Tuesday, February 28, 2017

MASAAJIDKII UU KU TUKAN JIRAY NINKII GAYSTAY WEERARKII BRLIN OO ALBAABADDA LOO XIDHAY

booliska Berlin oo hortaagan masaajidka la xidhay ee  Fussilet   -----sawirka  DPA
Berlin- masaajidka loo yaqaano Fussilet oo ku yaala magaaladda Berlin ee caasimada wadanka jarmalka ayaa alabaabadda loo laabay islamarkaana la mamnuucay,masaajidkan oo uu iman jiray Anas amiri oo ahaa ninkii gaystay weerarkii lagu qaaday suuq ku yaala magaaladda Berlin 19.12.2016 halkaasoo uu gaadhi nooca xamuulka jiidhsiiyey dad joogay suuq loogu dabaal dagayey ciida masiixiga kuna dhinteen 12 qof daraasiin kalena ku dhawaacantay,sidoo kale boolisku waxay xili hore oo saaka ah baadheen 24 goobood oo masaajidkan lala xidhiidhinaayey.
booliska ayaa aaminsan in masaajidkani yahay goob ay ku kulmaan dadka xagjirka ahi kuwaasoo raba inay weeraro argagixiso gaystaan sidoo kale waxa la aaminsanayahay in lacag loogu ururiyo kooxaha ka dagaalamaya dalka suuriya ee daacish,dadka badanka masaajidkan ka dhigta casharadda ayaa ahaa turki iyo iyo dad ka soo jeeda bariga  jamhuuriyadihii ka go,ay ruushaka iyo jeejniya kuwaasoo xagjir noqday islamarkaana dhiiri galiya in laga barbardagaalmo kooxda daacishta suuriya ka dagaalantaiyadoo boolisku hore   ugu xidhay masaajidka kamarado laga socdo waxa ka dhacaya
xidhitaanka masaajidkan ayaa waxay soo baxaday bishan fabraayo 15keedii iyadoo uu xidhanaa ilaa waqtigaa ayaa la joojiyey heshiiskii kiradda ee uu masaajidkani ku jiray sidaa uu sheegayo wasiirka arimaha gudaha gobolka Berlin mr Andreas Geisel.
sidoo kale boolisku saaka waxay baadheen laba shirkadood xafiisyadooda iyo 6 qaybood oo ka mida jeelasha magaaladda Berlin.


DPA
By---Muuse Duco

Monday, February 27, 2017

WEERARO KA DHAN AH QOXOOTIGA JARMALKA KU NOOL

booliska jarmalka oo  ka ilaalinaaya hoy qoxooti kooxaha garabka fog ee midigta magaaladda Heidenau   photo-Getty
Celcelis ahaan maalintii 10 weerar oo ka dhan ah qoxootiga ku nool dalkan jaramalka ayaa dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 sida uu sheegayo wasiirka arimaha gudaha jarmalku mr Thomas .
3,500 weerar waxay ku dheceen guryo ay deganyihiin dhalinyaro qoxootiyi halka 1,000 qof lagu weeraray iyagoo jooga meel kabaxsan guryohooda ama magaalada dhexdeeda  sidoo kale waxa la weeraray 217urur iyo shaqaale mutadawacnimo qoxootiga ugu shaqeeya,
dhanka kale weerarkan qoxootiga lagu qaaday waxa ku jirtay caruur ay tiradadoodu gaadhayso 43 caruura dawladda jaramlka ayaa meel adag ka istaagtay weeraradda ka dhanka ah qoxootiga ay ay badanka qaaday dadka taageera siyaasadda garabka ee midigta iyo kooxaha loo yaqaano naasiyiinta cusub taasoo ay dawlada jarmalku  ku tibaaxday  in ''dadka wadankoodii uga soo cararaaya wadankooda ee wadankan jaramalka magangalyadda iyo badabaadada soo biday waa inay helaan hoy nabadda '' fikrado kale ayaa sheegaya in dawlada jarmalka lagu dhaliilay inaanay waxaba ka qaban nacaybka iyo damabiyadda nacaybka ah ee dhanka ah qoxootiga.
siyaasadda dalkan jaramalka ayaa aad u kacsanayd kadib markii ay dalkan soo galeen qoxooti tiro badan sanadkii 2015kii taasoo keenatay inay kor u kacaan dambiyadda iyo nacaybka ay qoxootiga ku hayaan kooxaha naasiiyiinta cusb ee qoxootiga kasoo horjeeda .

