Monday, February 20, 2017

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA DALKAN OO SHAACIYEY SHARCI DHIGAAYA IN DADKA QOXOOTIGA AH TELFOONADOODA LA BAADHO

Wasiirka arimaha gudaha dalkan jarmalka  Thomas De Maizière ayaa ku dhawwaqay maalitii shalay ee axadii sharci cusub oo sheegaya in la basaaso ama la ururiyo xogta moobiladda dadka magangalyo doonka ah ee dalkan iyadoo dadku markay wadankan xadka kasoo galayaan lafteeda la baadhi doono telfoonadda ay sitaan ,iyadoo hadda hayadda qoxootiga iyo socdaalka wadankani ay qofka baadhayso telfoonkiisa markuu interfiyuuga maraayo haduu isagu ogaalado,waxa jira in mararka qaar ay jiri doonto sharci ogolaanya in telfoonka qofka la baadho marka ay jirto shaki laga qabo dambi uu qofkaasi galay iyadoo amar laga haysto xeerilaalinta.
dawladu waxay sheegatay inay mararka qaar qoxootigu bixiyaan macluumaad beena taasoo ay doonayaan inay kaga baaqadaan in la masaafuriyo ama ay khiyaameeyaan nidaamka caydha loo qaato,wasiirka arimaha gudaha wadankani wuxuu sheegaya in sanadkii hore boqolkiiba 50-60 la ururiyey xogta dadka muhaajiriinta ah  xogta la ururiyeyna ay gaadhayso ilaa  150,000 qof xogtooda
Hadaba waa qaabkee qaabka xogta ay u ururrinayso hayadda qoxootiga iyo socdaalka dalkani
 sidda  ay wararku sheegayaan xafiisyadda haayadda qooxootiga iyo socdaalaka ee BAMF waxa lagu qalabeeyey xafiisayadeeda qalab gaadhaya 2,400 qaybood oo ururinaaya xogta maalin kasta iadoo looga gol laayahay in la ogaado xaaladda magangalyo doonayaasha faaidona ay u tahay xaga amaanka lgana ogaanayo dadka wada waxayaabo ka dhan ah amaanka wadankan ,ilaa sanadkii 2015kii ayaa waxa jiray sharci ay meel mariyeen guriga sare ee wadankan (Bundesrat) kaasoo ahaa in la ogaado xogta muhaajiriinta balse waxay sheegeen mudanayaasha aqalka sare ee dalkani inay tahay  mushkilad in la basaaso ama xogta laga ururiyo koombuutaradda iyo telfoonadda qoxootiga  dhaawacaysana  qofka noloshiisa u gaarka ah gudoomiyaha gobolka Hesse,mr  Volker Bouffier ayaa sheegay in ay xadidnaan doonto arinta baadhida telfoonadda islamarkaana ay noqon doonto mid qoto dheer marka ay tahay mid shakiya ama cid laga shakisanyahay lana garab dhigi doono baadhitaanka xogta la hayo .
baadhidda lagu samaynaayo telfoonadda qoxootiga ayaa ah mid ka qayb ag sugidda amaanka wadankan kadib markii sanadkii hore nin u dhashay wadanka tuuniisiya ee waqooyiga afrika ku laayey dad badan magaaladda Berlin isagoo isticmaalay magacyo kala duwan markuu qoxootinimadda waydiisanayey wadankan  ,arintanina waxay daba socotaa sidii looga hortagi lahaa inay qoxootiga kusoo dhex gabadaan dad argagixiso ah islamarkaana dhaawaca nabadgalyadda wadankan

By-Muuse Duco

source
WDR
 SZ
DPA

No comments:

Post a Comment