Freiburg 17 jir kasoo jeeda wadanaka afganistaan oo soo galay
wadankan sandkii 2015kii ayaa loo haysta kufsiga iyo dilka gabdh 19 jir
ah oo aradayad hayd gabdhan oo kasoo jeeda gobolka Baden-Württemberg magaaladda-
Enzkreis waxay u timi magaaladan Freiburg si ay wax uga barato.
dilkan loo gaystay gabdha ayaa wuxuu dhacay 16 bishii 8daad ee sanadkan islamarkaana-
maydkeeda laga helay wabiga Dreisam, habeenkii bishu ahayd 15 bisha 8daad ayey
tagtay xafalad ay lahaayeen asxaabteedu isla subixiina waxa la helay maydkeeda .
17jirkan dilka gaystay ayey wararku sheegayaan inuu gabdha kufsaday intaanu
dilin ,booliskuna waxay xidheen maanta oo jimce ah kadib markii laga
helay goobta dambigu ka dhacay timihiisa islamarkaana boolisku waxay
baadhid kusameeyeen kamaradda tareenkii waqtiga dilku dhacay inyar ka
hor maraayey meel u dhaw barta gabdha lagu dilay taasoo laga helay
tareenka muuqaal uu ka dhex muuqado wiilka dilka gaystay isagoo timo
dheer oo dhinacyadda xiiran leh balse marka uu dambiga galay kadib uu
xiiray tintiisa si uu u badalo muuqaalkiisa,dilaagan hadda waxa lagu
qaadayaa inuu gaystay kufsi iyo dil taasoo la hor keenay maxakamadda
magaaladda Freiburg waxaana la baadhayaa inay hore isku yaqaaneen gabdha uu dilay iyo in kale
No comments:
Post a Comment