by-muuse Duco
-independent
-
Dw

Thursday, February 23, 2017

AFTI MAANTA LAGA QAADAY DADKA JARMALKAKA OO DHULKA GALISEY XISBIGA GARABKA FOG EE MIDIGTA AFD

Rayi ururin ay maanta sameeyeen labadda wargays ee Allensbach and newspaper Frankfurter Allgemeine iyo Forsa research group, RTL and Stern magazine ayaa banaanka usoo saaratay inay taageeradii shicibka lumiyeen xisbiga garabka fog ee AFD kaasoo ku caan baxay inuu had iyo goor kasoo horjeesto siyaasadda qoxootiga wadankan jarmalka islamarkaana shicibka wadankan ka dhaadhiciyo inay qoxootiga wax ka qaban doonaan hadii la doorto iyagoo diiradda saaraya hogaamiyaha wadankanka ee Ngela markel oo ay ku eedaynayaan inay masuul ka tahay inay wadanka soo galaan qoxooti tiro badan .
sidda ay cod bixintu ama ra,ayi ururintu cadaysay xisbiga garabka fog ee midigtu wuxuu hoos u dhacay laba meelood marka la eego taagaeeradii ay haysteen bishii 7baad ee sanadkii 2015kii oo dadku aad u taageeray islamarkaana bishii 12naad ee islasanadkaas taageeraday haysteen ay hadda marka codbixintantan la sameeyey maanta arabacadii ay hoos usii dhacaday ,sidoo kale xisbigani garabka fog ee midigtu  wuxuu sanadkii  2013 ku guul daraystay inuu ku guulaysto inuu kuraas ka helo baarlamaaka wadankan jarmalka dhanka kale ra,yi ururintan ayaa soo bandhigtay in xisbiyadda wadaaga ah ee CDU/CSU ee ay musharaxa u tahay Angela markel ay heleen cod dhan 33 boqolkiiba iyadoo aad ay iskugu soo dhawaadeen xisbiga SPD oo helay cod gaadhaya 30.5 boqolkiiba  halka ra,yi ururrinta uu sameeyey wargayska Stern-RTL aya dhigtay in xisbiyadda CSU /CDU ay tahay 34 boqolkiiba xisbiga SPD na ay heleen 31 boqolkiiba .
hadaba waa maxay sababta keentay in uu taageero waayo xisbiga garabka fog ee AFD
iyadoo ay jirtay dad badan oo ka cadhaysan Angela markel iyo xisbigeeda sababtuna ay ahayd qoxootiga wadanka soo galay ayey dadkaasi ku biireen xisbigaasi AFD ee qoxootiga kasoo horjeeda kuwaasoo aaminsanaa in kaliyaata xisbigan garabka fog ee midigtu wax ka qaban doono qoxootiga islamarkaana ay doonayeen hogaamiye cusub oo dalkan hogaamiya si looga takhaluso ama meesha looga saaro Angela markel hadaba taageerayaashi xisbigan garabka fog maadaama ay doonayeen hogaamiye cusub iyo isbadal  waxa jirta in xisbiga SPD uu samaystay musharax cusub  oo magaciisa la dhaho   Martin Schulz  horena u ahaa gudoomiyaha baarlamkaa yurub  kaasoo la tartami doona Angela markel doorshadda soo socota ,musharaxan cusubi maadama uu la tartamaayo merkel waxay sababtay in taageerayaashi hore ugu jiray xisbigaasi garabka fog ee AFD ay usoo digo rogtaan xisbigan musharaxa cusub keensaday ee SPD iyagoo nacaybka ay dadkaasi u qabaan Angela markel awgeed doonaya inay codka siiyaan cid iyada kasoo horjeeda ama kula tartanta jagadda ugu saraysa dalkan. si kastaba ha ahaatee warkani wuxuu noqon karaa mid ka farxiya ajaanibka wadankan maadama laga cabsi qabay in doorshadda sanadkan dhici doonta ay ku guulaystaan xisbigan AFD ee kasoo horjeeda joogitaanka muhaajiriinta wadankan.

