Thursday, December 22, 2016

NINKII BAKISTANIGA AHAA EE HABEEN HORE BOOLISKU U XIDHAY DHACDADII BERLI OO ASXAABTIISA KAAMKA LAGUSOO WARAYSTAY

wariye ka tirsan wagayska berlin  coureir oo la taagan asxaabta  Naved photo Klaus Oberst
 BERLIN- Naved B.  waa 23 kasoo jeeda gobolka xornimo doonka ah ee blochstan ee dawladda bakistaan hoos taga  Naved  wuxuu ku noolaa kaam ku yaala magaladda berlin gaara ahaan degmadda Wittenau wuxuu la kulmay dhacdadii habeen hore ee gaadhiga lagu jiidhsiiyey dadwayne joogay suuq kirismaska ah oo badhtamaha berlin ka furnaa islamarkaana dad goob joogi ay u maleeyeen inuu isagu gaadhiga waday kadib markii uu ka qarsoomay dadkaas ninka dhab ahaan gaadhiga dadka la jiidhsiiyey wadaha kaahaa ,sidda asxaabtiisa oo kaamka la dagani ay sheegayaan ninkani gabi ahaanba ma wadi yaqaano gawaadhida noocyadooda kala duwan manuu l;ahayn liisan xataa markuu wadankiisii joogay ,badanka wuxuu u ololeeyaa arimo siyaasadeed oo ah sidii gobolkiisa bolojistan uga go,i lahaa bakistan wuxuuna ka tirsan yahay ururka reer balojistan ee u dhaqdhaqaaq go,itaanka baloojistan[ Volksgruppe der Baluchen,] oo dalkan jarmalka ka jira ,mushkiladda ugu wayn ee dhacday markii la qabtay waxay ahayd luuqadda jarmalka oo aanu aqoon iyo afka lagaga hadlo bakistan oo aanu ku hadal waxaanu ku hadalaa oo kaliya luuqad gobolkiisa lagaga hadalo oo loo yaqaan Belutschian taasoo keentay in la waayo turjumaan hadalkiisa fasira ,asxaabtiisa ayaa sheegay inaanay garanayn sababta uu booliska berlin u xidhay waxaanay sheegeen inaanu kaamkii iman islmarkaana uu xidhayahay telfoonkiisii  booliskuna si hubsiimo ah ayey ugasoo eegeen kaamka ilaa hadana ma joogo

No comments:

Post a Comment