Dpa |
sidda ay sheegayso wakaaladda shaqadda ee dawladda fadaraalka jarmalku waxa la qorsheyey inay shaqadan ka qayb qaataan 100,000 boqol kun oo qof balse waxa shaqadda bilaabayuun 4,300 taasoo ay wakaaladu sheegtay inaany jirin tirada yar ee ka qayb qaata mid warwar leh .
angela markel iyo dawladeeda wadaaga ahi waxay iyagoo raacaya sharci hore loo dajiyey oo xaga isdhexgalka sameeyeen barnaamij shaqo hal yuuro ah kaasoo loogu talogalay inay qoxootigu manaafacaadsadaan,barnaamijkan oo bilaabmay bishii8daad kowdeedii waxa soo xaadiray ama is la diiwaan galiyey 12,192 oo qoxootiya balse waxa la aqbalay 6459 qof oo qoxootiya inay ka shaqeeyaan shaqadan halka yuuro siday sheegayso wakaaladda shaqaalaysiinta fadaraalku,halka bishii november ay ka shaqaynayeen shaqadan 4,392 qof wakaaladana shaqaduna sheegtay inaany jirin wax looga warwaro haday hawshu ku bilaabanto tiro yar oo dad ah.
sidda uu sheegayo masuul u hadalay wakaaladda shaqaalaysiinta fadaraalka ee mid ka midda magaalooyinka gobolka bavaria inay isa soo tarayso tiradda barnaamijkanoo kale ka qayb qaadanaysa dadkuna ay soo kordhayaan ilaa bishii sideedaad.
sidda warbixintu sheegayso boqolkiiba 42 dadkan qoxootiga ah ee ka shaqeeya shaqadda halka yuuro waxay la shaqeeyaan dawladaha hoose eemagaalooyinka iyo ururadda aan dawliga ahayn.
ka qaybqaatayaashadda mashruucan halka yuuro lagu shaqaynayaa wuxuu aad ugu kala duwanyahay goboladda jarmalka 1398 qof ayaa ka shaqeeya gobolka Baden-Württemberg waxa ku xiga gobolka North Rhine-Westphalia oo ay ka shaqeeyaan 1297 qof oo qoxootiya halka afarta gobol ee ay kamidka yihiin Berlin, Rhineland-Palatinate, , Bremen iyo Saarland aanay qoxootiga joogaa ka qayb qaadan,.
qoxootiga ka shaqeeya shaqadan qaarkood waxay qaataan 80 santi saacadii iyadoo ay shaqeeyaan 30 saacadood usbuucii muddo lix bilooda,waxyaabaha ay qabtaan waxa ka midda doobiilayaasha ama meelaha dharka lagu dhaqo,nadaafadda,kaamaka oo ay cuntadda qaybiyaan .
sidda warbixinta ku qoran shaqadni waxay ka caawinaysaa bay leeyihiin qofka ka shaqeeya isdhexgalka iyo barashadda luuqadda jarmalka ,iyadoo ay jirto qofka diidaa shaqadan marka laga dalbado inuu ka shaqeeyo ina laga jaro caydha ama kaaladda dawladdu siiso,arintan shaqadda halka yuuro waxa jiray masuuliyiin iyo ururo shaqaale oo dawladda ku canaantay inay shaqadan halka yuuro ku badalan shaqo caadiya oo qofku ka shaqeeyo
soo koobid M.D- S,N.G
wixii xaga tafatirka ahna waa xagiina lulo.com
No comments:
Post a Comment