Thursday, April 20, 2017

AMAANKA MAGAALADDA KOLN OO AAD LOO ADKEEYEY

sawir uu boolisku daabacay oo muujinayaa goobaha laga mamnuucay inay diyaaraduhu dul haadaan magaaladda koln---Polizei NRW Köln
Magaaladda Köln ee galbeedaka dalkan jaramlka ayaa gashay 4 cisho oo aga mamnuucay inay dul haadaan wax diyaaradi goobo gaara ah oo magaaladaas ah ,duulmiaadayadda laga manuucay inay goobaas dul haadaan waxa kamid ah diyaaradaha ka dagaaya madaaraka koln/Bonn ,diyaaradaha gaaraka loo leeyahay iyo waliba kamaradaha ku rakiban aaladaha loo yaqaano daroonta.
ujeedada ka dambaysa mamnuucitaanka laga mamnuucaya in diyaaradahu dul haadaan goobahaas ayaa waxay tahay maadaama xisbiga AFD oo shir ku leeyahay goobahaas duulimaadyadda laga mamnuucay isalamarakaana uu shirkoodu qabsoomi doono maalmaha sabtida iyo axada ee dhamaadka wiigan aynu ku jirno .
diyaaradaha milatraiga,booliska iyo waliba kuwa gargaarka degdega ah oo kaliya ayaa loo ogolyahay inay isticmaalaan hawada goobta shirka ay ku leeyihiin xisbiga garabka fog ee midigta AFD
maanta oo khamiis ah ayaa waxa la bilaabay qorsha lagu sugaayo amaanka iyo ilaalinta goobtaas ay shirka ku qabsanayaan xisbigaasi AFD waxaana lasoo dhoobay goobtaas ku dhawaad 4,000 oo ciidamadda bilayska ah iyadoo laga cabsi qabo in dadwayanhu mudaharaada weerara ku qaadaan goobta ay shirka ku leeyihiin xisbiga AFD ,waxay wararku sheegayaan in ku dhawaad 5,000 oo qf oo kasoo horjeeda xisbigani ay isku diyaariyaan muadaharaado ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan aragtiyaha xisbigan garabka fog ee midigta.
hadaba xisbigan AFD oo ah xisbi badanka kasoo horjeeda siyaasadda qoxootiga iyo kamid ahaanshaha jaramlku kamid yahay midowga yurub ayaa waxa u taala hawl adag oo ay kaga doodayaan qaybsanaan ka jirta gudaha xisbigaas kadib markii siyaasiyiin xisbigaas ka tirsani waxa ka sheegeen xasuuqii gaystay dadkii dagaalkii labaad ay kooxihii naasiyiintu laayeen taasoo keentay in xisbiga gudihiisa khilaaf ka dhasho ,dhanka kalena maalintii  shalay ee arabacdii ayey ahayd markii ay ku dhawaaqday hogaamiyihii xisbigaasi inaanay is sharaxi doonin doorashadda inagu soo fool leh sanakan gudihiisa taaso iyaduna noqotay mid dhabar jab ku ah xisbigaas ..
qorshayaasha ay xisbigana hadaba kaga doodi doonaan shirkooda sabtida iyo axada ka dhici doona magaaladda koln ayaa qodobadda miiska u saarani ay yihiin sidii looga shaqayn lahaa midnimada xisbigaas islamarkaana loogu diyaar garoobi lahaa sidii ay dalkan hogaanka ugu qaban lahaayeen sanka 2021ka ,waxaana lagu wadaa in xisbigani uu kuraas ka heli doono baaralanka wadankan doorshadda sanadkan
booliska oo jooga barxadda kiniisada caanka ah ee magaaladda koln ------- Dpa





