Monday, April 3, 2017

MAXAAD KA OGTAHAY QAABKA CUSUB EE BAASKIILADAHA JARMALKU U QORSHAYNAAYO

Dawladda fadaraalka jaramalka ayaa labanlaabatay dhaqaalaha ay ku bixinayso jidadka baaskiiladaha oo ahaa markii hore 60 milyan balse ay ka dhigeen 100 milyan sanadkan kasta  siduu u sheegay afahayeen u hadalay wasaarada gaadiidku waragayska Rheinische Post maanta.
dawladu waxay qorshay sanadkan 2017 inay ku kordhiso 25 milyan oo dheeraada islamarkaana loo sameeyo dadka baaskiilka ku shaqo tago ama jaamacaha ku aada  wadooyin u gaara oo ay maraan oo aan lahayn nalka/laydhka wadooyinka ee gaadiidka haga [Traffic lights] iayadoo hore jarmaku u bilaabay wadooyinkan nooca meelaha qaar ka tirsan galbeedka dalkan jaramlka .
mashruucan ayaa bilaabmay sanadkii 2015 kaasoo dhererkiisu yahay 100 km oo isku xidhai doona magaalooyinka Duisburg, Bochum iyo Hamm markuu dhamaado.
gobolka North Rhine Westphalia. wadooyinka baaskiilaka loogu talo galay ayaa waxay qaadi karaan maalintiiba 50,000 oo gaadhi .
dhanka kale magaaladda Frankfurt ayaa qorshaynaysa beeb ama dhuun hoos marta magaaladaasi oo loogu talo galay inay isticmaalaan baaskiiladuhu waxaanay isku xidhi doontaa wadadaaasi magaalooyinka Frankfurt iyo magaaladda Darmstadt, ilaa koonfurta.
sidoo kale magaaladda caasimadda wadankan ee Berlin ayaa qorshaynaysa inay sameeyaan wado wayn [high way ]u khaasa baaskiiladaha kaasoo laga hirgalin doono abdhtamaha ilaa galbeedka Berlin meesha loo yaqaano Zehlendorf.
si kastaba ha ahaatee wadooyinka jaramlku qorshaynaayo inuu u sameeyo baaskiiladaha oo gaadiid muhiim ah u ah dadwayanaha ayaa wuxuu yaryn doonaa khataraha badanka ka yimaada isticmaalka wadooyinka baabuurta islamarkaana wuxuu dad badan u sahli doonaa inay si dhakhso ah u gaadhaan shaqooyinkooda iyo  goobohooda waxabarasho

No comments:

Post a Comment