Wednesday, November 30, 2016

CASHARO QOXOOTIGA KA CAAWIN DOONA SIDII AY LAMAANE JARMALA U HELI LAHAAYEEN OO MAGAALADDA DORTMUND LAGA BILAABAY


Magaaladda Doturmund ayaa maanata laga

bilaabay duruus cusub oo xaga isdhexgalka ah kuwaasoo ujeedadeedu tahay sidii qoxootigu u dhex gali lahaayeen haweenka jarmalka ah islamarakaana u baran lahaayeen qaabka ay ku heli karaan inay helaan lamaane jarmal ah. duruustan oo loogu deeqay qoxootiga magaaladaas qaar ka midda ayaa waxa dhigaya khabiir ku takhasusay arimaha xidhiidhka ragga haweenka iyo qoyska, qaar ka midda qoxootiga oo wax laga waydiiyey arintan ayaa sheegay inay jiraan dumar cunsuriyiina islamarkaana qoxootiga noloshooda ka haysta sawir qaldan , mid kamidda qoxootiga suuriya kasoo jeeda oo duruustan ka qayb qaadanya ayaa sheegay inay diintu ka dabrayso inay guursadaan haweenka jarmalka ah ,dhanka kale haween jarmala oo ku nool magaaladaasi Doturmund oo arintan wax laga waydiiyey ayaa aad usoo dhaweeyey ,sheegayna qofku ha ahaado jarmal ama qoxootiye inay biniaadanimadu kow tahay qofka bini aadamka ahna ay tahay sidaad isku fahantaanuun .

duruusta noocan ah oo noqonaysa kuwii ugu horeeyey ee wadankan qoxootiga loo dhigo ayaa noqon doonta mid la eego midho dhalkiisa iyo sidda ay labadda bulsho ee qoxootiga iyo jarmalku isku dhex galaan .

No comments:

Post a Comment