Tuesday, February 28, 2017

MASAAJIDKII UU KU TUKAN JIRAY NINKII GAYSTAY WEERARKII BRLIN OO ALBAABADDA LOO XIDHAY

booliska Berlin oo hortaagan masaajidka la xidhay ee  Fussilet   -----sawirka  DPA
Berlin- masaajidka loo yaqaano Fussilet oo ku yaala magaaladda Berlin ee caasimada wadanka jarmalka ayaa alabaabadda loo laabay islamarkaana la mamnuucay,masaajidkan oo uu iman jiray Anas amiri oo ahaa ninkii gaystay weerarkii lagu qaaday suuq ku yaala magaaladda Berlin 19.12.2016 halkaasoo uu gaadhi nooca xamuulka jiidhsiiyey dad joogay suuq loogu dabaal dagayey ciida masiixiga kuna dhinteen 12 qof daraasiin kalena ku dhawaacantay,sidoo kale boolisku waxay xili hore oo saaka ah baadheen 24 goobood oo masaajidkan lala xidhiidhinaayey.
booliska ayaa aaminsan in masaajidkani yahay goob ay ku kulmaan dadka xagjirka ahi kuwaasoo raba inay weeraro argagixiso gaystaan sidoo kale waxa la aaminsanayahay in lacag loogu ururiyo kooxaha ka dagaalamaya dalka suuriya ee daacish,dadka badanka masaajidkan ka dhigta casharadda ayaa ahaa turki iyo iyo dad ka soo jeeda bariga  jamhuuriyadihii ka go,ay ruushaka iyo jeejniya kuwaasoo xagjir noqday islamarkaana dhiiri galiya in laga barbardagaalmo kooxda daacishta suuriya ka dagaalantaiyadoo boolisku hore   ugu xidhay masaajidka kamarado laga socdo waxa ka dhacaya
xidhitaanka masaajidkan ayaa waxay soo baxaday bishan fabraayo 15keedii iyadoo uu xidhanaa ilaa waqtigaa ayaa la joojiyey heshiiskii kiradda ee uu masaajidkani ku jiray sidaa uu sheegayo wasiirka arimaha gudaha gobolka Berlin mr Andreas Geisel.
sidoo kale boolisku saaka waxay baadheen laba shirkadood xafiisyadooda iyo 6 qaybood oo ka mida jeelasha magaaladda Berlin.


DPA
By---Muuse Duco

No comments:

Post a Comment