|
photo Dpa |
wasiirka horumarinta dalkan Gerd Müller ayaa waraysi uu maanta siiyey warbaahinta ku sheegay inay 3da sanee soo socda ku bixin doonaan muhaajiriinta wadamadooda ku noqonaaya ama lagu celinaayo 50 milyan oo yuuro sanad kasta taasoo ka caawin doonta muhaajiriinta wadamadooda ku noqonaaya inay wadamadooda faraqabsi kaga abuurtaan,wasiirku dadka uu soo hadal qaaday waxa kamidda afgaanistaanta ,ciraaqiyiinta iyo dadka codsigooda magangalyo la diiday ,iyo kuwa raba inay iskood ugu noqdaan wadamadoodii hooyo ,wadanka jarmalka ayey soo galaan sanadkii hore ee 2015 qoxooti gaadhaya 900,000 sagaal boqol oo kun taasoo sababtay in la ilaaliyo xuduuda wadankan iyo soo galitaanka qoxootiga.,dhanka kale raysal wasaare angela markel ayaa qorshaynaysa inay adkayso xeerarka socdaalka wadankan xili ay u diyaar garoobayso inay waajahayso inay kursiga madaxtinimadda dalkan isku soo taagto markii afraad iaydoo balanqaaday inaanay dhici doonin sidii ay samaysay sanadkii hore ee ay u furtay allbaabadda qoxootiga ka imanaayey wadamadda ciraaq,suuriya iyo wadamo kale,angela markel oo canaan farabadan kala kulantay qorsheheedaas ay xuduudka ugu furtay qoxootiga kadib markii qoxooti tiro badan oo wadankan soo galay ay sameeyeen falal dambiyeedyo sharciga dalkan ka dhan iyadoo ah todobaadadii ina soo dhaafay la xidhay agaanistaani loo haysto kufsiga iyo dilka gabadh aradayad ahaydoo jarmala halka 7 kale oo afganistaana ah loo xidhay dhawaan kufsiga gabadh yar oo iiraaniyad ahayd .
Augsburger Allgemeine
No comments:
Post a Comment