Saturday, December 24, 2016

Angela Markel OO KU BAAQDAY DIB U HABAYN XAGA AMAANKA AH KA DIB WEERARKII BERLIN

Angela markel oo ubax dhigaysa goobtii dadka lagu laayey caasimadda  Berlin      photo DPA
Berlin -Angela markel  oo jimcihii saxaafadda la ahadlaysay ayaa sheegtay in dib u eegis xaga amaanka ah la sameeyo islamarkaana habka iyo qalabka amaanka wadankan dib u eegis lagu sameeyo kadib dhaliilo badan oo booliska ,iyo dawladda ay angela markel hogaamisa kasoo gaadhay markii ay suuroobi wayday qabashadda ninkii ka dambeey weerarkii berlin ee gaadhiga uu suuqa kirismaska ku qaaday nin tuunisiyaana oo halkaas ku dilay 12 qof  ,arintani waxay sababtay in suaal layska waydiiyo joogitaanka ninkan tuunisiyaanka ah [amiri] uu joogay wadanka isagoo lix bilood uu boolisku daba gal ku hayey waxaa soo baxay dhaliilo badan oo xukuumadda kaga  xaga mucaaradka iyo saxaafadaba .
'' waxaanu hadda si dagdaga u baadhaynaa xajmiga hababka gaarka ee u baahan in wax laga badalo ''waxay hadalkeeda sii raacisay waxaan wacay madaxweynaha tuunisiya Beji CaidEssebsi  si aan ugala hadlo sidii loogu soo celin wadankooda qoxootiga reer tuuniisiya ee codsigooda magan galyo la diiday ,amiiri waxa sababtay in la masaafurin waayo isagoo codsigiisa magangalyo la diiday waxaan cadayn inuu ahaa muwaadin reer tuunisa maadama aan warqo cadayna laga hayn sababtaasaana keentay in uu wadnkan sii joogo,si kastaba ha ahaatee xukuumadda angela markel waxay wajaahaysaa xili adag oo siyaasadeed waayo xisbiyadda garabka fog waxay arimahan dhacay u isticmaalayaan arin siyaasadeed waxaanay ololaha doorashadda ku galayaan sidii qoxootiga arintooda meel loo saari lahaa maadama nimanka wadanka falalka argagixiso ka galay ay qoxootiga kusoo dhex gabadeen.



photo AFP








 

byM.D
Somali News in Germany
source  AFP DW




No comments:

Post a Comment