qoxooti la masaafurinaayo Photo DPA |
Berlin-xubno ka ka kala socda goboladda fadaraalka dalkan jarmalka ayaa ka dooday maanta qorshe ah sidii masaafurinta loo dadjin lahaa kaasoo ay soo dajisay Angela markel ,qorshahan ayaa waxa ka mid ah sidii loo samayn lahaa meelo goboladda wadankan laga sameeyo kuwaasoo lagu ururiyo dadka la masaafurinaayo ee wadankan aan ku lahayn rajo ay sharci ama joogitaan kaga heli karaan sidoo kale qorshahan waxa garab socda in lacag la siin doono dadka iskood u raba inay wadankoodi hooyo ku noqdaan lacagta la siinayaana ay u badan doonto markastooy hore u dalbadaan celiska ama inay wadankoodii ku laabtaan.
arintan waxa aad uga soo hor jeestay ururo kuwa u dooda qoxootiga ah kuwaasoo sheegay in aan lagu dagdagin masaafurinta qoxootiga islamarkaana uu hore u dhacay khalad in la masaafuriyo qoxooti ah dadka kasoo jeeda wadamadda ciraaq ,suuriya ,afganistan iyo eretariyana ay khatar waajahayaan hadii la masaafuriyo,sidoo kale arintan waxa dawladda uga digay ururka booliska wadankan ee [gdp] kuwaasoo sheegay inay dawladu ka taxadirto inay samayso qorshe cusub oo dad lagu masaafurinaayo taasaaon noqon doonin mid hadana dad badan lagu masaafuriyo.
dhanka kale haweenayda cusub ee madaxda looga dhigay haya,dda qoxootiga iyo socdaalka dalkan Jutta Cordt ayaa sheegatay in arinta magangalyo doonaysha laga dhigo mid hal meel laga maamulo dawladd ahaan iyo haday noqoto gobol dawladeedyadda wadankanba islamarkaana hadii hadii dhawr meelood laga maamulo taloobo kasta waxay noqonaysaa carqalad,haya,adda qoxootiga wadankani waxay sheegaysaa in ay soo saari doonto go,aan ku saabsan hadii qofku aanu xaq u lahayn inuu wadankan kusii noolaado ama aan sharci la siin wadanka lagaga saarayo kaasoo ah in lasiiyo waqti cayiman oo uu wadanka kaga baxo iyadoo la eegayo xaalad gaar ahaaneed iyo sababta loo masaafurinaayo,hayaddu waxa kale oo ay qofka soo cadaynaysaa wadankuu kasoo jeedo intaa kadibna waxa masuuliyadda la wareegaysa dawladda jarmalka oo laga rabo halka qofka ay ku haynayso inta lagu qasbaayo masaafurin,sidoo kale wasiirka arimaha gudaha wadankan Thomas ayaa sheegay in la joojiyo isku tuurtuurka arintan ku wadaan maamulka fadaraalka iyo kuwa goboladu waxaanuu ugu baaqay in awood midaysan lagu waajaho.
gudoomiyaha xisbiga Green mr Cem Özdemi ayaa dawladda fadaraalka ah ku eedeeyey in dadkii loo baahnaa in la masaafuriyo ee ahaa dadka waqooyiga afrika kasoo jeeda aan la masaafurin sababtuna ay tahay dawladaha ay dadkaasi kasoo jeedaan iyo jarmalkaan heshiis rasmiya arintan ka gaadhin mushkiladaana ilaa hadda lama xalin kadibna dadka ayaa afganistaan loo masaafurinayaa ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Green .
sida warbixin ay hayadda qoxootigu soo saaratay sheegayso wadankan waxa jooga dad codsigooga magangalyo la diiday kuwaasoo dhan 207,484 qof horena loogu sheegay inay wadanka ka baxaan dhamaadka sanadkii hore ee 2016 63,000 oo kamid ah dadkana ay ku noolyihiin gobolka NRW halka tiradda ku xigtaana ay ku noolyihiin gobolka bavaria tiro ahaana ay yihiin 16,500 iyadoo ay taasi jirto ayaa sanadhii 2015 ilaa 2016kii mastaafurintu kor u kacaday 2015 waxay ahayd 20,000 oo qof oo la masaafuriyey halka 2016 ay tiraddu gaadhay 25,000 oo qof
si kastaba ha ahaatee waxay ahayd todobaadadan ina dhaafay markii qaramadda midoobay warbixin naxdin leh kasoo saaratay xaaladda wadan kamid ah wadamadda jarmalku qoxootiga kasoo jeeda uu aad u masaafuriyo dalkaasoo ah dalka afganistaan inkastoo ay gobolo badan oo wadankan ahi ku dhawaaqeen in la joojiyo masaafurinta dadka reer afganistan ee qoxootinimada wadankan jarmalka u jooga hadan waxaad arkaysaa warar ku saabsan arimaha qoxootiga iyo masaafurintooda taasoo sabab u ah soo dhawaanshaha ay soo dhawaanayso doorasha dalkan ka dhici doonta sanadkan gudihiisa taasoo sababtay in Angela markel uu ku yimaado culays badan oo ay ku wayday taageerayaal badan oo xisbigeeda ahaa islamarkaana hadda ay iyada iyo xisbigeeduba ku fikirayaan inay qorshaha qoxootiga wax ka badalaan maadama ay tahay arinta qoxootigu ta sababtay in ay waydo codad badan waxa kaliyaata ee shicibku ku qanci karaan ay tahay in arinta qoxootiga meel la saaro si aanay codkooda u siin xisbiga garabka fog ee midigta
faaladda iyo tabinta
.by,,Muuse Duco
freelance journalist
source BAMF
DPA
THLG
No comments:
Post a Comment