Rayi ururin ay maanta sameeyeen labadda wargays ee Allensbach and newspaper Frankfurter Allgemeine iyo Forsa research group, RTL and Stern magazine ayaa banaanka usoo saaratay inay taageeradii shicibka lumiyeen xisbiga garabka fog ee AFD kaasoo ku caan baxay inuu had iyo goor kasoo horjeesto siyaasadda qoxootiga wadankan jarmalka islamarkaana shicibka wadankan ka dhaadhiciyo inay qoxootiga wax ka qaban doonaan hadii la doorto iyagoo diiradda saaraya hogaamiyaha wadankanka ee Ngela markel oo ay ku eedaynayaan inay masuul ka tahay inay wadanka soo galaan qoxooti tiro badan .
sidda ay cod bixintu ama ra,ayi ururintu cadaysay xisbiga garabka fog ee midigtu wuxuu hoos u dhacay laba meelood marka la eego taagaeeradii ay haysteen bishii 7baad ee sanadkii 2015kii oo dadku aad u taageeray islamarkaana bishii 12naad ee islasanadkaas taageeraday haysteen ay hadda marka codbixintantan la sameeyey maanta arabacadii ay hoos usii dhacaday ,sidoo kale xisbigani garabka fog ee midigtu wuxuu sanadkii 2013 ku guul daraystay inuu ku guulaysto inuu kuraas ka helo baarlamaaka wadankan jarmalka dhanka kale ra,yi ururintan ayaa soo bandhigtay in xisbiyadda wadaaga ah ee CDU/CSU ee ay musharaxa u tahay Angela markel ay heleen cod dhan 33 boqolkiiba iyadoo aad ay iskugu soo dhawaadeen xisbiga SPD oo helay cod gaadhaya 30.5 boqolkiiba halka ra,yi ururrinta uu sameeyey wargayska Stern-RTL aya dhigtay in xisbiyadda CSU /CDU ay tahay 34 boqolkiiba xisbiga SPD na ay heleen 31 boqolkiiba .
hadaba waa maxay sababta keentay in uu taageero waayo xisbiga garabka fog ee AFD
iyadoo ay jirtay dad badan oo ka cadhaysan Angela markel iyo xisbigeeda sababtuna ay ahayd qoxootiga wadanka soo galay ayey dadkaasi ku biireen xisbigaasi AFD ee qoxootiga kasoo horjeeda kuwaasoo aaminsanaa in kaliyaata xisbigan garabka fog ee midigtu wax ka qaban doono qoxootiga islamarkaana ay doonayeen hogaamiye cusub oo dalkan hogaamiya si looga takhaluso ama meesha looga saaro Angela markel hadaba taageerayaashi xisbigan garabka fog maadaama ay doonayeen hogaamiye cusub iyo isbadal waxa jirta in xisbiga SPD uu samaystay musharax cusub oo magaciisa la dhaho Martin Schulz horena u ahaa gudoomiyaha baarlamkaa yurub kaasoo la tartami doona Angela markel doorshadda soo socota ,musharaxan cusubi maadama uu la tartamaayo merkel waxay sababtay in taageerayaashi hore ugu jiray xisbigaasi garabka fog ee AFD ay usoo digo rogtaan xisbigan musharaxa cusub keensaday ee SPD iyagoo nacaybka ay dadkaasi u qabaan Angela markel awgeed doonaya inay codka siiyaan cid iyada kasoo horjeeda ama kula tartanta jagadda ugu saraysa dalkan. si kastaba ha ahaatee warkani wuxuu noqon karaa mid ka farxiya ajaanibka wadankan maadama laga cabsi qabay in doorshadda sanadkan dhici doonta ay ku guulaystaan xisbigan AFD ee kasoo horjeeda joogitaanka muhaajiriinta wadankan.
by-Muuse Duco
stern
Dpa

No comments:
Post a Comment