by-Muuse Duco


stern
Dpa

Wednesday, February 22, 2017

DAWLADDA JARMALKA OO SAARTAY QARAAR CUSUB OO LA XIDHIIDHA MASAAFURINTA IYO TIRADDA DADKA LAMASAAFURINAAYO GOBOL KASTA

photo-Dpa
Berlin- dawladda jarmalka ayaa maanta soo saratay sharci  dhigaya in si dhakso ah loo masaafuriyo dadka codsigooga magangalyo la diiday ,sharcigu wuxuu sidoo kale samaayenayaa ama ciqaabayaa dadka been ka sheegay shakhsiyadooda ama macluumaad khaladan bixiyey ,sidda ay sheegayso wakaaladda wararka jarmalku dadka intaana la masaafurin waxa lagu hayn doonaa xabsi muddo gaadhaysa 4 ilaa 10 cisho/bari,sharci waxa kaloo daba socda amar loogu ogolaanyo maamulka socdaalka inay baadhaan macluumaadka ku kaydsan moobiladda iyo laabtoobyadda koombuutaradda magangalyo doonayaasha  ururka qoxootiga u dooda ee PROASYL ayaa arintan aad u cambaareeyey iyagoo sheegay in tahay mid waxshinimo ah qaabka dadka loo masaafurinayaa .
sharcigan cusub ayaa imanayaa kadib markii dawladda jarmalku qaaday talaabooyin lagu adkaynaayo amaanka wadankan kadib markii 19.12.2016 nin tuunisiyaan ahi uu gaadhi dad ku jiidhsiiyey suuq ku yaala magaaladda Berlin halkaasoo dadku ay ku foognaayeen dabaaldaga ciida masiixiga, ninkana dadka laayey ayaa ayaa dawladu amar kasoo saaratay in la masaafuriyo sanadkii hore intaanu falkan galin waxaana la xidhay bishii  August sanadkii  2016, balse waa la siidaayey kadib markii la cadayn waayey aqoonsigiisa dhabta ah .


WAA INTEE  TIRADDA DADKA LA RABO IN WADANKAN LAGA MASAAFURIYO GOBOL KASTA ?

16ka gobol ee dalkan jarmalka iyo tiradda la doonayo in la masaafuriyo

* North Rhine-Westphalia (NRW) 62,906oo qof
* Bavaria 16,587, oo qof
* Berlin15,166. oo qof
*Baden-Württemberg 26,769,  oo qof
*Nordrhein-Westfalen 62,906  oo qof 
*Mecklenburg-Vorpommern3,115 oo qof
* Niedersachsen20,002   oo qof
* Schleswig-Holstein 6,285   oo qof
* Brandenburg 6,121  oo qof
* Hessen 10,14      oo qof
* Saarland1,383     oo qof
* Thüringen 3,206       oo qof
* Sachsen 9,605   oo qof
* Sachsen-Anhalt 6,097  oo qof
* Rheinland-Pfalz 9,959  oo qof
* Bremen3,660

maap muujinaaya  qaabka uu ay u ugu kala badantahay masaafurintu goboladda dalkan
















Monday, February 20, 2017

TELFOONKII HITLER OO $243,000 LA KALA SIISATAY SHALAY AXADII

photo Dpa
goobta loo yaqano Alexander Historicalee lagu kaydiyo taariikhda  oo ku taala Maryland maraykanka ayaa cid aan magaceeda la sheegin ka iibsisay telfoonkii uu isticmaali jiray kaligii taliyihii dhibta badan u gaystay wadankan ee Hitler ,telfoonkan  ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa hubkii ugu xumaa ee uu adeegsaday kaligii taliyaha naasiga ah ahaa ee Hitler maadaama uu amaradda dadka lagu leynaayo iyo weeraradda wadamadda jaarka lagu qaadayo uu u isticmaali jiray telfoonkan,telfoonkan oo asalkiisu ahaa midabka madowga  aya  gadaal/mardambe lagu midabeeyey rinji casaana/guduud kaasoo lagu nashqadeeyey magaca Odolf Hitler ,telfoonkan ayaa laga helay qol dhulka hoostiisa ah magaaladda Berlin kadib markii la jabiyey ciidamadda naasiga ee jarmalka ,qof u hadalay dadka iibiyey telfoonka ayaa sheegay in inay rajaynayaan in telfoonkani ku damabayn doono madaxf si ay dadku u arkaan waxay samayn jireen faashiyiinta ama naasiyiintau.


