Friday, December 23, 2016

Augsburg BAVARIA 30,000 OO GURI OO DADKII LAGA DAADGUREYEY KADIB MARKII LAGA HELAY BAM AAN QARXIN OO QADIIMIYA

Magaaladda Augsburg ee gobolka Bavaria  ayaa maanta  booliska magaaladaasi amar ku bixiyey inay guryohooda laga daad gureeyo 54,000 afar iyo konton kun oo qof kadib markii  goob dhisme laga waday laga helay  bam ama qunbulad aan qarxin oo ah hadhaagii hubkii wadankan lagu ridaayey dagaalkii labaad ee aduunka bamkan oo miisaankiisu dhanyahay 3.5 tan  sedex tan iyo badh ayaa waxa asal ahaan isticmaalay ciidamadii ingiriiska ee dagaalka kula jiray naasiyiintii hitler.
ciidamadda booliska magaaladaas ayaan fasax heli doonin maadama ay ka shaqaynayaan sidii bamkan looga takhalusi 800 oo asakari ayaan fasax heli doonan fasaxan aya u dabaala adagayaan ciida miilaadiga ,helitaanka bamakan laga helay magaaladda ayaa wuxuu sababay inaanay suuro galain inay u dabaal dagan dadwayanaha magaaladani ciida miilaadiga oo ku beegan 24 bishan islamarakaana waxay noqonaysaa daaad gurayntii ugu wayanayd ee dad laga daad gureeyo guryohooda wadankan jarmalka intii kadambaysay dagaalkii labaad ee aduunka  sanadkii 2011 ayey ahayd markii magaaladda Koblenz sidanoo kale looga daad gureeyey dadwayne gaadhaya 45,000 oo qof kadib markii magaaladaas laga helay bam aan qarxin oo kasoo hadhay dagaalkii labaad ,halka sanadkii hore laga helay magaaladda koln bam noocana oo aan qarxin taasoo sababtay in dadweyne gaadhaya 20,000 oo qof laga daad gureeyo guryohooda ,waxa dhacdo in badan wadankan jarmalka in  laga helo meelo badan oo magaalooyin ah waxayaabo aan qarxin oo kasoo hadhay dagaalkii labaad ee aduunka markii uu dalkan xukumaayey xisbigii lagu magacaabi jiray NAZI kaasoo dagaalkii lagula jiray sababay in dalkan duqayn xun loo gaysto ilaa maantana marka meelaha dhismayaasha laga wado la qodoyo laga helo hubkii dagaalkaas loo adeegsaday


habeenkii 25./26. bishii  Februar 1944  duqayntii ingriisku magaaladan duqeeyey waxa ku dhintay700 oo qof mar kaliya







mid kamidda diyaaradaha dagaalka ingiriiska oo magaaladaas garaacaysa waqtigii dagaalkii labaad ee aduunka

No comments:

Post a Comment