|
photo Dpa
mudaharaade sita boodh ay ku qorantahay afganistan meel amaana maaha photo Dpa |
BERLIN- maxkamadda sare ee dalkan ayaa si ku meel gaadha u joojisay masaafurinta qoxootiga kasoo jeeda dalka afganistan, maxkamadda ayaa xukun ay riday oo ahaa in 29 afganistani ah iyo 50 kale oo ay isku dalyihiin lamasaataafuriyo maanta oo arabaca ahayd arintan oon la garanayn sidda ay arintan ayaa abuurtay su,aal furan oo ujeedadadeedu tahay inay afganistaanta masaafurintoodu sharci ahaan cadaalad tahay sidaa awgeed waxa lasoo qaaatay arinta wiilkan 29 jirka ah oo 30 billod ka hor wadankan magangalyo waydiistay markii damabana buuuxbuuxiyey qoraal lagu waydiinayo xaaaladda amaan ee wadanka afganistan taasoo ah sababta aanu ugu noqon karayn wadankii maxakamaddu waxay sheegatay inaan la masaafurin doonin ilaa inta lagsoo gabogabaynayo codsigiisa magangalyo,maxakamadda ayaa diiday codsi uu usoo gudbiyey wiil kale oo afganistani ahi kaasoo uu kaga soo horjeedo go,aan masataafurina oo maxakamaddu hore ugusoo saaratay todobaadkan waxa gagidda diyaararadaha magaaladda franfurt iskugu soo baxay mudaharadayaal reer afgaanistaan ah kuwaasoo kasoo horjeeday masaafurinta qoxootiga ka yimaada afganistan ,maanta intaanay maxkamaddu go,aanka ku dhawaaqin waxa wadankan ka duushay diyaarad sidda qoxooti reer afgaanistan ah kuwaasoo magangalyadooda la diiday islamarkaana lagu celiyey wadankoodii, sidda uu qoray wargayska tagesspeigel qoxootigana oo ahaa 50 qof ayaa ka duulay magaaladda frankfurt iyagoo kusii jeeda magaaladaasi kabul ee caasimada wadanka afganistan duulimaadayadana lagu celinaayo qoxootiga kasoo jeeda afganistan ayaa waxay bilow u yihiin duulimaadyo bilaabamaya bisha koowaad ee sanadkan kaasoo lagu daad masaafurin doono qoxootigaasi u dhashay wadanka afaganistan,dhanka kale haweenay u hadashay wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegatay inaan la cayimin duulimaadka ugu horeeya balse hal duulimaad uu bixi doono dhamadka sanadkan balse ay arintani tahay sir si aanay khalkhal ama khatar u galin xadiga labadda dawladood ee jarmalka iyo afganistan ku heshiiyeen bishii 10naad ee sanadkan ayuu afhayeenku kusoo afmeearay hadalkiisa,sidda waragayska tagesspeigel sheegayo qoxootigan reer afganistan marka wadankooda lagu celiyo waxa gacanta laga galin doonaa dawladda intaanay deegamadoodii gaadhin si loo ogaado inay dariiqa amaan kusii yihiin
source AFP/DPA
No comments:
Post a Comment