Sunday, December 11, 2016

WAA KUWEE MEELAHA TAREENADDA EE UGU KHATARTA BADAN MAGAALADDA BERLIN

photo spreepicture
Berlin-iyadoo maalmahan baraha bulshadda uu si wayn uga muuqaday gabdh yar oo lagu weeray tareenka dhulka hoostiisa mara ee magaaladda berlin ayaa waxa maanta uu daabacay wargayska kasoo baxa caasimadda berlin meelaha ama goobaha tareenadda laga raaco ee caasiamadda berlin ugu khataraha badan kuwaaso uu wargaysku kusoo qaatay inay tahay meelaha ugu khatarta badani inta u dhaxaysa goobaha la yidhaado Hermannstraße iyo Wittenau,sanadkan waxa ka dhacay meelaha tareenadda dhulka hoostiisa mara laga raaco magaaladda berlin 15,079 dambi oo iskugu jira tuugo,gacan qaad iyo dambiyo kale dambiyadaasoo ka dhacay 173 goobood oo ah baraha tareenadaas dhulka hoos mara laga raacoBerlin ,goobahan waxa maalin walaba ka dhaca dambiyo gaadhaya 82 dambi sidda uu sheegayo khabiir arimaha qoyska u qaabilsan xisbiga SPD mr Björn Eggert kaasoo sheegay in goobahan ay ku xidhanyihiin kamarado duuba waxayaabaha ka dhacaya goobahaas islamarakaana ay joogaan shaqaale dirays xidhan balse dadka rakaabka ahi habeenkii waxay hadda u badashaan inay raacaan tagsi ama gaadhi ayuu hadalkiisa raaciyey mr Björn Eggert.
photo spreepicture
waxa jira iyaguna goobo kale oo ay kamid yihiin alexenderplatz iyxo cottobusser tur oo iyagana badanaa habeenkii dadka goobahaas ka raacaya tareenka ay khatar ku sugan yihiin sidda waragaysku sheegayana waxa sanadkan horaantiisii ka dhacay  700 oo dambi Neuköllner Hermannplatz ayaa iayagana lagu soo qaatay inay yihiin goobaha ugu khatarta badan caasimadda berlin halkaasoo sanadkan horaantiisii ay ka dheceen dambiyo gaadhaya 437 ,halka alexenderplatz iyo kottobusser tur ay yihiin kuwo dambiyadda ka dhacay ay gaadhayaan 1179dambi oo ka dhana dadwaynaha sanadkan 2016 si kastaba ha ahaatee warbixintu way daaha ka rogtay inay meelaha ugu khatarta badani yihiin laynka ama dariiqa uu maro tareenka loo yaqaano U8 iyo U9 oo aha tareenadda loogu isticmaal badanyahay kuwa dhulka hoostiisa mara caasiamadda berlin

No comments:

Post a Comment