Saturday, December 24, 2016

Oberhausen. LABA NIN OO WALAALO OOQORSHAYNAAYEY INAY DUKAAN QARXIYAAN OO BOOLISKU GACANTA KU DHIGAY

Booliska oo ku jira hawlgalka  dukaanka Centro magaaladda Oberhausen -------photo DPA
Magaaladda Oberhausen ee gobolka galbeedka  jarmalka .North Rhine-Westphalia   ayaa maalintii jimcihii ku xidhay laba nin oo walaalo ah kana soo jeedo wadanka kosovo kuwaasoo qorshaynaayey inay qarax ka gaystaan dhismaha wayn ee ee laga dukaamaysto ee Centro ee ku yaala magaaladda Oberhausen dhisamahan oo ay ku dhex yaalaan ku dhawaad 250 dukaan ayaa ah  mid kamidda dhismayaasha ugu waaweyn ee laga dukaamaysto dalkan jarmlka .labadan da,dooda waxa lagu sheegay 31 iyo 28 jir
booliska ayaa sheegaya inay baadhayaan inta uu leekaa shirqoolkani islamarkaana inay cid kale kula jirtay qorshaha qaraxa ay wadeen ,booliska ayaa marka horeba la geeyey dhismahan iyo suuqa kirismaska ee magaaladaas  iyadoo sirdoonka jarmalka  laga helay warar ku saabsan dhaqdhaqaaq argagixo ,waxaana goobta dhismaha ku suganaa lix sarakaal oo boolisa kuwaasoo dadka meesha wax ka iibsanaya waydiinaayey aqoonsigooda ,wargayska Bild ayaa sheegay in markii sirdoonka jarmalka laga helay warkan la diyaariyey shaqaalaha caafimaadka ,dabdamiska si haday wax dhacaan loogu diyaar garoobo inta hawlgalkan lagu gudo jiro.
booliska ayaa ka gaabsaday inay wax fasiraada oo dheeraada ka bixiyaan arintan islamarkaana sheegay inaanay nimanki xidhiidh la lahayn weerarkii berlin lagu qaaday 19 december ee 12 ka qof ku dhinteen afatameeyo kale ku dhaawacmeen kadib markii nin tuunisaan ahi gaadhi nooca xamuulka ah kusoo qaaday suuq kirismaska ah ,ninkaasoo subaxnimadkii jimcaha booliska talyaanigu ku toogteen magaaladda milaano kadib markii uu booliskarasaas ku furay.

by M.D
somali News in Germany
source AFP
the
.l.G

No comments:

Post a Comment