Friday, December 16, 2016

LIISKA SIYAASIIN JARMALA OO OO LOOGU HANJABAY ARINTA QOXOOTIGA AWGEED

photo Dpa
siyaasiinta ugu sareeya dawladda jarmalka ayaa hore ay usoo gaadhi jireen fariimo hanjabaada fariimahaas oo ka yimaada dadka aaminsan fikradaha garabka midigta fog ee qoxootiga kasoo horjeeda ,siyaasiyiintan oo badanaa fariimaha hanjabaada ah loogusoo diro iimaylo [e-mails] iyo baraha facebuug  islmarkaana internetka ay kooxahan xagjirka ahi ku fidiyaan sawiro aya siyaasiyiinta ku caayayaan ama ku muujinayaan inay dambiilayaal yihiin maadama oo qoxootiga ay u ogalaadeen wadanka inay soo galaan hadaba waakuwee shakhsiyaadka siyaasiyiinta ah ee loo hanjabay Markus Nierth wuxuu ahaa maayarka magaaladdaTröglitz sanadkii 2015 gobolka bariga (Saxony-Anhalt) waxa loosoo diray fariimo digniin iyo hanjabaado ah kuwaasoo loogusheegayo in la dili doono islamarkaana cunsuriyiinta loo yaqaano NPD ay gurigiisa iyagoo mudaharaadaya hor mareen balse maayarku uu is casilay maalmo kadib iscasilaadiisna waxa dab la qabad siiyey guri loo diyaarinaayey qoxootiga oo magaaladaas ku yaala isagoo is casilay ayaa hadana wali loosoo diraa hanjabaado ay ku jiraan muuqaalo waji dad ah ,
siyaasiyad ka tirsan xisbiga grune ee magaaladda hamburg ayaa iyadana uu nin jarmala oo hawl gaba ku yidhi waad waalantahay waxaan rajaynayaa in lagu kufsan doono bisha janaayo ninkan oo lagu ganaaxay 3000 sedex kun oo oo yuuroninkan ayaa markii maxkamadda la keenay   ku dooday inaanu qof shiciba caayin ee uu caayey qof siyaasi ah .
magaaladda Oersdorf oo u dhaw hamburg  ayaa maayarka magaalaas mr Joachim Kebschull loogu hanjabay in banbaano lagu weerari doono maadama uu qoxooti qaatay ama u ogolaaday inay
magaaladiisa yimaadan
Thomas Purwin oo ah masuul ka tirsan xisbiga (SPD) magaaladda Bocholt ayaa si joogto ah looga caaya facebuuga  islmarkaana loosoo diraa fariimo xambaarsan in la dili  doono  fariimuhuna ay xambaarsanyihiin shakhsi durid dambiguna uu yahay inay qoxootiga u adeegaan in kabadan dadka jarmalka,siyaasi kale oo ka tirsan siyiisiyiinta dagan magaaladda  Bocholt ayaa isna loo soo diray fariimo hanjabaad iyo isir nacayb xambaarsan siyaasigan ayaa is casilay kadib markii loo hanjabay inantiisa yar iyo saaxiibadii .
Jürgen Kasek,  oo ah siyaasi iyo looyar ka hawl gala gobolka Saxony' ayaa hore uga qayb qaatay talaabooyin lagaga soo hor jeedo kooxda PAGIDA  iyo ururadda garabka midigta ee fog  taasoo sababtay in la weeraro isagoo saaran tareen magaaladda dhexdeeda maraya  markii horana loosoo diri jiray fariimo xaga internetka ah oo hanjabaada waxaana dhaawac lasoo gaadhsiiyey xafiiskiisa  fariimaha loosoo diray siyaasigan ayaa xambaarsanaa qoraalo aay ku qoranyihiin dhaqdhaqaaqiisa iyo arimo isag kusaabsan  markii ugu damabaysana waxa soo gaadhay ilaa 300 oo fariimo noocan ah,siyaasigan reer sexony wuxuu sheegay inaanu sheegin meesha uu u baxayo kalidii waqti cayiman,meesha uu u socdaalayo  marka uu kalidii yahay magaaladda dhexdeeda waayo ma garanyo cidda igu hareeraysan wuxuuna xidhaa koofiyad si  uu isku qariyo dadkuna aanay u garan cidaan ahay ama halkaan kasoo jeedo siyaasigani wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey inaanay xal ahayn inaad is dhiibtaa taasoo ka dhigan inay kuwa kale guulaystaan islmarkaana ay uu aaminsanyahay shacbi xora oo is ixtiraam kuwadda nool ma doonayo in maalinmaalamaha ka mid aan soo tooso iyadoo xoriayadaydii la qaatay .

soo koobid----- Muuse Duco S.N.G
source---- DW


No comments:

Post a Comment