Sunday, December 11, 2016

LACAG ABAAL MARINA OO LA SIINAAYO CIDDA SOO QABTA NIMANKII GABDHA YAR KU WEERAY TAREENKA DHULKA HOOSTIISA MARA EE BERLIN

Belin-ganacsato reer berlin ah ayaa ku baaqay inay siinayaan lacag gaadhaysa 10.000  oo yuuro cidda soo sheegta dambiilayaashii gabdha yar ee reer berlin ku weeraray tareenka dhulka hoostiisa mara magaaladda berlin goobta loo yaqaano hermanstr ee degmadda new koln berlin,gabdh yar oo gacan ka jabtay markii mid kamidda nimanka weerarka kusoo qaaday gabdha uu haraati kaga jiiday dhabarka iaydoon dhaadanayn islamarkaana ay wajiga u dhacaday ayaa abaaha dhalay gabdhani isna xagiisa wuxuu balan qaaday inuu ku bixin doono cidda dambiilayaasha soo sheegta lacag dhan 2,000 laba kun oo yuuro ,dhanka kale booliska magaaladda berlin ayaa baadhid ku haya cidda muuqaalkan soo galisay baraha bulshadda islamarkaana boolisku wuxuu sheegay in lagu xad gudbay ilaalinta xuquuqda siraha ama xogaha marka la eego sharciga ,waxaana boolisku intaas ku daray inay ilaa hadda hayaan ilaa lix ilood oo ay ku tuhunsanyihiin inay muuqaalkan ku daabaceen baraha internatka .

BF

No comments:

Post a Comment