Saturday, April 15, 2017

BRANDENBURG KAAM QOXOOTI OO WEERAR LAGU QAADAY SAQDII DHEXE

qaabka ay u eegtahay dhalooyinka loo adeegsaday  weerarka kaamka
Waxay ahayd xalay 3dii habeenimo kadib markii koox aan ilaa hadda la aqoonsani werara ku qaadeen kaam qoxooti oo ku yaala magaaladda yar ee  Kremmen- kuna taala gobolka Brandenburg .
weerarakan ayaa laysku dayey in kaamka dab la qabsiiyo kadib markii qoxootiga kaamka oo horda lagu soo tuuray quruurado/dhalooyin gubanaaya kuwaasoo badanka meesha ay ku dhacaan sida banbaanadda oo kale ugu qaraxa .
hadaba dhalooyinkana dabka ah ee lagu tuuraya kaamkan ayaa ah 2 dhalo kuwaasoo nasiib wanaag aan sababin wax khasaare ah kadib markii mid kamid ah quruuradu ay ku jabtay meel caws/dooga ah oo kaamka gudihiisa halka quruuradda/dhaladda kalena ay ku dhacday luuqa u dhexeeya dhismaha guryaha kaamka dhanka kale ma jirto cid wax ku noqotay ,waxaana arintan si adag uga hadalay duqa magaaladda Kremmen  mudane Sebastian Busse oo sheegay in weerarakan aan lagu soo qaadin qoxootiga oo kaliya basle uu yahay mid lagusoo qaaday magaaladdan Kremmen .
booliska dambaiyadda ayaa saaka soo gaadhay kaamkan  islamarkaana calaamado ku wareejiyey goobta falku ka dhacay  .
 haweenay ka mid dadwayanaha ku nool kaamka ay urisay ur aana fiicanayn oo  ah waxayaabihii xalay kaamka lagusoo tuuray islamarkaana ay aragtay burburka dhalooyinka balse habeenimadii aanay ka war hayn waxa dhacay waxaanay sheegtay haweenaydani inay baqanayso islamarkaana aanay garanayn waxa ku dhici doona bari ama saha damabe .
si kastaba ha ahaatee waxa cabsi wayni haysaa ama soo waajahaday dadwayanaha ku nool kaamkan oo ka cabsi qaba inay qabsadaan weraro sidanoo kale ah ama qaar ka xuni ,goboladda bariga jaramlka  ayaa  badanka mid weerarada lagu qaado qoxootiga ay ka badanyihiin goboladda galabeedaka jaramalka
booliska dambiyadda oo hortaagan kaamka la weeraray  photo-----Sebastian Morgne




 source -mazoberhavel
By-Muuse Duco



Tuesday, April 11, 2017

DAWLADA JARAMLKA OO SHAACISAY INAAN QOXOOTIGA LAGU CELIN WADANKA HANGARI


Berlin-dawaladda jaramlka ayaa shaacisay inay joojisay in qoxootiga loo tarxiilo ama laguceliyo wadanka yurubta bari ee hangari,dawlada jarmalku waxay meesha ka saartay xeerka dublinka ee lagula macaamili lahaa qoxootiga kasoo gala wadankaasi hangari.
wasiirka arimaha gudaha dalkan jaramlka oo saaka la hadalaayey saxaafadda ayaa  u sheegay xafiiska socdaalka dalkan in marka ay noqoto xeerka dublinka ee qaaradan yurub u yaala  in qofku markuu yahay qof wadan kale oo yurub faro ku leh lagu qaado balse qofka k yimi wadanka hangari waa in la damaanad qaadaa maadama aanay dawladda hangari aanay damaanad qaadayn,islamarkaana aan lagu celin qof dublin ah wadankaas hangari.
gabadh qoxootiya oo ku xaniban xadka hangari oo sitada boodh ay ku qorantahay xadka fura
dawladda jaramlka ayaa xeerka dublinka baajisay kadib sanadkii2015kii markii ay qoxooti suuriyaan ahi wadankan soo galeen balse markii tirada qoxootigu ku dhawaatay hal milyan sanadkii 2015kii ayey dawladda jaramlku dib u bilowday xeerkaas maadama ay culys badan  oo xaga siyaasadda ah la kulantay hogaamiye Angela merkel .
baajintay iyo joojintan dawladda jaramlku joojisay in qoxootiga lagu celiyo wadanka hangari ayaa imanaaya kadib markii ururadda u dooda xuquuqda aadamaha iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa ay sheegeen in aan qoxootiga lagu celin wadankaasi hangari maadama wadankaasi bilaabay in  jeel ay qoxootiga ku xidhaan islamarkaana ay dhiseen xaruntii ama jeelkii lagu xidhi lahaa dadka magangalyo doonka ah .
si kastaba ha ahaatee arintan ayaa noqon doonta mid u fududaysa qoysas badan iyo dadyow kale oo magangalyo doon ah inay sii joogaan wadankan jaramlka islamarkaana dib ula midoobaan qoysaskoodii


