaajiriina oo wadankan ku joogin si sharciya taasna waa in ay wax ka qabtaan awooda qaranku sidaas waxa yidhi thomas oo ah wasiirka arimaha gudaha gobolkaasi Baden-Württemberg .
shir aya salaasadii wada qabteen wasiirka arimaha gudaha wadankan ayey ku qoreen warqad ay cinwaan uga dhigeen  qofka aan xaq u lahayn inuu joogo waa inuu tagaa ama wadanka ka baxaa  tani waxay u eegtahay inay tahay in dadka laga taageero xagga ku noqoshadda wadankooda ,gudoomiye ku xigeenka fadaraalka u qaabilsan xisbiga CDU ayaa arintan qaraar kasoo saari doona usbuuc ka dib.
wasiirku wuxuu sheegay inay qoxootigu  qariyaana ama tuuraan cadaymahooda aqoonsi taasiana ay keeni karto inay yaraato saamaxaada islamarakaana aan qofka loo ogolaan magangalyo shaqaalaysiin iyo waxayaabaha lamidka ah

DADKA XANUUNSAN IYO DADKA BOOQDA WADANKOODII
MAXAY NOQONAYASAA ARINTOODU

wasiirku wuxuu sheegay  inay sharciga laga qaadi doono cid kasta oo la ogaado inay ku noqotay ama booqtay wadankoodii hooyo halkaasoo markii hore ay sheegeen inay  uga soo carareen dhib loo gaystay dhanka kale waxa jira inuu wasiirku soo hadal qaaday in dadka xanuunsan aan la masaafurin doonin isagoo daba dhigay shuruud taasoo ah in qofkaasi uu ku xanuunsaday wadankan balse hadii uu xanuunka lahaa ama qabay markuu wadankan soo galay aanay ka baajin doonin masaafurinta .

DALKA MASAR IYO XARUN MUHAAJIRIINTA LAGU HAYN DOONO

sidda uu sheegayo gudoomiye ku xigeenka heer fadaraal ee xisbul xaakimka CDU  waxa jiri doonta xarun masar laga dhisi doono taasoo ka hor tagi doonta inay dadku ku qarqoomaan badda u dhaxaysa yurub iyo afrkidda waqooyi islamarakaana dadka magangalyadooda la diiday halkaas la gayn doono.
sidda wasiirka arimaha gudaha ee gobolkaasi  Baden-Württemberg waxay kor u qaadi doonaan masaafurinta dadka kasoo jeeda wadanka afganistaan wasiirku wuxuu carabaabay inaanay xidhiidh la smayn doonin dawladda afganistaan islamkaana ay afgaanistaanta u isticmaali doonaan inay ku masaafuriaan habka ama inay raaciyaan diyaaradaha alaabta u qaadaya milatariga jooga wadanka afganistan ee jarmalka ah .
wasiirku wuxuu sheegay in xitaa lacagta caydha la yareeyo hadii qofku xataa qoxootinimo dhaba yahay sidda uu sheegayana wuxuu yidhi * hadii aad kasoo cararatay dagaal iyo cabudhin ujeedadu maaha arin ku saabsan lacagta caydha ama kaaladda ah ee la siiyo qoxootiga*.

No comments:

Post a Comment