Friday, December 23, 2016

MAXAA KASOO CUSBOONAADAY HADAL HAYNTA NINKII LAGU TUHUNSAA INUU WADAY GAADHIGII SUQA BERLIN LAGU WEERARAY

muuqalka gaadhigii dadka lagu laayey oo  yaala goobtii weerarku ka dhacy   photo Dpa
BERLIN-sidda ay ay sheegayaan wararkii ugu damabaysay ee kasoo baxaya baadhidda iyo daba galka lagu hayo ANIS AMIRI oo ahaa ninka looga shakisanyahay inuu ahaa wadaha gaadhigii habeen sedexaad lagu weeraray suuqii kirismiska waxa maanta ciidamadda boolisku ka heleen isteerinka ama shookaanta gaadhiga faraha ninkan lagu magacaabo Amiri oo hore looga helay oosfayskiisa gudaha gaadhiga weerarka lagu gaystay ee lagu dilay 12 ka qof laguna dhaawacay afartameeyo qof ,booliska jaramalka ayaa maanta bilaabay olole xooga oolagu baadhayo kaamamka qoxootiga ee gabi ahaanba dalkan jarmalka gaar ahaan galbeedka jarmalka  gobolka North Rhine-Westphalia oo ninkani ku noolaan jiray markii hore ,dhankale  maanta waxa waraysi qoyska ninkan eedaysanaha ah ee boolisku raadinayaao ee Amiri qoyskiisa oo jooga wadanka qaaradda afrika ee  tuuniisiya waxay xubno kamiddi sheegeen in aanu wiilkoodu falkan galin balse uu hore fal dambiyeed ugu galay talyaaniga haduu falkani ku cadaado inuu sameeyeyna ay ceeb ku tahay qoys ahaan  walaalkii wuxuu u sheegay wakaaladda wararka jarmalka hadii uu maqlaayoamiri inuu isku dhiibo ciidamadda amaanka taasoo qoys ahaan u noqon doonto daganaansho ama warwar la,aan ,
waxa jirata dhaleecayn aad u xoog badan oo loosoo jeediyey booliska magaaladda berlin oo lagu eedeeyey inaanay muhiimadda saarin inay si qoto dheer u baadhaan dhacdadan oo ay ku mashquuleen habeenkii koowaad ninkii bakistaniga ahaa ee lagu qalday halkaasoo boolisku xataa aanay si fiican u baadhin gaadhiga islamarkaana waqtiyo dambe la helay cadaymaha mar uu dambiiluhu fogaaday waxa iyaduna jirtay in arbacadii laga helay albaabka gaadhiga farihiisa iadoo ay jireen siyaasiyiin ka tirsan xisbiga CDU ay sheegeen inaan la baahin ama aan la faafin sawirka ninka la tuhunsanayahay markii hore si ay wax u hubiyaan ,gudoomiyaha booliska dalkan jarmalka mr Rainer Wendt ayaa isagu iska fogeeyey eedaymahan amaan oo dusha ka saaray siyaasiyiinta ,
angela markel waxay u mahadcelisay ama ay ku amaantay ciidamadda amaanka sidda hawlkarka ah ee ay u shaqaynayaanislamarkaana ay uga hawl galayaan falkan argagixiso ee wadankan lagusoo qaaday


qoyska amiri - sawirkan hore -hooyadda dhahsay amiri oo gacanta ku haysa sawirka amiri    photo Dpa






by muuse duco somali news in Germany
source   Dpa ,Dw,AFP

No comments:

Post a Comment