Monday, February 27, 2017

WEERARO KA DHAN AH QOXOOTIGA JARMALKA KU NOOL

booliska jarmalka oo  ka ilaalinaaya hoy qoxooti kooxaha garabka fog ee midigta magaaladda Heidenau   photo-Getty
Celcelis ahaan maalintii 10 weerar oo ka dhan ah qoxootiga ku nool dalkan jaramalka ayaa dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 sida uu sheegayo wasiirka arimaha gudaha jarmalku mr Thomas .
3,500 weerar waxay ku dheceen guryo ay deganyihiin dhalinyaro qoxootiyi halka 1,000 qof lagu weeraray iyagoo jooga meel kabaxsan guryohooda ama magaalada dhexdeeda  sidoo kale waxa la weeraray 217urur iyo shaqaale mutadawacnimo qoxootiga ugu shaqeeya,
dhanka kale weerarkan qoxootiga lagu qaaday waxa ku jirtay caruur ay tiradadoodu gaadhayso 43 caruura dawladda jaramlka ayaa meel adag ka istaagtay weeraradda ka dhanka ah qoxootiga ay ay badanka qaaday dadka taageera siyaasadda garabka ee midigta iyo kooxaha loo yaqaano naasiyiinta cusub taasoo ay dawlada jarmalku  ku tibaaxday  in ''dadka wadankoodii uga soo cararaaya wadankooda ee wadankan jaramalka magangalyadda iyo badabaadada soo biday waa inay helaan hoy nabadda '' fikrado kale ayaa sheegaya in dawlada jarmalka lagu dhaliilay inaanay waxaba ka qaban nacaybka iyo damabiyadda nacaybka ah ee dhanka ah qoxootiga.
siyaasadda dalkan jaramalka ayaa aad u kacsanayd kadib markii ay dalkan soo galeen qoxooti tiro badan sanadkii 2015kii taasoo keenatay inay kor u kacaan dambiyadda iyo nacaybka ay qoxootiga ku hayaan kooxaha naasiiyiinta cusb ee qoxootiga kasoo horjeeda .

by-muuse Duco
-independent
-
Dw

No comments:

Post a Comment