Written By--
Muuse Duco

Monday, April 10, 2017

BOOLISKA MAGAALADDA LEIPZIG OO XABSIGA DHIGAY NIN QORSHAYNAAYEY INUU WEERAR KA GAYSTO BERLIN

booliska oo jooga kaamka ay ninka ku xidheen   ----photo Dpa
Bilayska ayaa gacanta ku digay nin looga shakisanaa inuu maleegaayey weerar lagu qaado magaaladda Berlin ee caasimadda wadankan jaramlka .
 bilayska ayaa hawlagalka ninkan lagusoo qabtay ka fuliyey kaam qoxooti oo ku yaala magaaladda Borsdorf oo u dhaw magaaladda Leipzig ee gobolka sechsen  maalintii sabtidii ee inasoo dhaaftay .
ninkan ay boolisku xidheen oo da,diisu tahay labaataneeyo ayaa kasoo jeeda waqooyiga afrika .
bilayska gobolka sechsen ayaa ku dhaqaaqay qabashada ninkan kadib markii maalintii jimcihii ee todobaadkan ina dhaafay ay boolisku heleen cadayn iyo warbixn la xidhiidha weerarka ninkani qorshaynaayey inuu ku qaado caasimada wadankan jaramlka ee Berlin ,sidda ay sheegayso wakaaladda wararka ee dalkani jaramlka xadhiga ninkan ay bilaysku xidheen wuxuu baajiyey khatar iyo weerar halisa oo uu ninkani la damacsanaa inuu ku fuliyo magaaladda berlin.
Dawladda jaralka ayaa ku jirta xaalada heegana oo amaanka wadankan lagu adkaynaayo kadib weerarkii dabaqaayadii sanadkii hore ka dhacay magaaladda Berlin oo uu nin kasoo jeeda waqooyihga afrika gaadhi ku jiidhsiiyey dad meel suuq ah iskugu soo baxay goor habeenimo ah islamarkaana uu goobtii ku dilay 12 qof daraasiin kalena ku dhaawacay kaasoo markii dambe bilayska talyaanigu ku toogteen dalkaasi talyaaniga

Muuse Duco

Dpa

Thursday, April 6, 2017

DAWLADDA JARAMALKA OO XEER ADAG KUSOO ROGTAY FACEBOOK IYO TWITTER

Dawladda jaramlka ayaa maalintii carabadii daabacday sharci adag oo ka dhan ah shirkadaha masuulka ka ah baraha bulshaddu isticmaasho ee facebook iyo twitter,sharcigan ayaa wuxuu dsaaran yahay in shirkadaahsi waajihi doonaan ganaax lacageed oo gaadhaya 50 milyan hadii ay waxa ka qaban waayaan ama titiri waayaan qoraaladda iyo sawiradda nacaybka xamabaarsan ee lagu fidiyo baraha bulshadda ha ahaadaan qaar qoxootiga looga jeedo ama cid kale looga jeedee ,hadaba mudadda loo qabtay inay ku tirtiraana ayaa ah muddo 24 saacadood ahalka kiisasaka aan wali cadayn ama u baahan in si qoto dheer loo eegana aya dawladda jaramalku amar ku bixisay in lagu tirtiro mudo 7 cisho gudohooda,haday dhacdo in facebook iyo twitter mudada loo qabatay ay ku tirtiri waayaan waxayaabaha nacaybka xambaarsan ee shabakadahooda lagu faafiyo waxay waajihi doonaan lacagtaas 50ka milyan ah ee ganaaxa ah .
Sawir muujinaya  qaabka ama tiradda  waxayaabaha nacaybka xamabaarsann ee ay tirtiraan shabakadaha bulshadu isticmaalaan photo Dw
 
