Dawladda jaramlka ayaa maalintii carabadii daabacday sharci adag oo ka dhan ah shirkadaha masuulka ka ah baraha bulshaddu isticmaasho ee facebook iyo twitter,sharcigan ayaa wuxuu dsaaran yahay in shirkadaahsi waajihi doonaan ganaax lacageed oo gaadhaya 50 milyan hadii ay waxa ka qaban waayaan ama titiri waayaan qoraaladda iyo sawiradda nacaybka xamabaarsan ee lagu fidiyo baraha bulshadda ha ahaadaan qaar qoxootiga looga jeedo ama cid kale looga jeedee ,hadaba mudadda loo qabtay inay ku tirtiraana ayaa ah muddo 24 saacadood ahalka kiisasaka aan wali cadayn ama u baahan in si qoto dheer loo eegana aya dawladda jaramalku amar ku bixisay in lagu tirtiro mudo 7 cisho gudohooda,haday dhacdo in facebook iyo twitter mudada loo qabatay ay ku tirtiri waayaan waxayaabaha nacaybka xambaarsan ee shabakadahooda lagu faafiyo waxay waajihi doonaan lacagtaas 50ka milyan ah ee ganaaxa ah .
Sawir muujinaya qaabka ama tiradda waxayaabaha nacaybka xamabaarsann ee ay tirtiraan shabakadaha bulshadu isticmaalaan photo Dw |
sidoo kale sharcigani wuxuu farayaa shirkadahan facebook iyo twitter inay ogaadaan cida ka ama shakhsiyadaha ka dambeeya qoraaladda iyo sawiradda lagu daabaco shabakadohooda .
hadaba sarafay dhawaan uu qaaday wasiirka cadaaladda dalkan jaramlka mudane Heiko Maas ayaa daaha ka rogtay in facebook uu masaxo waxayaabahan la faray boqolkiiba 50 halka you tube-tu masxado boqolkiiba 90,dhanka kale sharci yaqaanad ka tirsan xisbiga Grune, oo magaceeda la dhaho Renate Künas ayaa ku tilmaamtay hadalka wasiirka iyo go,aanka dawladda jaramlka inay noqon karto mid wax u dhinta ama xadida xoriyatal qowlka,sharci yaqaanadu waxay sheegatay ''inay iyada iyo dadkaloo badani ka cabsi qabaan in hadalka wasiirka cadaaladu wax u dhimi xoriyatul qawlka waxwalabaana ay noqdaan wax lamasaxo,lamasaxo lamasaxo'''.
waxa iyaguna go,aankana kasoo horjeestay shirkado xaga internetka wararka ku qora iyo suxufiyiin kuwaasoo tilmaamay in xoryatul qawlka arintani waxa u dhimi doonto.
si kastaba ha ahaatee waxa jiray wiil suuriyaana oo sanadkii 2015kii sawir la galay hogaamiyaha wadankan ee Angela markel ,sawirkaas oo aya kooxaha midigta fog ee xagjirka ahi si khaladan u isticmaaleen kuna faafiyeen baraha bulshadda iyagoo wiilkaas suuriyaanka ku tilmaamay inuu argagixiso ayahay angela markelna aragagixisada sawirada la gasho, balse arintan ayaanu wiilkaasi ka hadhin islamarkaana uu maxakamad la tiigsaday facebook kaasoo uu ku doodayey wiilka suuriyaanka ahi inaanu facebook waxaba ka qaban beenta cad ee kooxaha cunsuriyiinta ahi sawirkiisa u isticmaaleen nasiib daro se dacwadii waa laga diiday wiilkaas waxaana lasoo afmeeray sanadkan biloowgiisii balse dacwadaasi waxay gogol xaadh u noqotay in dawladda jaramlku u fiirsato waxayaabaha nacaybka xamabaarsan ee lagu faafiyo baraha bulshadda
By-muuse Duco
source DW Dpa the l.G
No comments:
Post a Comment