Qoraalka -Muuse Duco


DW
DPA

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA DALKAN OO SHAACIYEY SHARCI DHIGAAYA IN DADKA QOXOOTIGA AH TELFOONADOODA LA BAADHO

Wasiirka arimaha gudaha dalkan jarmalka  Thomas De Maizière ayaa ku dhawwaqay maalitii shalay ee axadii sharci cusub oo sheegaya in la basaaso ama la ururiyo xogta moobiladda dadka magangalyo doonka ah ee dalkan iyadoo dadku markay wadankan xadka kasoo galayaan lafteeda la baadhi doono telfoonadda ay sitaan ,iyadoo hadda hayadda qoxootiga iyo socdaalka wadankani ay qofka baadhayso telfoonkiisa markuu interfiyuuga maraayo haduu isagu ogaalado,waxa jira in mararka qaar ay jiri doonto sharci ogolaanya in telfoonka qofka la baadho marka ay jirto shaki laga qabo dambi uu qofkaasi galay iyadoo amar laga haysto xeerilaalinta.
dawladu waxay sheegatay inay mararka qaar qoxootigu bixiyaan macluumaad beena taasoo ay doonayaan inay kaga baaqadaan in la masaafuriyo ama ay khiyaameeyaan nidaamka caydha loo qaato,wasiirka arimaha gudaha wadankani wuxuu sheegaya in sanadkii hore boqolkiiba 50-60 la ururiyey xogta dadka muhaajiriinta ah  xogta la ururiyeyna ay gaadhayso ilaa  150,000 qof xogtooda
Hadaba waa qaabkee qaabka xogta ay u ururrinayso hayadda qoxootiga iyo socdaalka dalkani
 sidda  ay wararku sheegayaan xafiisyadda haayadda qooxootiga iyo socdaalaka ee BAMF waxa lagu qalabeeyey xafiisayadeeda qalab gaadhaya 2,400 qaybood oo ururinaaya xogta maalin kasta iadoo looga gol laayahay in la ogaado xaaladda magangalyo doonayaasha faaidona ay u tahay xaga amaanka lgana ogaanayo dadka wada waxayaabo ka dhan ah amaanka wadankan ,ilaa sanadkii 2015kii ayaa waxa jiray sharci ay meel mariyeen guriga sare ee wadankan (Bundesrat) kaasoo ahaa in la ogaado xogta muhaajiriinta balse waxay sheegeen mudanayaasha aqalka sare ee dalkani inay tahay  mushkilad in la basaaso ama xogta laga ururiyo koombuutaradda iyo telfoonadda qoxootiga  dhaawacaysana  qofka noloshiisa u gaarka ah gudoomiyaha gobolka Hesse,mr  Volker Bouffier ayaa sheegay in ay xadidnaan doonto arinta baadhida telfoonadda islamarkaana ay noqon doonto mid qoto dheer marka ay tahay mid shakiya ama cid laga shakisanyahay lana garab dhigi doono baadhitaanka xogta la hayo .
baadhidda lagu samaynaayo telfoonadda qoxootiga ayaa ah mid ka qayb ag sugidda amaanka wadankan kadib markii sanadkii hore nin u dhashay wadanka tuuniisiya ee waqooyiga afrika ku laayey dad badan magaaladda Berlin isagoo isticmaalay magacyo kala duwan markuu qoxootinimadda waydiisanayey wadankan  ,arintanina waxay daba socotaa sidii looga hortagi lahaa inay qoxootiga kusoo dhex gabadaan dad argagixiso ah islamarkaana dhaawaca nabadgalyadda wadankan

