Berlin-dawaladda jaramlka ayaa shaacisay inay joojisay in qoxootiga loo tarxiilo ama laguceliyo wadanka yurubta bari ee hangari,dawlada jarmalku waxay meesha ka saartay xeerka dublinka ee lagula macaamili lahaa qoxootiga kasoo gala wadankaasi hangari.
wasiirka arimaha gudaha dalkan jaramlka oo saaka la hadalaayey saxaafadda ayaa u sheegay xafiiska socdaalka dalkan in marka ay noqoto xeerka dublinka ee qaaradan yurub u yaala in qofku markuu yahay qof wadan kale oo yurub faro ku leh lagu qaado balse qofka k yimi wadanka hangari waa in la damaanad qaadaa maadama aanay dawladda hangari aanay damaanad qaadayn,islamarkaana aan lagu celin qof dublin ah wadankaas hangari.
gabadh qoxootiya oo ku xaniban xadka hangari oo sitada boodh ay ku qorantahay xadka fura |
baajintay iyo joojintan dawladda jaramlku joojisay in qoxootiga lagu celiyo wadanka hangari ayaa imanaaya kadib markii ururadda u dooda xuquuqda aadamaha iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa ay sheegeen in aan qoxootiga lagu celin wadankaasi hangari maadama wadankaasi bilaabay in jeel ay qoxootiga ku xidhaan islamarkaana ay dhiseen xaruntii ama jeelkii lagu xidhi lahaa dadka magangalyo doonka ah .
si kastaba ha ahaatee arintan ayaa noqon doonta mid u fududaysa qoysas badan iyo dadyow kale oo magangalyo doon ah inay sii joogaan wadankan jaramlka islamarkaana dib ula midoobaan qoysaskoodii
Written By--
Muuse Duco
No comments:
Post a Comment