sawir uu boolisku daabacay oo muujinayaa goobaha laga mamnuucay inay diyaaraduhu dul haadaan magaaladda koln---Polizei NRW Köln |
ujeedada ka dambaysa mamnuucitaanka laga mamnuucaya in diyaaradahu dul haadaan goobahaas ayaa waxay tahay maadaama xisbiga AFD oo shir ku leeyahay goobahaas duulimaadyadda laga mamnuucay isalamarakaana uu shirkoodu qabsoomi doono maalmaha sabtida iyo axada ee dhamaadka wiigan aynu ku jirno .
diyaaradaha milatraiga,booliska iyo waliba kuwa gargaarka degdega ah oo kaliya ayaa loo ogolyahay inay isticmaalaan hawada goobta shirka ay ku leeyihiin xisbiga garabka fog ee midigta AFD
maanta oo khamiis ah ayaa waxa la bilaabay qorsha lagu sugaayo amaanka iyo ilaalinta goobtaas ay shirka ku qabsanayaan xisbigaasi AFD waxaana lasoo dhoobay goobtaas ku dhawaad 4,000 oo ciidamadda bilayska ah iyadoo laga cabsi qabo in dadwayanhu mudaharaada weerara ku qaadaan goobta ay shirka ku leeyihiin xisbiga AFD ,waxay wararku sheegayaan in ku dhawaad 5,000 oo qf oo kasoo horjeeda xisbigani ay isku diyaariyaan muadaharaado ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan aragtiyaha xisbigan garabka fog ee midigta.
hadaba xisbigan AFD oo ah xisbi badanka kasoo horjeeda siyaasadda qoxootiga iyo kamid ahaanshaha jaramlku kamid yahay midowga yurub ayaa waxa u taala hawl adag oo ay kaga doodayaan qaybsanaan ka jirta gudaha xisbigaas kadib markii siyaasiyiin xisbigaas ka tirsani waxa ka sheegeen xasuuqii gaystay dadkii dagaalkii labaad ay kooxihii naasiyiintu laayeen taasoo keentay in xisbiga gudihiisa khilaaf ka dhasho ,dhanka kalena maalintii shalay ee arabacdii ayey ahayd markii ay ku dhawaaqday hogaamiyihii xisbigaasi inaanay is sharaxi doonin doorashadda inagu soo fool leh sanakan gudihiisa taaso iyaduna noqotay mid dhabar jab ku ah xisbigaas ..
qorshayaasha ay xisbigana hadaba kaga doodi doonaan shirkooda sabtida iyo axada ka dhici doona magaaladda koln ayaa qodobadda miiska u saarani ay yihiin sidii looga shaqayn lahaa midnimada xisbigaas islamarkaana loogu diyaar garoobi lahaa sidii ay dalkan hogaanka ugu qaban lahaayeen sanka 2021ka ,waxaana lagu wadaa in xisbigani uu kuraas ka heli doono baaralanka wadankan doorshadda sanadkan
booliska oo jooga barxadda kiniisada caanka ah ee magaaladda koln ------- Dpa |
No comments:
Post a Comment