By-Muuse Duco

source
WDR
 SZ
DPA

Friday, February 10, 2017

HARAGAB AAD U XUN OO DALKAN SAAMEEYEY IYO DAD U DHINTAY

qof u jiifa hargab    photo Dpa
iyadoo lagu jiro waqtigii jiilaalka ayaa wiigii ugu labadii bilood ee ugu horeeyey sanadkan gaar ahaan bishan 2aad ee aynu ku jirno  ay gaadhay xaaladaha dadka  hargabka ama duriga qaaday ee la diiwaan galiyey   wadankan 43,000 iayadoo ay dad badani ka cabanayaan xanuun la xidhiidha xaga laabata / xabadka, durigan wadankan ka dilaacay ayaa sababay dhimashadda 120 qof oo u badan dad bukaana oo yaalay dhakhtaro dalkan aha halka warar kalena sheegayaan iinay dhimashau tahay 80 qof masuuliayad ka tirsan machadka caafimaadka ee Roberth kock ayaa sheegtay in hargabkani ku fido badanka meelaha dadku ku badanyihiin sida dugsiyadda ,meelaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyo iyo meelaha la midka ah ee dadku ku badanyahay.
hargabkani wuxuu ka mid yahay nooca loo yaqaano H3N3marka la eegayo noocyadda duriga kaasoo wadankan laga helay sanadihii 2015iyo14 hadaba tiro ahaan wxuu ku kala duwanaa goboladda dalkan kaasoo gobolka Bvaria ay gaadhayso tirada uu haleeyey durigan ba,ani 6,275 oo qof 6da gobol ee bariga dalkan  wuxuu haleeley 5,455 oo qof , goboladda galabeedka ee ay ka midka yihiin Saarland iyo North Rhine-Westphalia. iyagana waxa uu hargabkani ku dhacay dad gaadhaya 2,529,halka goboladda waqooyi galbeed iyaga ay tiro ahaan aad u yarayd dadka uu haleeleay kana dhigaysa tiradda 1,115 balse waxa laga cabsi qabaa magaaladda koln oo dhawaan qabanaysa dabaal daga loo yaqaano Crnival inauu haragabku si sahlan kusii fido.
hadaba 