sidoo kale sharcigani wuxuu farayaa shirkadahan facebook iyo twitter inay ogaadaan cida ka ama shakhsiyadaha ka dambeeya qoraaladda iyo sawiradda lagu daabaco shabakadohooda .
hadaba sarafay dhawaan uu qaaday wasiirka cadaaladda dalkan jaramlka mudane Heiko Maas ayaa daaha ka rogtay in facebook uu masaxo waxayaabahan la faray boqolkiiba 50 halka you tube-tu masxado boqolkiiba 90,dhanka kale sharci yaqaanad ka tirsan xisbiga Grune,  oo magaceeda la dhaho Renate Künas  ayaa ku tilmaamtay hadalka wasiirka iyo go,aanka dawladda jaramlka inay noqon karto mid wax u dhinta ama xadida xoriyatal qowlka,sharci yaqaanadu waxay sheegatay ''inay iyada iyo dadkaloo badani ka cabsi qabaan in hadalka wasiirka cadaaladu wax u dhimi xoriyatul qawlka waxwalabaana ay noqdaan wax lamasaxo,lamasaxo lamasaxo'''.
waxa iyaguna go,aankana kasoo horjeestay shirkado xaga internetka wararka ku qora iyo suxufiyiin kuwaasoo tilmaamay in xoryatul qawlka arintani waxa u dhimi doonto.
si kastaba ha ahaatee waxa jiray wiil suuriyaana oo sanadkii 2015kii sawir la galay hogaamiyaha wadankan ee Angela markel ,sawirkaas oo aya kooxaha midigta fog ee xagjirka ahi si khaladan u isticmaaleen kuna faafiyeen baraha bulshadda iyagoo wiilkaas suuriyaanka ku tilmaamay inuu argagixiso ayahay angela markelna aragagixisada sawirada la gasho, balse arintan ayaanu wiilkaasi ka hadhin islamarkaana uu maxakamad la tiigsaday facebook kaasoo uu ku doodayey wiilka suuriyaanka ahi inaanu facebook waxaba ka qaban beenta cad ee kooxaha cunsuriyiinta ahi sawirkiisa u isticmaaleen nasiib daro se dacwadii waa laga diiday wiilkaas waxaana lasoo afmeeray sanadkan biloowgiisii balse dacwadaasi waxay gogol xaadh u noqotay in dawladda jaramlku u fiirsato waxayaabaha nacaybka xamabaarsan ee lagu faafiyo baraha bulshadda
 
 
By-muuse Duco

source DW Dpa the l.G

Tuesday, April 4, 2017

NEUENHAUS 18 JIR SOMALI AH OO LOO HAYSTO DILKA HAWEENAY IYO KUFSIGA 2 NIN OO NAAFO AH

Sawirka wiilka soomaliga ah oo maxkamadda jooga
Neuenhaus-soomali 18 jir aha ayaa lagu soo eedeedeyey kufsiga laba nin oo waayeel ah islamarakaana ku jiray guriga dadka waaweyn lagu xaanaaneeyo  magaaladda Neuenhaus ee gobolka Niedersachsen,ugu horayn wiilkan 18 jirka ah ee soomaliga ah ayaa wuxuu jabiyey guriga lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah ee ay daganaayeen 2dan nin ee uu kufsiga u gaystay ,wuxuuna ugu horayn qolkiisa ugu galay  nin 59 jir waayeela oo naafo ah kaasoo uu halkaas ku kufsaday ,kadibna wuxuu soo soo aaday qol kale oo uu ku jiray oday kale oo waayaale oo isna naafo ah daddiisuna tahay 87 jir islamarkiiba waxa wiilkan soomaliga ah isku dayday inay qabato oo ay booliska la sugto  xaaska odayga 87 jirka ah ee uu kufsaday balse iyadana isla bartii buu ku dilay sidda uu sheegayo booliska magaaladaasi Neuenhaus,waxaanuu ka booday islamarkiiba daaqadda/dariishadda ,booliska  ayaan iyagu joogay marakaas goobta dambigu ka dhacay maadama ay kalkaalisooyinku  waceen intuu falkani socday islamarkaana dhexda kusoo jiray.
aritan oo dhacaday bishii October 22 sanadkii hore ayaa maanta saxaafadda aduunka meelo badan oo aduunka ka mid ahi qoreena lana baahiyey .
dambiilaha ayaa hadda lagu hayaa xabsi cusbitaal ah oo xaga waalida ama masakaxda la xidhiidha waxaanay dacwadiisu ka bilaabmaysaa maxakamadda magaaladda Osnabrück

