Sunday, December 18, 2016

Dortmund KINIISAD AY XOOG KU QABSADEEN NAASIYIINTA CUSUBI SI AY SI AY MUHAAJIRIINTA UGA CAAYAAN

Dortmund -magaaladda Dortmund ayaa galabata fiidkii waxa ka dhacday arin la yaable taasoo ay sameeyeen naasiiyiinta cusub ee cadaysta qoxooti nacaybka  nimankan ayaa koray minaaradda kiniisadda iyagoo kasoo laalaadiyey qoraalo ay dadka soo galaytiga ah kaga soo horjeedaan islmarkaana ku qaylinaayey hadalo muhaajiriin nacayb ah  xiligaas oo uu meesha ka furnaa suuqa ku saabsan kirismaska oo ay dadku ku badnaayeen waxaanay u isticmaalayeen hadalkooda mikirifoono  waxayna shidayeen waxyaabaha rash taasoo baraha bulshadda caawa aad uga muuqatay, madaxdda kiniisadan ayaa aad u cambaareeyey falkan iyagoo arintan naqdiyey sheegayna inaanu boos uga banaanayn cunsuriyadda halkan kiinisadda, Ulf Schlüter oo ah mid kamidda madaxdda kiniisadan ayaa wakaaladda wararka dalkan ee DPA usheegay inay aad uga xunyihiin in kiniisadda loo isticmaalo borobogaando  ku salaysan ujeedooyinka garabka midigta fog ee xagjirka ah,booliska magaaladda Dortmunt ayaa xoog u isticmaalay inay joojiyaan rabshadan  iygaoo gacan ka helaaya xooga shaqaalaha  dabdamiska magaaladaas ,waxa dhulka taagnayd koox kale oo kamidda kooxda minaaradda fuushan kuwaasoo salaamo u dhiibaayey islamarkaana saacidayey cunsuriyiinta minaaradda kiniisadda xooga ku fuushay kuwaasoo iyaga talaabo  sharciya uu ka qaaday maamulka magaaladaasi ,8 kamidda nimankan kiniisadda qasabka ku galay oo uu boolisku hore u yaqaanay ayaa la xidhay inkastoo markii dambe lasii daayey kadib markii lala tashaday xeer ilaaliyaha magaalasi Dortmund mid kamidda baadariyadda kiniisadda oo magaciisa la yidhaahdo [ Friedrich Stille ] ayaa saxaafadda u sheegay inay u taaganyihiin nabadgalayadda iyo wada jirka.1970kii ilaa 80kii ayey koox ka tirsan naasiyiinta cusub oo ku noolaa magaaladdan Dortmun  fidiyeen fariimahooda si xubno badan u helaan iyagoo isticmaalaya ka shaqalaystiinta warashadaha dadka bilaa camlka ah

By---M.D----S.N.G

source AFP DPA

No comments:

Post a Comment