t/online



Thursday, February 9, 2017

XUKUUMADDA FADARAALKA JARMALKA OO WADAQORSHE LAGU DADJINAAYO MASAAFURINTA IYO URURADDA QOXOOTIGA U DOODA OO CAMBAAREEYEY

qoxooti la masaafurinaayo       Photo DPA
Berlin-xubno ka ka kala socda goboladda fadaraalka dalkan jarmalka ayaa ka dooday maanta qorshe ah sidii masaafurinta loo dadjin lahaa kaasoo ay soo dajisay Angela markel ,qorshahan ayaa waxa ka mid ah sidii loo samayn lahaa meelo goboladda wadankan laga sameeyo kuwaasoo lagu ururiyo dadka la masaafurinaayo ee wadankan aan ku lahayn rajo ay sharci ama joogitaan kaga heli karaan sidoo kale qorshahan waxa garab socda in lacag la siin doono dadka iskood u raba inay wadankoodi hooyo ku noqdaan lacagta la siinayaana ay u badan doonto markastooy hore u dalbadaan celiska ama inay wadankoodii ku laabtaan.
arintan waxa aad uga soo hor jeestay ururo kuwa u dooda qoxootiga ah kuwaasoo sheegay in aan lagu dagdagin masaafurinta qoxootiga islamarkaana uu hore u dhacay khalad in la masaafuriyo qoxooti ah dadka kasoo jeeda wadamadda ciraaq ,suuriya ,afganistan iyo eretariyana ay khatar waajahayaan hadii la masaafuriyo,sidoo kale arintan waxa dawladda uga digay ururka booliska wadankan ee [gdp] kuwaasoo sheegay inay dawladu ka taxadirto inay samayso qorshe cusub oo dad lagu masaafurinaayo taasaaon noqon doonin mid hadana dad badan lagu masaafuriyo.
dhanka kale haweenayda cusub ee madaxda looga dhigay haya,dda qoxootiga iyo socdaalka dalkan Jutta Cordt ayaa sheegatay in arinta magangalyo doonaysha laga dhigo mid hal meel laga maamulo dawladd ahaan iyo haday noqoto gobol dawladeedyadda wadankanba islamarkaana hadii hadii dhawr meelood laga maamulo taloobo kasta waxay noqonaysaa carqalad,haya,adda qoxootiga wadankani waxay sheegaysaa in ay soo saari doonto go,aan ku saabsan hadii qofku aanu xaq u lahayn inuu wadankan kusii noolaado ama aan sharci la siin wadanka lagaga saarayo kaasoo ah in lasiiyo waqti cayiman oo uu wadanka kaga baxo iyadoo la eegayo xaalad gaar ahaaneed iyo sababta loo masaafurinaayo,hayaddu waxa kale oo ay qofka soo cadaynaysaa wadankuu kasoo jeedo intaa kadibna waxa masuuliyadda la wareegaysa dawladda jarmalka oo laga rabo halka qofka ay ku haynayso inta lagu qasbaayo masaafurin,sidoo kale wasiirka arimaha gudaha wadankan Thomas ayaa sheegay in la joojiyo isku tuurtuurka arintan ku wadaan maamulka fadaraalka iyo kuwa goboladu waxaanuu ugu baaqay in awood midaysan lagu waajaho.
gudoomiyaha xisbiga Green mr Cem Özdemi ayaa dawladda fadaraalka ah ku eedeeyey in dadkii loo baahnaa in la masaafuriyo ee ahaa dadka waqooyiga afrika kasoo jeeda aan la masaafurin sababtuna ay tahay dawladaha ay dadkaasi kasoo jeedaan iyo jarmalkaan heshiis rasmiya arintan ka gaadhin mushkiladaana ilaa hadda lama xalin kadibna dadka ayaa afganistaan loo masaafurinayaa ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Green .
sida warbixin ay hayadda qoxootigu soo saaratay sheegayso wadankan waxa jooga dad codsigooga magangalyo la diiday kuwaasoo dhan 207,484 qof horena loogu sheegay inay wadanka ka baxaan dhamaadka sanadkii hore ee 2016 63,000 oo kamid ah dadkana ay ku noolyihiin gobolka NRW halka tiradda ku xigtaana ay ku noolyihiin gobolka bavaria tiro ahaana ay yihiin 16,500 iyadoo ay taasi jirto ayaa sanadhii 2015 ilaa 2016kii mastaafurintu kor u kacaday 2015 waxay ahayd 20,000 oo qof oo la masaafuriyey halka 2016 ay tiraddu gaadhay 25,000 oo qof
si kastaba ha ahaatee waxay ahayd todobaadadan ina dhaafay markii qaramadda midoobay warbixin naxdin leh kasoo saaratay xaaladda wadan kamid ah wadamadda jarmalku qoxootiga kasoo jeeda uu aad u masaafuriyo dalkaasoo ah dalka afganistaan inkastoo ay gobolo badan oo wadankan ahi ku dhawaaqeen in la joojiyo masaafurinta dadka reer afganistan ee qoxootinimada wadankan jarmalka u jooga hadan waxaad arkaysaa warar ku saabsan arimaha qoxootiga iyo masaafurintooda taasoo sabab u ah soo dhawaanshaha ay soo dhawaanayso doorasha dalkan ka dhici doonta sanadkan gudihiisa taasoo sababtay in Angela markel uu ku yimaado culays badan oo ay ku wayday taageerayaal badan oo xisbigeeda ahaa islamarkaana hadda ay iyada iyo xisbigeeduba ku fikirayaan inay qorshaha qoxootiga wax ka badalaan maadama ay tahay arinta qoxootigu ta sababtay in ay waydo codad badan waxa kaliyaata ee shicibku ku qanci karaan ay tahay in arinta qoxootiga meel la saaro si aanay codkooda u siin xisbiga garabka fog ee midigta

 faaladda iyo tabinta 
.by,,Muuse Duco
freelance journalist
 
source BAMF
DPA
THLG

Friday, February 3, 2017

NAASI LA XUKUMAY KADIB QARAX UU KA GAYSTAY MAGAALADDA Düsseldorf

Goobta uu ninkani dadka ku dhaawacay  photo Dpa
Düsseldorf sanadkii 2000 ayey ahayd markii mid ka tirsana naasiyiinta cusubi weerar banbaano ah ku qaaday istaan/boosteejo tareen halkaasoo uu ku dhaawacay dad badan  oo yuhuud u badan ,dadkaas oo badankoodu ahaa dad kasoo guuray bariga .
ninkan qaraxa gaystay oo ahaa askari hore oo ciidanka jarmalka ku jiri aaminsan mabda,a naasiyiinta weerarka uu dadkaas ku qaaday waqitigaas waxa loo qaatay inuu yahay mid isir nacayb ah .
goobta uu weerarku ka dhacay oo ahayd xarun tareenadu maraan oo loo yaqaano Wehrhahn S-Bahn kuna taala maagaladaas Düsseldorf.
waqti uu falkani dhacay oo laga joogo muddo 17 sano ah ayaa dacwadan dib loo furay kadib markii la helay DNAda ninkan  islamarkaana waxay maxakamadu ku xukuntay 17 sano oo xadhiga


AFP, dpa, AP