Thursday, December 15, 2016

2 DHAKHTAR OO TOOGASHO UGU DHINTAY GOBOLKA HESSE

photo Dpa
Marburg magaaaladda marburg ee gobolka galbeedka jarmalka ee hesse ayaa maanta12.30kii duhurinim, laba dhakhatar toogasho ugu dhinteen mid kamidda cusbitaaladda gaaraka ah ee magaaladaas  ,shaqaalaha garagaarka degdega ah ayaa goobta dhakhtarka ah soo gaadhay kadib markii dad goob joog ahaa ay maqleen rasaas ka dhacaysa gudaha dhkhtarka,dambi baadhayaasha ayaa markay goobta dilku ka dhacay soo gaadheen waxay arkeen labadda dkhatar maydkooda oo rasaas dhawr ahi ku taalo  ma cadda in dilaaga falkan gaystay baxsad ku jiro iyo sababta loo dilay dhakhaatiirtan ,mana cadda in mid kamidda dhakhaatiirtu toogtay ka kale dabadeedna isna is dilay.
xaakimadda magaalaadaasi marburg ayaa sheegay inaanay ka faaloon doonin in labadda dhakhtar iayagu is toogteen  maadama oon wali cid kale loo hayn dhacdadan,sidda uu wargayska Bild sheegayo xaakimadda magaaladaasi waxay sheegeen in aanay jirin wax khatara oo ay ka cabsadaan dadka deegaanku halka wargayska  Hessische Rundfunk reports in sarkaal booliska ka tirsani uu sheegay inay jirto heer cabsiyeed oo ay ka baqaayaan inay waxyaabo xunoo kale dhacaan.dhanka kale labadan nin ee dhakhaatiirta ah ee dhintay ayaa ahaa da,dda dhexe islmarkaana wax macluumadda oo kusaabsan iyaga wali lagama hayo .
badanaa wadankan jarmalka kama dhacaan waxayaabo rabash ah meelaha cusbitaaladda ah inkastoo ay dadka bukaanka ahi weeraraan dhkhaatiirta mararka qaar bishii 7aad ee sanadkan ayaa berlin waxa ka dhacday in uu qof bukaan ahi dhakhtarkiisa ku toogatay magaaladaasi ,halka  sandkii 2012kii uu oday hawl gab ahi ku toogtay 2 dhakhtar gobolka Rhineland- kaasoo isna markii dambe is toogtay xaakimadda gobolkaasiana sheegeen inay haystay ninkaas xaalad nafsiyana

source the L.G

No comments:

Post a Comment