Monday, April 3, 2017

MAXAAD KA OGTAHAY QAABKA CUSUB EE BAASKIILADAHA JARMALKU U QORSHAYNAAYO

Dawladda fadaraalka jaramalka ayaa labanlaabatay dhaqaalaha ay ku bixinayso jidadka baaskiiladaha oo ahaa markii hore 60 milyan balse ay ka dhigeen 100 milyan sanadkan kasta  siduu u sheegay afahayeen u hadalay wasaarada gaadiidku waragayska Rheinische Post maanta.
dawladu waxay qorshay sanadkan 2017 inay ku kordhiso 25 milyan oo dheeraada islamarkaana loo sameeyo dadka baaskiilka ku shaqo tago ama jaamacaha ku aada  wadooyin u gaara oo ay maraan oo aan lahayn nalka/laydhka wadooyinka ee gaadiidka haga [Traffic lights] iayadoo hore jarmaku u bilaabay wadooyinkan nooca meelaha qaar ka tirsan galbeedka dalkan jaramlka .
mashruucan ayaa bilaabmay sanadkii 2015 kaasoo dhererkiisu yahay 100 km oo isku xidhai doona magaalooyinka Duisburg, Bochum iyo Hamm markuu dhamaado.
gobolka North Rhine Westphalia. wadooyinka baaskiilaka loogu talo galay ayaa waxay qaadi karaan maalintiiba 50,000 oo gaadhi .
dhanka kale magaaladda Frankfurt ayaa qorshaynaysa beeb ama dhuun hoos marta magaaladaasi oo loogu talo galay inay isticmaalaan baaskiiladuhu waxaanay isku xidhi doontaa wadadaaasi magaalooyinka Frankfurt iyo magaaladda Darmstadt, ilaa koonfurta.
sidoo kale magaaladda caasimadda wadankan ee Berlin ayaa qorshaynaysa inay sameeyaan wado wayn [high way ]u khaasa baaskiiladaha kaasoo laga hirgalin doono abdhtamaha ilaa galbeedka Berlin meesha loo yaqaano Zehlendorf.
si kastaba ha ahaatee wadooyinka jaramlku qorshaynaayo inuu u sameeyo baaskiiladaha oo gaadiid muhiim ah u ah dadwayanaha ayaa wuxuu yaryn doonaa khataraha badanka ka yimaada isticmaalka wadooyinka baabuurta islamarkaana wuxuu dad badan u sahli doonaa inay si dhakhso ah u gaadhaan shaqooyinkooda iyo  goobohooda waxabarasho

BOOLISKA BONN OO RAADINAYA NIN KUFSI LAYAABLEH U GAYSTAY GABDH SAAXIIBKEED LA JOOGTA

Beerta kufsigu ka dhacay ee Siegaue nature reserve
Bonn-booliska magaaladda bonn ee galbeedka jaramlka ayaa raadinaaya nin kufi u gaystay haweenay dhalinyaro ah.
gabdhan ayaa markuu kufsigu qabsaday waxay iyada iyo saaxiibkeed teendho yar ka dhisteen habeenimadii isniinta beerta loo yaqaano Siegaue Naturschutzgebiet halkaasoo ay waqtigooda fasaxa ku qaadanayeen habeenimada kufsiga loo gaystay gabdha  ,ninka weerarka soo qaaday ayaa sitay mindi aad u wayn islamarakaana weeraray lamaanahan teendha ku jiray islamarkaan wuxuu ka dalbaday in gabdhu soo raacdo isagoo mindidii ugu hanjabaaya labadoodaba ,inyar kabacdi wuxuu meel aan taandhada ka dheerayn ku kufsaday gabdhii islamarkaan uu baxsaday. wiilkan saaxibadii la kufsaday ayaa islamarkiiba booliska u qaylo dhaandirsaday waxaanuu saaxibadii u qaaday xaga cusbitaalka
wiilkan saaxibadii la kufsaday ayaa booliska u sheegay in ninkan soo weeraray ee saaxibadii kufsaday uu ahaa qof madow isalamrkaana uu ku hadalaayey luuqadda ingiliishata oo aan sidaas u wanaagsanayn.
booliska jaramlka ayaa hadda raadinaaya shakhsiyadan kufsiga gaystay oo lagu sheegay da,adiisa 20-30 jir dhererkiisana 180 centimitir,xiligan kufsigu dhacay kadib booliska ayaa isticmaalyey diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo eyaha uriya dadka balse umay suuro galin inay damabiilaha gacanta ku dhigaan ,markii ugu muuq damabaysay wuxuu xidhnaa suwaal jiinis buluug cadaati ah ,waxaanay boolisku dadwayanaha u sheegeen in cidii aragtaa ay kasoo wii karto telfoonka
0228-150.

sawirka booliska NRW  aya baahiyeen