qaabka ay u eegtahay dhalooyinka loo adeegsaday weerarka kaamka |
Waxay
ahayd xalay 3dii habeenimo kadib markii koox aan ilaa hadda la
aqoonsani werara ku qaadeen kaam qoxooti oo ku yaala magaaladda yar ee
Kremmen- kuna taala gobolka Brandenburg .
weerarakan
ayaa laysku dayey in kaamka dab la qabsiiyo kadib markii qoxootiga
kaamka oo horda lagu soo tuuray quruurado/dhalooyin gubanaaya kuwaasoo
badanka meesha ay ku dhacaan sida banbaanadda oo kale ugu qaraxa .
hadaba
dhalooyinkana dabka ah ee lagu tuuraya kaamkan ayaa ah 2 dhalo kuwaasoo
nasiib wanaag aan sababin wax khasaare ah kadib markii mid kamid ah
quruuradu ay ku jabtay meel caws/dooga ah oo kaamka gudihiisa halka
quruuradda/dhaladda kalena ay ku dhacday luuqa u dhexeeya dhismaha
guryaha kaamka dhanka kale ma jirto cid wax ku noqotay ,waxaana arintan
si adag uga hadalay duqa magaaladda Kremmen mudane Sebastian Busse oo
sheegay in weerarakan aan lagu soo qaadin qoxootiga oo kaliya basle uu
yahay mid lagusoo qaaday magaaladdan Kremmen .
booliska dambaiyadda ayaa saaka soo gaadhay kaamkan islamarkaana calaamado ku wareejiyey goobta falku ka dhacay .
haweenay
ka mid dadwayanaha ku nool kaamka ay urisay ur aana fiicanayn oo ah
waxayaabihii xalay kaamka lagusoo tuuray islamarkaana ay aragtay
burburka dhalooyinka balse habeenimadii aanay ka war hayn waxa dhacay
waxaanay sheegtay haweenaydani inay baqanayso islamarkaana aanay
garanayn waxa ku dhici doona bari ama saha damabe .
si
kastaba ha ahaatee waxa cabsi wayni haysaa ama soo waajahaday
dadwayanaha ku nool kaamkan oo ka cabsi qaba inay qabsadaan weraro
sidanoo kale ah ama qaar ka xuni ,goboladda bariga jaramlka ayaa
badanka mid weerarada lagu qaado qoxootiga ay ka badanyihiin goboladda
galabeedaka jaramalka
booliska dambiyadda oo hortaagan kaamka la weeraray photo-----Sebastian Morgne |
source -mazoberhavel
By-Muuse Duco
No comments:
Post a Comment